Dimuquraadiyad iyo Daryeelka bulshada

Xuquuqda iyo xuriyadda dimuquraadiyadda


Norwey waa dal dimuquraadi ah. Erayga dimuquraati waa eray giriig ah, macnihiisuna waa maamul dad. Dalka waxa xukuma siyaasiyiin ay dadku soo doorteen, kuwaasoo ah xisbiyada baarlamaanka, dawladda hoose iyo maamulka gobolada (kommune- og fylkestingsvalg). Xisbigii ama xisbiyadii helo cododka ugu badan doorashada ayaa qaata kuraasta ugu badan ee baarlamaanka, dawladda hoose iyo maamulka gobolada, sidaa daraadeed waxaana go’aanka gaara wadarta. Laakiin waxaa jira mabda muhiim ah kasoo ah in wadartu tixgeliyaan kuwa laga badan yahay markii ay fulinayaan siyaasadda maamulkooda. Wadan dimuquraadiyad ah dadweynuhu waxay leeyihiin xuquuq iyo xuriyad:

Xuquuqu insaanka

FN-flagget FN-bygningen i New York
Xuquuqu insaanka waxay quseysaa dadka oo dhan, xuquuqda waxaa loo sameeyey sababtoo ah waxaan nahay bani`aadam. Sababtu ma aha inaad ku nooshahay wadan qaas ah ama aad aaminsan tahay diin ama aad ka tirsan tahay dad qaas ah. Sidaa daraadeed ayaa xuquuqda insaanka loogu yeeraa xuquuq caam ah. Xuquuq insaanka waa wax ka dhexeeya dawladda iyo shaqsiga.

1948-kii ayaa Qaramada Midoobay oggaysiiskeeddii xuquuqda bani’aadamka la go’aamiyey. Go’aanka xuquuqda bani’aadanimo wuxu quseeyaa dhammaan dadka waxaanu sheegayaa in:

  • dhammaan insaanka oo dhan waxay ku dhasheen xuriyad isku mid ah iyo xaquuq insaan
  • dadka oo dhan waa isku xaquuq, iyadoon loo eegin, diintooda, jinsiyadooda, lab iyo dhedig siyaasadda ay aaminsan yihiin dhalashada wadan iwm.
  • Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin xuriyad iyo nabadgalyo nafsadeed
  • Jirdil nooc kasta waa mabnuuc
  • Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin sharci iyo cadaalad
  • Dadku waxay xaq u leeyihiin inay ka qeybqaataan siyaasadda wadankiisa isagoo ugu qeybqaadanaya doorashooyin xur ah oo qofku codkiisa u qarsan yahay.

Noowar qeybo badan oo ka tirsan xeerarka xuquuqu insaanka ayaa ka mid ah sharciyada wadanka.

Sinnaanta

Personer i rullestol Homofilt par To eldre damer på tur Fem barn sammen
Sinnaanta Sida caadada ah sinnaanta macnaheedu waxa weeye in ragga iyo dumarku ay yeeshaan xuquuq iyo waajibaad isku mid ah. Laakiin maanta micnaha erayga waa la kordhiyey: dhammaan dadka oo dhan iyaga oo loo eegin da`dooda, jinsiyadooda, awoodooda, lab iyo dhedig, diintooda iyo isku galka ay yeeshaan waxay leeyihiin xuquuq iyo fursad isku mid ah. Sinnaantu waxay kaloo ka hadlaysaa in loo sinaado awoodda iyo saameynta, masuuliyadda iyo xilka si caalad ah loo qeybiyo, iyo in qofku dareemo nabadgalyo iyo inuusan ka baqin in loo geysto meel uga dhac ama xoog wax ku maquunin.

Xoriyadda hadalka

Xoriyadda xadalka micnaheedu wuxuu yahay in qofku aragtidiisa ka dhiiban karo, siyaasadda iyo diinta, iyo in qofku si xur ah ula doodi karo qof kale. Iyo qofku xor u yahay inuu qoro aragtidiisa isaga oo aan ka baqeyn in lagu ciqaabo. Laakiin waxaa jira xad, qofku xor uma aha inuu ku hadlo ama qoro wixii uu doono, tusaale in qof kale wax xun laga sheego. Sidaa daraadeed waxaa jira sharciyo xadidayo xoriyadda hadalka. Tusaale sharcigu ma ogola in hadal cunsuriyad ama midab kala sooc ah bulshada dhexdooda looga doodo, hadal ama qoraal. Xoriyadda hadalku waxay quseysaa hadalka qofka shaqsiga ah ku hadlo ama raadiyaha, taleefishinka ama wargeyska lagu qoro.

