Ajinebiga ku cusub Norwey
Dadka ajinebiga ah ee doonaya iney degaan Norwey waa iney heystaan sababo sharciga waafaqsan si loo siiyo ogolaansho joogitaan. Nooca ogolaansho ee qofku heystaa waxey siineysaa xuquuq iyo waajibaadyo kala duwan. Qof walba waa inuu ogaadaa sharciga khuseeya ogolaanshihiisha.
Qof kasta oo ku nool Norwey isaga ayey waajib ku tahey inuu wax ka ogaado, sharciyada iyo qawaaniinta wadanka. Sidoo kale qofka waxaa ku waajib ah inuu sheego warbixin sax ah marka qof dawladda u shaqeeyaa ka codsado.