Taariikh, Joqoraafi iyo Cilmiga Bulshada

Dhaqamada iyo waqtiyada la weyneeyo

Maalmaha la xuso

Maalinta 1 aad ee sannadka cusub
Sannadku wuxuu ka bilaabmaa jenaweri. 1da jenaweri waxaynu ugu yeedhnaa maalinta 1aad ee sannadka cusub. Maalintaas dukaanada badankooda waa la xidhaa, dadka badankiisu waa ka fasax shaqada, oo carruurtuna waa ka fasax dugsiyada.

Maalinta haweenka
Sannadadii 1970 waxey dad badani xil iska saareen iney ka shaqeeyaan sinnaanta ragga iyo haweenka iyo xuquuqda haweenka, oo maalintaas haweenka aduunka Norwey wey u dabaal degi jirtey sannad walba laga bilaabo 1972. 8.maarso ma aha maalin fasax ah.

Påske
Påske-hu waa bisha maarso ama abriil. Maalintu u noqon doonaa sannad kasta wey isbedeshaa.

Påske waa maalin masiixiyiintu xusaan. Laakiin dad badani kama dhigtaan maalin diimeed. Påske macanaheedu waxa weeye ayaamo faxas dheeraad ah kadib waqtiga dheer ee qaboobaha.

Maalmaha ka horeeya ee khamiista, jimcaha iyo maalinta påske-ha (kjærtorsdag, langfredag og 1.maalinta påska) waa fasax dadku. Markaa dukaamadu wey xidhanyihiin, dad badankoodu shaqada waa ka fasax maalmahan. Carruurtu iskuulada waa ka fasax påskaha oo dhan, shaqaale badanina waxey qaataan ayaamo fasax dheeraad ah.

Kristi himmelfartsdag iyo Pinse
40 maalmood kadib Påske-ha waa maalinta loo yaqaan Kristi himmelfartsdag, sidoo kale 50 maalmood kadib påska-ha waa Pinse. Labada waqtiba waa maalmo masiixiyiintu xusaan. Kristi himmelfartsdag iyo maalinta labaad ee Pinse-ha (2. pinsedag) waa maalmo fasax ah.

Maalinta shaqaalaha
Maalinta shaqaalaha aduunku waa 1da May.
Dad badan ayaa ka qeybqaata bannaanbaxyada maalintan, iyaga oo ku soo bandhigaya kiisaska siyaasadeed ee ey daneynayaan.
1.May waa maakin fasax qaran.

Maalinta qaranka
17.mai 17.mai 17.mai

17 ka May waa maalinta qaranimada Norwey. Waxaan u dabaal degnaa inuu dalku samaystey distoor u gaar ah 17 kii May ee 1814.

17 ka mey waxa la yidhaahdaa maalinta carruurta. Dhammaan carruurta dhigata xannaanada carruurta iyo carruurta dugsiyada dhigata waxey kaqeyb qaataan dabaaldega maalintaas iyaga oo calanka noorwiijiga ruxaya oo heesaya. Badankoodu wey isa soo qurxiyaan. Safka hore ee dabaaldega waxa mara kooxaha baambeyda iyagoo direys qurux badan xidhan. Carruur badan ayaa ku jirta baambeyda.
17 ka May carruurtu waxey cunaan jalaato/iskiriin iyo hilibka loo yaqaan pølse inta ay ka rabaan. Carruurta Norwey ku nool aad ayey u sugaan maalintaas iyaga oo aad ugu faraxsan.
17. May waa maalin fasax qaran.

Yuulka

1da diisambar dad badan oo Norwey degan ayaa u dabaal dega yuulka, waa maalin masiixigu xuso oo lagu xusayo dhalashadii nebi Ciise.

Yuulka iyo dabaal dega juulku waa caado aad ugu muhiim ah dadka badankooda. Maalintaas reerka oo dhami way dabaal degaan.

Yuulku waa waqtiga ugu madow sannadka oo dhan, laakiin dadka badankiisa waxuu xuskani uga dhiganyahey iftiin iyo kulayl marka debeduna ugu mugdi iyo dhaxanta badantahey. Kahor intaan diinta masiixigu soo gaadhin Norwey, waxa caado u aheyd iney xusaan maalintan juulka sannad walba- waxaa laga yaabaa iney u aheyd waqtigii ey iftiimin lahaayeen madowga.

24 ka diisambar waxaa la yidhaahdaa «juleaften». Waxaana caado ah in reerka oo dhami isu yimaado oo la cuno cuntooyinka dhaqanka ah. Caadooyin kala duwan ayey qeybaha dalku kala leeyihiin. Badankooduna caadooyin ugaar ah ayey leeyihiin waxeyna u arkaan iney muhiim tahey illaalinta caadooyinkaas. Waxa caadi ah ina hadiyado la isa siiyo habeenkaas (juleaftan-ka) waxaana la yidhaahdaa hadyadaha yuulka.

Waqtiga yuulka kahor dadka badankoodu waxey saaxiibadood ama reerahooda u soo diraan kaadhadh, e-mailo iyo farriimo kale si ey ugu hambalyeeyaan maalintan si ey ugu ciidaan farxad iyo bashbash.

Carruurta iskuulada dhigataa waa fasax xilligaas yuulka, dad badan oo shaqaale ahina fasax ayey shaqada ka qaataan.
Dukaamadu maalmo ayey xidhan yihiin waqtiga la weyneeyo ee yuulka.

