Waxbarashada af-noorwiijiga iyo cilmiga bulshada
Xuquuq iyo waajib barashada af-noorwiiji iyo cilmiga bulshada
Ajanibka qaarkii waxa ay xaq u leeyihiin waajibna ku ah in ay bartaan af-noorwiiji iyo cilmiga bulshada.
- Tani waxa ay qusaysaa:
- Qaxootiga
- dadka haysta sharci dal-ku-joog sabab bani-aadanimo darteed
- dadka si wadajir ah u helay magangelyo
- qoys la isu keenay oo mid ka mid yahay kooxaha kor ku xusan (familieinnvandring)
- qoys la isu keenay oo noorwiiji ama muwaadiniinta nordiske (familieinvandring)
- qoys la isu keenay oo dad haysta degenaansho rasmi ah (familieinnvandring)
- Dadka shaqo doonka ah ee ka yimi dalalka ka baxsan midowga yurub iyo wadamada baayacmushteriga la leh midowga yurub ee loo yaqaan EØS/EFTA
- qoysaska la isu keeno ee ajaanibka shaqo ku yimi ee ka soo jeeda wadamo ka baxsan wadamada EØS/EFTA (familieinnvandring)
- Ardayda
- Dadka loo keeno iney caruurta ilaaliyaan ama degenaansho ku meel gaadh ah haysta
- Dadka ka soo jeeda wadamada noordiga.
- Dadka ku haysta sharci dal-ku-joog EFTA/EØS sharcigooda
Sharciga barmaamijka hordhaca
Sharciga horudhacu wuxuu khuseeyaa dadka la siiyay oggolaansho degennaansho kahor 31.12.2020. Sida uu dhigayo sharciga hordhacu, Dadka da’doodu u dhaxayso 16-67 sanno oo keliya ayaa ah kuwa xaq u leh waajibna ku tahay iney ka qayb qaataan barashada af-noorwiijiga
Dadka uu khuseeyo sharciga hordhacu wuxuu siinayaa xuquuqda ah in waxbarashadu lacag la’aan tahay, waajibkuna waa in dadkaasi ay dhammaystaan 600 oo saacadood oo waxbarasho ah si loo siiyo sharciga deganansho abadiya ah (ama sharciga muwaadinimo). 50 saacadood oo ka mid ah waxay ku baranayaan cilmiga bulshada iyagoo ku qaadan doona afkooda hooyo ama luqad ay aad u yaqaanaan. Sidoo kale qofku wuxuu heli karaa saacado badan afnoorwiiji lacag la’aan ah. Degmada ayaa bixisa saacadahan taas oo ku xidhan baahida uu qofku u qabo barashada luqada, laakiin saacadaha oo dhami kama badnaan kartaan 3000 oo saacadood marka la isku wada daro.
Sharciga isdhexgalka
1 jenaweri 2021 waxa soo baxey sharci cusub oo la yidhaahdo sharciga isdhexgalka. Sida uu dhigayo sharciga isdhexgalku, Dadka da’doodu u dhaxayso 18 ilaa 67 sanno waxey xaq u leeyihiin waajibna ku ah iney ka qayb qaataan barashada af-noorwiijiga. Ka qeybqaadayaasha uu khuseeyo sharciga isdhexgalku waxey xaq u leeyihiin waajibna ku ah iney gaadhaan heerka ugu yar ee af-norwiijiga. Heerkan waxaa lagu go’aamiyaa iyadoo lagu salaynayo heerka waxbarasho ee ka qaybgalaha. Barashada af-noorwiijigu caadi ahaan ma socon karo wax ka badan saddex sanno. Dadka Norway yimi iyaga oo leh waxbarasho dugsi sare ama waxbarasho sare, barashadu ma qaadan karto wax ka badan 18 bilood.
Ka qeybqaadayaasha Norway yimi 31 diisambar 2021 ama kahor, waa iney weli dhammeeyaa 50 saacadood oo barashada cilmiga bulsho.
Ka qeybqaadayaasha Norway yimi 1 jenaweri 2022 ama kadib, waxey dhammeyndoonaa 75 saacadood oo barashada cilmiga bulsho ah iyagoo ku qaadan doona luqad uu kaqaybgaluhu fahmayo.
Waajibka barasho af-noorwiiji oo af-noorwiiji ah iyo cilmiga bulshada
Qaar ka mid ah ajaanibku xaq uma laha barasho af-noorwiiji oo lacag la’aan ah, laakiin waxa ku waajib ah iney dhammeeyaan barashada af-noorwiijga. Dadka ay waajibka ku tahey barashadu sida uu dhigayo sharciga hordhacu waxa ku waajib ah iney dhammeeyaan 300 oo saacadood oo barashada af-noorwiijga iyo cilmiga bulshada si ay u helaan sharci degganaansho oo rasmi ah. Ajaanibta uu waajib ka saaranyahey barashada sida uu dhigayo sharciga isdhexgalku waxa waajib ku ah iney gaadhaan heerka ugu yar ee af-norwiijiga ama iney dhammeeyaan 300 oo saacadood oo barashada af-noorwiijga iyo cilmiga bulsho. Ka qeybqaadayaasha Norway yimi 1 jenaweri 2022 ama kadib, waa in 75 saacadood oo ka mid ahi ay ahaadaan barashada cilmiga bulsho.
Tani waxey khusaysaa:
Aan xaq u lahay ama aanay ku waajibin barashada af-noorwiiji ee af-noorwiijiga iyo cilmiga bulshada
Dadka qaar ka mid ah ajaanibka ayaan xaquuq iyo waajibaad toona u laheyn barashada afoorwiijiga iyo cilmiga bulshada. Kuwaasi waa: