Taariikh, Joqoraafi iyo Cilmiga Bulshada

Juquraafi

Norge i Verden

Bedka dhulka Norwey waa 385 199 kiilomitir oo labajibbaaran. Tani waxey ka dhigaysaa in Norwey ay ka yar tahay Thailand, Cirraaq, Turkiga iyo Soomaaliya. Waxa Norwey u gaarka ahi waa iney dhul dheer oo dhuuban tahey. Ku dhawaad inta ay isu jiraan Oslo iyo Baariis ayey isu jiraan Oslo iyo Tromsø.

Norwey waxey ku taal Waqooyiga oo ka kooban Norwey, Iswiidhan, Denmarak, Finland iyo Aysland. Norwey waxey mid tahay Iskandinifiyanka iyada iyo Iswiidhan iyo Denmarak. Norwey waxey xad la leedahay Iswiidhan, Finland iyo Ruushka.

Qaybaha Waddanka

Norway waxaa loo qeybiyaa shan qeybood, Waqooyiga Norway (Nord-Norge), Bartamaha Norway (Trøndelag), galbeedka Norway (Vestlandet) koonfurta Norway (Sørlandet) iyo Bariga Norway (Østlandet)

Gobollada

Norwey Waa 11 gobol. Waxeyna sidan ugu kala qaybsamaan qaybaha kala duwan ee dalka:
Waqooyiga Norwey: Nordland, Troms og Finnmark
Trøndelag: Trøndela
Galbeedka: Vestland, Rogaland, Møre og Romsdal
Koonfurta: Agder
Bariga: Vestfold og Telemark, Viken, Innlandet, Oslo

Norgeskart og flagg

Magaalooyinka

Qiyaastii ilaa 100 magaalo ayaa ku yaal Norwey. Oslo ayaa ah tan ugu weyn oo ay ku noolyihiin qiyaastii 600 000 oo qof. Kuwani waa qaar ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn Norwey.

  • Oslo

Oslo

  • Bergen

Bryggen i Bergen

    • Trondheim

Trondheim

  • Stavanger
  • Kristiansand
  • Fredrikstad
  • Tromsø
  • Sandnes
  • Drammen
  • Sarpsborg
  • ssb.no

 

Macluumaad juqraafi oo kale

      • Buurta Norwey ugu dheer waxa la yidhaahdaa Galdhøpiggen. Dhererkeedu waa 2469 mitir.

    • Harada Norwey ugu weyn waxa la yidhaahdaa Mjøsa. Bedkeedu waa 365 kiiloomitir oo laba jibbaaran.
    • Webiga Norwey ugu dheer waxaa la yidhaahdaa Glomma. Dhererkiisuna waa 611 kiilomitir.
    • Xeebta waxaa ku dhereran gacamo-badeedyo (fjorder) badan, kan ugu dheer waxa la yidhaahdaa Sognefjorden. Dhererkiisuna waa 204 km. Baaciisuna waa 1308 mitir meesha ugu gun dheer.

Sognefjorden

  • Ku dhawaad kala badh bedka (dhulka) Norwey wuxu ka kooban yahay dhulbuureed waxa intaa dheer in saddexdii meelood meel ahaan ay kaymo yihiin. Keliya boqolkiiba laba ayaa dhul dhisan ah (Guryo iyo waddooyin).

Wax sax ah

Qeybin

Norwey juqraafi ahaan waxa ay u qaybsan tahay shan qaybood iyo maamul 11 gobol iyo 356 degmo ah.

Buuraha iyo kaymaha

Qiyaastii kala badh dhulka Norwey waa buuro, qiyaastii boqolkiiba 30 kaymo weeye. Keliya boqolkiiba 3 ayaa dhul la beeri karo ah.