Fiidka sannadka cusub
Fyrverkeri

31. diisambar dad badan ayaa waxey la ciidaan reerkooda iyo saaxiibadood. Dad badan ayaa rash gantaalo ah cirka u tuura. Habeen badhka markay saacadu gaadho waa heer sare aragtida marka gantaalaha iyo rashku iftiimiyaan cirkii madoobaa.
Fiidka sannadka cusub ma aha waqti fasax,

Dhaqamada qaark iyo maalmaha la xuso ee aan lahayn jadwalka

Maalin dhalasho
Bursdagsbarn som blåser ut lys på kaka

Waa caadi in la dabaal dego maalmaha dhalasha, gaar ahaan carruurtu. Reerku xaflad ayuu u sameyaa ilmaha dhalashada leh, sidoo kale waa caadi in carruurtu ey casuumaan saaxibadooda iskuulka iyo carruurta xanaanada carruurta la dhigta.

Dadka badankoodu waxey xafladan ku dhigtaan guryahooda, qaarna waxey ku dhigtaan meelo kale, tusaale hudheelada biisada, berkadaha lagu dabaasho iyo meelaha carruuurta lagu madadaaliyo. Martidu waxey hadiyad yar u keenaan ilmaha dhalashada leh.

Aroos
Brudepar

Sannad kasta Norwey waxa isku guursada ilaa 23 000 reer. Badankoodu waxey isku guursadaan kiniisada, inta kalena waxey isku guursadaan xafiis kale oo dadweyne. Sidoo kale waa fasax in dadka isku jinsiga ahi ay is guursadaan.
Dadka badankooda is guursadaa waxey sida caadiga ah la dabaal degaan reerahooda iyo saaxibadood.
Waxa caadi ah in martida arooska iyo dadka garanaya arooska ama aroosada reerkoodu iney hadiyo siiyaan arooska.

Magac u bixinta carruurta (dåp)
60 000 oo carruur ah ayaa ku dhasha Norwey sannad kasta.
Inta u dhxeysa boqolkiiba 50 ilaa 60 ayaa kiniisada magac loogu bixiyaa marka ey dhashaan. Marka ilmaha magac loo bixiyo, waxa laga diiwaan geliyaa kiniisada. Waalidiinta ayaa go’aamiya in ilmaha kiniisada magac looga bixiyo iyo in kale.
Marka ilmaha magac loo bixiyo, xaflad weyn ayaa reerkoodu u dhigaan, oo ilmaha magaca loo bixiyayno hadiyad ayaa la siiyaa.
Ilmaha aan magac loogu bixin kiniisada badanaa reerkiisu ayaan rumaysneyn diinta. Waxey markaas u dhigaan xaflad dadka aan diinta heysan, halka qaarna ey u dhigaan xaflad reeka u gaar ah.

Qaangaadh (Konfirmasjon)

Marka dhalinyaradu buuxiyaan 14-15 jir, iyaga ayey ku xidhantahey iney xaflada qaangaadhimada ku dhigtaan kiniisada.
Marka ey xaflada qaan-gaadhnimada ku dhigtaan kiniisada, macnaheedu waa iney rabaan iney xubin ka sii ahaadaan kiniisada. Xaflada qaangaadhnimada ee kiniisada lagu dhigtaa waa caddeyn in kiniisadu lagu biirey.
Tobanadii sanno ee dambeeyey waxa caadi noqotey in dhalinyada badankoodu ey dhigtaan xafladaha dadka aragtiyaga nolosha aaminsan ey dhigtaan, iyadoo wax diin ku saabsani aaney ku jirin xafladaa.

Ka hor xaflada qaangaadhnimada, waxey dhallinyaradu aadaan kooras ah isu diyaarinta qaangaadhnimada waxey tagaan kiniisada ama ururada kale ee aragtimaha nolosha. Dhallinta masiixiga ahi waxey kooraska ku bartaan diinta masiixiga waxeyna ka doodaan su’aalaha ku saabsan anshaxa iyo akhlaaqda. Dhallinta kale ee bilaa diinta ahani waxey bartaan oo ka doodaan aragtida bini’aadanimada, anshaxa iyo akhlaaqda.

Marka qof dhalinyaro ahi qaangaadho, reeku wuxuu u dhigaa xaflad weyn, qofka qaan gaadhayna hadiyado ayaa la siiyaa.
Qiyaastii boqolkiiba 60 dhallinyaradu waxey xaflada qaangaadhka ku samaysateen kiniisada, halka boqolkiiba 20 ey doorteen ururada bilaa diinta ah. Qiyaastii boqolkiiba 20-na ma sameystaan xaflada qaangaadhka.

Aaska
Kiste

Sannad kasta waxa Norwey ku dhinta ilaa 40 000 oo qof. Qiyaastii boqolkiiba 85 kiniisada ayaa xabaasha. Taas oo macnaheedu yahay in baadarigu hogaamiyo xaflada aaska.

Waxa jira laba nooc oo guud oo dadka loo aaso:
Aaska naxashka iyo aaska inta qofka lagu gubo dambaska quraarad/dhalo lagu shubo. Aaska naxashka waxa weeye in naxashka meydka lagu rido dhulka hoostiisa. Xabaasha dambaska, qofka waa la gubaa kadib dambaskii qofka ayaa lagu ridaa quraarad kadibna dhulka hoostiisa ayaa lagu aasaa.

Xabaalista gubidu waxay noqotay beryahan caadi ka noqotey Norwey. Ilaa boqolkiiba 40% ayaa la gubaa daka dhinta.

Wax sax ah

1. jenaweri: 1. sannadka cusub.

8. maarso: Maalinta haweenka adduunka.

I maarso/abril: Booskaha.

40 maalmood ka dib booskaha: Ciise oo samada la geeyey.

50 maalmood booskaha ka dib: Kontonaad (Pinse).

1. may: Maalinta shaqaalaha adduunka.

17. may: Maalinta Qaranka Norwey.

24. diisamber: Habeenka Yuulka.

31. diisamber: Habeenka sannadka cusub