Dimuqraadiyadda iyo bulshada-daryeelka

Xuquuqaha iyo xorriyadaha dimuqraadiyadda


Norwey waa dimuquraadi. Erayga dimuquraadi asalkiisu waa giriig macnahiisuna waxa weeye maamul dadweyne. Dadka ayaa siyaasada Norwey maamula iyaga oo adeegsanaya doorashada xisbiyada siyaasadeed iyo wakiilada baarlamaanka, maamulada gobolada iyo degmooyinka. Sidan ayey aqlabiyadu wax u go’aamisaa. Laakiin mabda’ muhiim ah ayaa ah in aqlabiyadu tixgeliso fikradaha kuwa laga tirada badanyahay marka la sameynayo siyaasada. Dal dimiquraadi ah dadku waxay leeyihiin xuquuqo iyo xoriyado cad:

Xuquuqda bani’aadamka

FN-flagget FN-bygningen i New York
Xuquuqda bani’aadamnimo waxay khuseysaa dhammaan dadka, waana xuquuq aynu leenahey dad ahaan – ma aha uun in aynu deggan nahay meel xaddidan oo adduunka ka mid ah, ama ka tirsan nahay diin gaar ah ama aan tirsanahey qowmiyad gaar ah. Sidaa darteed ayeynu u nidhaahnaa xuquuqda bani’aadamnimo waa caam. Xuquuqda bini’aadamnimo waxa dhigaysaa xaaladaha u dhexeeya qof iyo dawlad.

1948-kii ayaa Qaramada Midoobay oggaysiiskeeddii xuquuqda bani’aadamka la go’aamiyey. Go’aanka xuquuqda bani’aadanimo wuxu quseeyaa dhammaan dadka waxaanu sheegayaa in

  • Dhammaan dadku waxa ay ku dhasheen xorriyad iyagoo isku qiime dad ah iyo xuquuq bani’aadam
  • Dhammaan dadku waxay leeyihiin xuquuq isku mid ah iyada oo aan loo eegeyn jinsiga, diinta, qoomiyada, aragtida siyaasadeed, dhalashada iwm.
  • Dhammaan dadku waxay xaq u leeyihiin xoriyad iyo ammaan shakhsi.
  • Nooc kasta oo jidhdil ahi waa mamnuuc
  • Dhammaan dadku waa inay helaan ammaan sharci.
  • Dadku waxay xaq u leeyihiin inay ka qeybqaataan siyaasadda wadankiisa isagoo ugu qeybqaadanaya doorashooyin xur ah oo qofku codkiisa u qarsan yahay.

Qeybo badan oo ka mid ah sharciyada Qaramada Midoobey ee xuquuqda bani’aadamka ayaa Norwey lagu daray sharciyadeeda.

Sinnaan

Personer i rullestol Homofilt par To eldre damer på tur Fem barn sammen
Dhaqan ahaan kelmada sinnaan waxa weeye in ragga iyo dumarku leeyihiin xuquuq iyo fursado isku mid ah. Laakiin maanta waxay leedahey macne balaadhan:
Dhammaan bani’aadamku – iyada oo aan loo eegayn da’, qowmiyad, awoodooda laxaad, jinsi, diin iyo lab iyo dhedig – waxay leeyihiin xuquuq iyo fursado isku mid ah.
Sinnaantu waxa weeye in loo leeyahey fursado isku mid ah saamaynta iyo raadaynta, in masuuliyada iyo culeyska si cadaalad ah loo qaybsado, in la dareemo nadadgelyo oo aan cidna loo gaysan xadgudub.

Xorriyatu-qawlka

Xoriyatul-qawlka waxa looga jeedaa in si xor ah loo dhiiban karo fikirka siyaasadeed iyo diimeed, iyo in si xor ah loo wada doodi karo iyo in si xor loo qori karo fikradaha iyada oo aan lagu ciqaab lagu mutaysaneyn. Laakiin waxaa jira xad u dhexeeya xoriyada in la dhaho ama qoro waxa la rabo iyo in xumaan laga sheego dadka kale. Sidaa darteed ayaanu u leenahey sharciyo xakameynaya xoriyatu-qawlka. Tusaale ahaan lama oggola in hadalo cunsuriyad ama takoorid ah bulshada dhexdooda lagaga doodo, hadal ama qoraal toona. Xoriyatu-qawlku wuxuu khuseeyaa dadka shacabka ah, idaacadaha, telifishinada iyo wargeysyada.