Sharci iyo qawaaniin

Noorway dadweynuhu waxay leeyihiin sharci iyo qawaaniin wanaagsan. Taa micnaheedu wuxuu yahay in:

  • In qof lagu xukumin xabsi isagoon maxkamad la saarin. Saaris maxkadadeed waxay tahay in gudi xur ah go`aamiyaan in qofka dembiga lagu soo oogey yahay dembiile ama dembi laawe iyo in qaali xur ah go`aamiyo inta lagu xukumayo haddii dembiga lagu helo. Laakiin waxaa laga yaabaa in qofk xabsigu ku jiro inta maxkamad laga keenayo, inta ay boliisku ka baarayaan kiiskiisa.
  • Dhammaan eedeysanayaashu waxay xaq u leeyihiin qareen daafaco.
  • Maxkamaduhu waa madax banaan yihiin. Taa oo micnaheedo tahay in aysan siyaasiyiinta, warfaafinta ama dadka kale ee ka shaqeynayo kiiska saameyn ku yeelan Karin. Baalamaanka, dawladda ama madaxda kale masoo faragalin karaan go`aanka maxkadda.
  • Sharciga dib looguma celin karo go`aan la gaarey. Taa micneheedu wuxuu yahay in sharciga markaa jira marka qofku dembiga galeyey ayaa lagu qaadayaa markii la go`aaminayo inuu dembiile yahay iyo inkale ama la xukumayo..

Xorriyadda diimaha iyo caqiidada.

Xorriyadda diimaha iyo caqiidada waxa looga jeedaa in dadku xor u yahay inay doortaan diinta ama aragtida nololeede e ay rabaan in ay ka tirsanaadaan iyo in ay oogaan diintooda ama aragtidooda nololeed. Qofna xaq uma laha in ku qasbo dad kale in ay soo galaan ama ka baxaan koox diimeed ama macbad. Laga bilaabo marka qofku jirsado 15 sanno wuxu qofku xaq u leeyahay in uu ka baxo ama galo bulsho macbad/aragti nololeed ikhtiyaarkiisa, iyadoo aanay ku xidhnayn sida ay u arkaan kuwa kale. Cidna lagu eryan karo ama lagu ma ciqaabi karo diintooda ay ka tirsan yihiin.

Sida uu dhammaan dadku xor ugu yahay inay doortaan diinta ama aragtida nolasha ee ay rabaan, ayeynu xor ugu nahay in aynaan ka mid noqon diin ama aragti nololeed.

Xoriyad urureed

Xoriyad urureed waxay leedahay micnooyin badan. Waana kuwan kuwa ugu muhiimsan:

  • Qofku wuxuu xaq u leeyahay inuu ka mid noqdo urur siyaasadeed ama urur samafal isaga oo ka baqeyn in la cadaadiyo ama la xukumo.
  • Qofku wuxuu xaq u leeyahay inuu ka mid noqdo ururka shaqaalaha isaga oo ka baqeyn in la cadaadiyo ama la xukumo. Mar marka qaarkood wuxuu xaq u leeyahay shaqo joojin/banana bax.
  • Qofka wuxuu xaq u leeyahay inuu fikradiisa ka dhiibto banaanbaxyada sharciga ah.

Wax sax ah

Xaq u yeelasho codbixin

  • Da`da xaq u yeelashada codbixinta Noorway waa 18 sano.
  • Si aad uga qeybqaadatid doorashada baarlamaanka waa inaad haysataa dhalashada Norwejiga.
  • Si aad uga qeybqaadatid doorashada gobolka iyo degmooyinka waa inaad degeneyd Noorway sedex sano doorashada ka hor.
  • Noorway dadka oo dhan waxay leeyihiin xuquuqda codbinta laga soo bilaabo markii dumarka loo ogolaadey inay cod bixin karaan sanadkii 1913.

Sharciga midab takoorka (qodabkiisa §185 ee xukunka)

«Qofkii si ula jeedo ah ama dayac cad bulshada dhexdeeda ku hadlo hadal midab takoor ah iyo hadal naceyb ah waxaa lagu xukumayaa ganaax ama xabsi ilaa 3 sano. Sidoo kale qofkii ku hadlo hadal jabinaya qodobka § 7 nambarkiisa 2. wuxuu la mid yahay haddii qofka hadalka ku hadlaa uu ugu tala galay inuu hadalku gaaro dad badan. Hadal naceybka wuxuu noqonka karaa isticmaalka calaamado. Qofkii ka qeybqaato hadal naceybka wuxuu la xukun yahay qofka ku hadlay. hadal midab kala sooc ah iyo hadal naceyb ah waxaa loola jeedaa in qofka loo hanjabo ama la aflagaateeyo, ama lagu hadal naceyb ah, cadaadis, ama liidid sababtoo ah qofka

  • a) midabkiisa ama dhalashadiisa ama jinsiyadiisa,
  • b) diintiisa ama waxa uu aaminsan yahay ama
  • c) khaniis in uu yahay,
  • d) Awoodda laxaad dhiman.

Qodobka sharciga midab takoorka waa mid aad looga doodo. Dadka qaarkiis waxay qabaan in qodobkan sharciga laga saaro, sababtoo ah wuxuu ka soo horjeedaa xoriyadda hadalka. Dad aad u yar ayaa lagu xukumay qodobkan.

22. juulaay 2011

22. juulaay 2011 waa maalin caan ah ee taariikhda cusub ee Noorway. Maalintan waxaa Noorway ka dhacey weerar argagis. sideed qofood ayaa ku dhintey weerar bambo oo lagu weerarey arinta dawladda ee Oslo iyo jasiiradda Utøya oo 69 qofood lagu toogtey, dadkaa oo ka qeygalayey kulan ururka dhalinyada ee xisbiga shaqaalaha. sidoo kale dad badan ayaa ku dhaawacmey weerarkan. waxaana ka dembeeyey hal qof labada wareerba.