Siyaabo kala duwan oo Norwey lagu joogi karo
Waxa jira noocyo kala duwan oo ogolaansho ah oo qofka ajinebika ah ku joogi karo Norwey. Waa kuwan kuwa ugu muhiimsani:
- Xaq ayey u leeyihiin joogitaanka Norwey dadka u dhashey EU/EØS/EFTA
Qof u dhashey wadamada EU/EØS/EFTA uma baahna inuu codsado oglaanshaha joogitaan ee wadanka Norwey, laakiin waa inuu isdiiwaan geliyo. Waxaana uu iska diiwaan gelin karaa nettka. Ka dibna booliska ayuu la kulmayaa. - Ogolaanshaha joogitaan ee qaxootinimo, oo lagu bixiyo sababo bini’aadnimo oo adag dartood , ama in Norwey cidi kuu joogto (bini’aadamnimo darteed)
Qof dabagal lagu sameeyey ama naftiisu halis gashey, wuxuu Norwey ka codsan karaa magangelyo (asyl). Qofku waa inuu iska dhiibaa booliska wadanka Norwey, markii uu rabo inuu codsado magangelyo.
He’yadda qaabilsan dadka ajinebiga ah (UDI) ayaa codsiyada dadka ka baaraandegeysa. Qaar ka mid ah dadka qaxootiga ah ayaa toos u yimaada Norwey iyaga soo maraya habka qaramada midoobey. - Qofka reer u joogo Norwey ama raba inuu reer la sameysto qof degan wadanka wuxuu codsan karaa ogolaansha isku keenid qoys.
Qofka halkan degan ee codsanaya isu keenid qoys waxaa laga rabaa inuu buuxiyo shuruudo. Waa in ninka ama gabadha qoyska codsanayaa heystaa guri oo isla markaana uu masruufo qoyskiisa. Sida caadiga ah waxa codsiga laga dalbadaa safaaradaha dibada. - Qofkii lagu sameeyey xadgudub ama jidhdil xaalad qoys waa la siin karaa sharci dal-ku-joog..
Qofka la jidhdilo ama xadgub xaalad qoys lagu sameeyo, guur qasab ah ama laga xanibo in uu dalka ku soo laabto isagoo waddankiisii hooyo jooga ka dib qoysku markuu kala tago sababo la xidhiidha xagga bulshada ama dhaqan wuu heli karaa sharci dal-ku-joog u madaxbannaan. Tani carruurtoodana wey khusaysaa. - Sharci dal-ku-joog shaqo
Waxa jira noocyo kala duwan oo sharci dal-ku-joog ah ee ajaanibka raba inay ka shaqeeyaan Norwey.