Ammaan-qaanuun

Norwey waxay dadku leeyihiin ammaan-qaanuun wanaagsan. Macnaha tan waxa ka mid kuwan:

  • Cidna xabsi laguma xukumi karo iyada oo aan marka hore maxkamad la soo marin. Kiis maxkamadeed waxa looga jeedaa in xeerbeegti madaxbannaan ay go’aamisey in eedaysanuhu uu dembiile yahey iyo in kale, iyo in garsoore madaxabannaan uu go’aamiyey nooca ciqaabeed ee lagu xukumayo eedaysanaha haddii dembi lagu helay. Hase yeeshee dadka waxa lagu hayn karaa xabsi maxkamada ka hor haddii booliisku uu ka shaqeynayo inuu kiis dembiyeedka baadho.
  • Dhamaan eedaysanayaashu waxay xaq u leeyihiin qareen difaaca.
  • Ma jiro sharci waqti la soo dhaafey khuseeya.
    Taas waxa looga jeeda in sharcigii jirey markii qof wax sameeyey, la adeegsan doono marka go’aan laga gaadhayo su’aasha dembiilanimada ama heerka ciqaabta
  • Sharciga dib looguma celin karo go`aan la gaarey. Taa micneheedu wuxuu yahay in sharciga markaa jira marka qofku dembiga galeyey ayaa lagu qaadayaa markii la go`aaminayo inuu dembiile yahay iyo inkale ama la xukumayo.

Xorriyadda diimaha iyo caqiidada

Xorriyadda- diimaha iyo caqiidada waxa looga jeedaa in dadku xor u yahay inay doortaan diinta ama aragtida nololeede e ay rabaan in ay ka tirsanaadaan iyo in ay oogaan diintooda ama aragtidooda nololeed. Qofna xaq uma laha in ku qasbo dad kale in ay soo galaan ama ka baxaan koox diimeed ama macbad. Laga bilaabo marka qofku jirsado 15 sanno wuxu qofku xaq u leeyahay in uu ka baxo ama galo bulsho macbad/aragti nololeed ikhtiyaarkiisa, iyadoo aanay ku xidhnayn sida ay u arkaan kuwa kale. Cidna laguma dabageli karo ama laguma ciqaabi karo diintooda ay ka tirsan yihiin.

Sida uu dhammaan dadku xor ugu yahay inay doortaan diinta ama aragtida nolasha ee ay rabaan, ayeynu xor ugu nahay in aynaan ka mid noqon diin ama aragti nololeed.

Xorriyadda ururada

Xorriyadda ururada waxay noqon kartaa waxyaabo badan. Kuwan ayaase ugu muhiimsan:

  • Waxa xaq loo leeyahey in xubin laga noqdo xisbiyada siyaasadeed ama ururada danaha iyada oo aan halis loogu jirin in dabagal lagu sameeyo ama la ciqaabo.
  • Waxa xaq loo leeyahey in xubin laga noqdo ururada shaqaalaha iyada oo aan halis loogu jirin in dabagal lagu sameeyo ama la ciqaabo. Xaaladaha qaarkood waxa xaq loo leeyahey in la mudaharaado.
  • Waxa xaq loo leeyahey in qofku fikirkiisa ku dhiibto mudaharaad sharci ah.

Wax sax ah

Xuquuq codayn

  • Da’da xuquuqda codaynta Norwey waa 18 sanno.
  • Si aad u codayso doorashada baarlamaanka waa in aad tahay muwaadin noorwiijan ah.
  • SSi aad u codayso doorashada golaha gobolada iyo golayaasha deegaanka waa in aad Norwey degganayd saddexdii sanno ee ugu danbeeyey doorashada ka hor.
  • Norwey waxa aynu haysanay xuquuq guud oo codayn ka dib markii dumarku heleen xuquuqda coddaynta 1913.

Qoddobka cunsurinimada (§135a ee sharciga ciqaabta)

«Cunsuriyad ama hadal naceyb ah waxa looga jeedaa hanjabaad ama aflagaado aad cid u geysato, ama inaad naceyb abuurto, dabagal ama quudhsasho aad cid ku sameysto sababta oo ah

  • a) midabkiisa ama dhalshadiisa ama qoomiyada uu ka soo jeedo
  • b) diintiisa ama arigtida noloshiisa ama
  • c) khaniismadiisa, iyo
  • d) kala dhantaalnaantiisa»

Qodobka sharciga cunsuriyadu wuxuu dhaliyey dood badan. Dadka qaarkii waxey jecelyihiin in qodobkan sharciga laga saaro, sababta oo ah wuxuu ka soo horjeedaa xoriyadda hadalka. Dad aad u yar ayaa lagu xukumay qodobkan

22. luulyo/julaay 2011

22. Julay 2011 waa maalin caan ah taariikhda cusub ee Norwey. Maalintan waxaa Norwey ka dhacey weerar argagixiso. Sideed qof ayaa ku dhimatey weerar bambo oo lagu weerarey xarunta dawlada ee Oslo, iyo jasiirada Utøya oo lagu toogtey oo la diley 69 qof, dadkaas oo ka qeygalayey shirka waqtiga xagaaga ee ururka dhalinyada xisbiga shaqaalaha. Sidoo kale dad badan ayaa ku dhaawacmey weerarkaas. Isla hal qof ayaa fuliyey labada wareerba.