Taariikh, Juquraafi iyo Cilmiga Bulshada

Caadooyinka iyo waqtiga wax la xuso

Maalmaha la xuso

1. Maalinta sanadka cusub
Sanadku wuxuu bilowdaa 1. janaayo. 1. janaayo waxaa loogu yeeraa maalintii sanadka cusub. Maalintan dukaamadu way xiran yihiin, waa maalin fasax ah, caruurtuna iskuulka waa laga fasaxaa.

Maalinta Dumarka
8. maarso maalinta dumarka aduunka. Sanadkii 1970 kii dad badani waxay u ololeyn jireen sinaanta ragga iyo dumarka iyo xaquuqda dumarka. Maalinta dumarka aduunka waa laga xusaa Norway laga soo bilaabo ilaa 1972. 8. maarso ma ahan maalin fasax ah.

Påske(waa maalin kristaanku u dabaal degaan)
Inta u dhaxayso maarso iyo abriil waa Påske. Waqtiga uu noqonayo way kala gedisan tahay sanad walba.

Påskuhu waa maalin kristaanku u dabaal degaan. Dad badani påskaha uma arkaan maalinkristaan ee waxay u arkaan maalin fasax ka dib xilliga dheer ee qaboobaha.

Dukaamada waxay xiran yihiin maalmo badan waqtiga påskaha, dad badani shaqada fasax ayey ka yihiin. Caruurta iskuulaadkuna way fasaxan yihiin, dad badan oo shaqaalo ah ayaa isku darsado maalmaha ay shaqada ka fasaxan yihiin iyo fasaxooda caadiga ah.

Kristi himmelfartsdag og pinse
40 maalmood ka dib påskaha waa maalin kristaan ku xusaan oo loo yaqaan (kristi himmelfartsdag) 50 maalmood ka dib påskaha waxay kristaanku xusaan maalin loo yaqaan Pinse. Maalinta kristi himmelfartsdag iyo maalinta labaad ee pinsaha waa maalmo fasax ah.

Maalinta shaqaalaha
Maalinta Shaqaalaha Adduunka waa May 1. Dad badan ayaa tegi doona maanta tababarka waxayna muujiyaan arrimaha siyaasadeed ee ay walwalaan. 1. May waa maakin fasax qaran.

Maalinta qaranka
17.mai 17.mai 17.mai

17. may waa maalinta qaranka Norway. Maalintaa waxaa lagu xusaa maalintii ay Norway sameysatay qaadatay dastuurkiisa oo ah 17. May 1814.

Dhammaan caruurta iskuulka dhigata iyo kuwa xanaanada dhigta waxay isugu soo baxaan wadooyinka maharajaan iyaga oo lulaya calanka wadanka, qaadayana heeso. Caruurta norway ku nool maalintaa aad iyo aad ayay sugayaa iyagoo ku faraxsan.

17. may waa maalin fasax ah.

Jul

Bisha diseembar waxaa loo dabaal degaa maalinta kristanka (jul). Maalintani waa maalin la xuso dhalashadii Nabi Ciise. Krismaska iyo u dabaaldega maalinta waa caado muhiim ah dadka wadankan, waan maalin reerka oo dhan ay dabaaldegaan.

Maalintan xusidda Nabi Ciise waa maalinta ugu mugdi badan sanadka oo dhan wadankan, dad badan dabaaldega maalinta waxay u tahay ilays iyo kulayl, iyadoo lagu jiro xilligii ugu mugdiga iyo madowga badnaa. Ka hor intii aysan diinta kristanku aysan Norway soo gaarin, waxaa caado u ahayd inay xusaan maalintaan sanad walba, waxaa laga yaabaa inay sababtu ay ahayd in shitaan faynuuso iyo dabab kale si ay u helaan ileys iyo kulayl, xilligan mugdiga iyo qaboowga badan.

24. diseembar waxaa la yiraahdaa habeenkii xusidda kristaanka (julaften). Waxaana caado ah dadku inay cunaan raashin ay dhaqan u leeyihiin oo la cuno maalintan, qoyska oo dhan way isku yimaadaan si ay u wada qadeeyaan. Caadooyin kale gedisan ayay leeyihiin gobalada wadanka oo ka kooban yahay. In badan waxay leeyihiin caado iyo dhaqan u gooni ah oo muhiim u ah inay dhawraan. Waxaa caado ah in hadiyado la isasiiyo maalintan (julegaver).

Xilliga krismaska ka hor dadku waxay isku diraan kaarar iyo emaailo iyagoo isugu tahniyadaynayo maalintan krismaska inay ku ciidaan farxad iyo caafimaad. Caruurta iskuulka dhigata waa fasax yihiin waqtiga krismaska oo dhan, shaqaale badan ayaa fasax qaata waqtiga. dukaamankuna way xiran yihiin qaar ka mid ah maamaha krismaska.

Habeenka sanadka cusub
Fyrverkeri

31. diseembar dad badan waxay dabaal dega soo dhaweynta ee sanadka cusub la qaataan reerkooda iyo saaxiibadood. Dad badan ayaa maalinta dabaaldego oo gantaalo cirka u dirayo. Habeenkaa saacadu markay gaarto saxda dhexe ayay dadku dibadda isu soo baxaan si ay u fiirsadaan gantaalaha cirka loo gamayo oo dhalinayo ilays weyn. Maalintan ma aha maalin fasax ah.

