Taariikh, Juquraafi iyo Cilmiga Bulshada

Cimilada

Noorway waxaa ka jira afar xilli, Xagaag, jiilaal dayr iyo gu.

Cimilada Norway way kala gedisan tahay, waxayna ku xiran tahay hadba qeybaha wadanka u qeybsan yahay. Sidoo kale waxaa kale gedisnaan karo cimilada gobalka, wayna kala gedisnaan kartaa sanad walba, sida caadiga ah waxaa la dhihi karaa in xeebuhu ka kulul yihiin barafkuna ku yar yahay xilliga qaboobaha. Sida gobalada aan xeeb laheyn ee kuyaal bartamuhu ay qaboow badan yihiin barafkuna ku badan yahay. Laakiin xilliga samarka gobaladani way ka kulul yihiin gobalada xeebaha ku yaal. Gobalada galbeedka way ka roob badan yihiin gobalada bariga.

Dabeyl badan ayaa ka jirta xeebaha gaar ahaan xilliga dayrta.

Sidoo kale waqtiga ilaysku soo baxo way kala duwan yihiin waqooyiga iyo koonfurta wadanku. Meel walba inta ay waqooyi ka xigto ayay ilayska maalintii ay u yar tahay xilliga qaboobaha (vinteren). Maagalada Hammerfesta waa magaalada ku taal waqooyiga aduunka xilliga qaboowka waxay mugdi aan ilays maalmeed laheyn tahay labo bilood. Laakiin xilliga samarka waa ilays maalintii iyo habeenkiiba, qoraxduna waxay banaanka taal habeenkii oo dhan. Qudbiga waqooyi wuxu waqooyi ka maraa Mo i Rana, kaas oo kala sooca xadka dhulka xilliga mugdiga iyo caddeeda habeen-badhka (midnattsol).

Midnattssol

Wax sax ah

digriiga

Kulaylkii ugu badnaa oo Norway laga cabiray wuxuu ahaa 35,6 sintigareed magaalada Nesbyen 20 juuli 1970

Qbowkii ugu badnaa oo Norway laga ogaado wuxuu ahaa -51,4 sintegareed magaalada Karasjok 1, janaayo 1886.

Dabaysha kulul ee badda

Inkastoo Wadanka Norway ku yaalo waqooyiga aduunka, hadana cimiladiisu way ka kulushahay meelaha kale ee ku yaal waqooyiga aduunka. Sababtuna waxay tahay biyaha iyo dabeylaha kulul oo ka imaaneysa badweynta Mexiko ee bartamaha qaaradda Ameerika ku waasoo soo gaaraya badda Norway, siinayana kuleyl.