Dawladda, gobolda iyo degmooyinka
Norway waxa ay ka kooban tahay 11 gobol iyo 356 degmo (Oslo waa degmo iyo gobol labadaba).
Gobolada iyo degmooyinku waa dhul juqraafi ahaan iyo maamul siyaasaddeed ahaanba gaar ah. Gobolada iyo degmooyinkuba waxey leeyihiin inay iyagu go’aano ka gaadhaan kiisaska qaar, tii oo ay dawladdu ay wax badan go’aamiso. Dawladdu waxa ay u samaysaa xayndaab gobolada iyo degmooyinka. Dawladda ayaa go’aanka leh dalka oo dhan, laakiin gobolada iyo degmooyinku waxey go’aan ka gaadhaan wixii gudahooda ah.
Maareynta maamul iyo siyaasadeed
Xukuumada, gobolada iyo degmooyinka waxa xukuma siyaasiyiin la soo doortey. Taas macnaheedu waxa weeye in siyaasiyiintu ka doodaan kiisas kala duwan oo go’aamiyaan nooca siyaasadeed ee lagu hagayo arrimaha kala duwan. Laakiin shaqaalaha dawladda (byråkratene), gobolada iyo degmooyinka – ayaa hirgeliya siyaasada.