Maalmaha kale

Maalinta dhalashada
Bursdagsbarn som blåser ut lys på kaka

Waa caadi in maalinta dhalashada loo dabaaldego, gaar ahaan caruurta. Xafladda ayey reerku sameystaan markii dhalasho loo dabaaldego, sidoo kale caruurtu waxay casuumaan saaxiibadood iskuulka ama xanaanada la dhigta xafladda dhalashada.

Xafladan dhalashada dad badani waxay ku samaystaan gurigooda, dadka qaarkiina meelo ayeey kireystaan, tusaale maqaayadaha biidsooyinka, hoolalka lagu dabaasho, ama meelaha caruurta lagu madadaaliyo. Dadka martida ah ee xafladda ka soo qaybgalaya sida caadada ah waxay qofka dhalashada leh siiyaan hadiyad.

Arooska
Brudepar

Sanad walba qiyaastii waxaa isguursado 24 000 reer. Qiyaastii in ka badan boqolkii konton ayaa isku guursado kaniisadda, inta soo hartayna waxay isku guursadaan xafiisyada bulshada. Sidoo kale sharcigu wuu ogol yahay in laba qofood oo isku jinsi ah is guursan karaan (labo nin ama labo naagood).

Sida caadi ah dadka isguursado waxay la dabaaldegaan reerkooda iyo saaxiibadood. Sidoo kale martida arooska, saaxiibada arooska iyo reerka caruussadda iyo caruuska waxay reerka is aroosayo siiyaan hadiyado.

Magac bixinta caruurta
2010 waxaa Norway ku dhashay 60 000 caruur ah. Boqolkiiba lixdan (60%) in ka yar kiniisada ayaa magac loogu bixiyaa marka ey dhashaan. Marka ilmaha magac loo bixiyo, waxa laga diiwaan geliyaa kiniisada. Waalidiinta ayaa go’aamiya in ilmaha kiniisada magac looga bixiyo iyo in kale.

Markii caruurta magac loogu bixiyo kaniisadda xaflad wayn ayey reerku samaystaan, cuniga xafladda loo sameyna waxaa la siiyaa hadiyado. Caruurta aan magac loogu bixin kaniisadda, sida caadiga ah waalidkiis ayaa aheyn dad diinta aan rumaysnayn. Qaar waxay ka qayb qaataan xaflad magac u bixin ee ururka dadka aan diinta aaminsaneyn. Qaarna waxay dhigtaan xaflad reerka u gaar ah.

Xafladda Qaangaarka

Markii dhalinyarada da`doodu u dhaxayso 14-15 waxay dooran karaan inay doonayaan in kaniisadda xaflad qaangaar ah loogu sameeyo. Markii xafladaan loogu sameeyo kaniisadda waxay wali ku sii jurayaan ka mid noqoshada kaniisadda. Sanadihii ugu dambeeyey waxaa soo badanayay dadka xafladda magac bixinta ku sameysanayey ururka diinlaawayaasha. Taa micnaheeda oo ah in ay jiraan dhalinyaro badan oo xaflad qaangaar ah oo aan wax diin ah ku jirin loo sameeyo.

Ka hor xafladda qaangaarka dhalinyaro waxay koorasyo ku qaataan kaniisadda ama ururka diinlaaweyaasha. Kooraska kaniisadda laga qaato waxaa lagu bartaan diintaa kiristanka, waxayna ka doodaan su`aalo ku saabsan anshaha iyo mooralka. Koorasyada ururka diinlaaweyaasha waxaa lagu bartaa bini`aadnimada, waxeyna ka doodaan su`aalo ku saabsan hanuunka, anshaha iyo mooraalka.

Markii ay dhalinyaradu xafladda qaangaarka dhameystaan, sida caadada ah reerka dhalinyadu waxay sameeyaan xaflad wayn, dhalinyaradana waxaa la siiyaa hadiyado. Qiyaastii 65% dhalinyarada ayaa xafladda qaangaarka ku sameystay kaniisadda sanadkii 2010, inta boqolkii 15% ay doorteen xafladda qaangaarka ururka diinlaaweyaasha. Meesha qiyaas boqolkii 20% dhaliyaradu aysan xaflad qaangaar sameysanin.

Guudista
Kiste

Sanad walba waxaa Norway ku dhinta qiyaastii 40 000 oo qofood. Qiyaastii 90% dadkan kaniisadda ayaa duugta. Taa micnaheedu wuxuu yahay in baadarigu hogaamiyo xafladda duugta.
Waxaa jira labo nooc oo dadka loo duugo, duugta sanduuqa iyo duugta dambaska.

Duugta sanduuqa, qofku markii la duugayo sanduuq ayaa lagu ridaa dhulkana lagu tuugaa. Duugta dambaska mayka qofka waa la gubaa, ka dibna dambaska dhulka ayaa lagu duugaa.

Duugta dambaska sanadihii ugu dambeeyey way kusoo badanaysay Norway. 2010 36% dadkii dhintay waa la gubay.

Wax sax ah

1. janaayo: 1. maalinta sanadka cusub.

8. maarso: Maalinta Haweenka aduunka.

Inta u dhaxayso maarso iyo abriil waa Påske.

40 maalmood ka dib påskaha waa maalin kristaanku xusaan oo loo yaqaan (kristi himmelfartsdag)

50 maalmood ka dib påskaha waa maalin kristaanku ay xusaan oo loo yaqaan Pinse.

1. May maalinta shaqaalaha ee aduunka

17. may waa maalinta qaranka Norway

24. diseembar waxaa la yiraahdaa habeenkii xusidda Nabi ciise (julaften).

31. diseembar waa habeenka sanadka cusub soo galayo.