Dimuquraadiyad iyo Daryeelka bulshada

Barlamaanka iyo dawladda

Baarlamaanka

Stortingsbygningen - © Stortingsarkivet/ foto: Teigens fotoatelier as.
Baalamaanka Noorway waxaa la yiraa (Stortinget). Baarlamaanka waxaa fadhiya 169 xildhibaan oo ay dadku soo doortaan afartii sanadba mar.Waxay metalaan xisbiyo kale gedisan. Baarlamaanku waa awoodda ugu sareysa wadanka Noorway. Shaqooyinkooda ugu muhiimsan ee baarlamaanka waxaa ka mid ah:

  • Shaqooyinkooda ugu muhiimsan ee baarlamaanka waxaa ka mid ah.
  • inay go`aamiyaan misaaniyad sanadkii ee dawladda
  • inay koontaroolaan dawladda iyo heyadaha dawladda
  • inay ka doodaan siyaasadda guud iyo mashariicda waaweyn

Stortingssalen - © Stortingsarkivet/ foto: Teigens fotoatelier as.
Dooda baarlamaanka way u furan tahay dadweynaha. Qof alla qofkii doonaya wuu imaankaraa wuuna dhageysan karaa dooda siyaasiyiinta ee baarlamaanka. Laakiin dadweynuhu xaq uma laha inay ka hadlaan ama codkooda ka dhiibtaan waxyaalaha looga doodayo baarlamaanka. Qofku su`aal wuxuu ku weydiin karaa xildhibaanada inuu usoo diro mail ama warqad. Ciwaanada dhammaan xildhibaanada iyo wixii warbixin dheeri ah waxaad ka heli kartaa weybseydka baarlamaanka stortinget.no.

Dawladda

Ka dib doorashado baarlamaanka waxaa la dhisayaa dawlad ay isku raacaan hal xisbi ama xisbiyaal badan. Dawladdu waxay ka kooban tahay wasiiro (waana siyaasiga ugu sareeya wasaaradda) iyo raisulwasaare. Qaar ka mid ah shaqooyinka dawladda waxaa weeye inay soo jeediso sharciyo cusub iyo inay isbedel ku sameyso kuwii hore, laakiin go`aan ka gaarista sharci cusub iyo bedelis sharci hore waxaa leh baarlamaanka. Dawladdu waa inay baarlamaanka horkeentaa go`aanada la gaarayo, ayna fulisaa.

Dawladdu waxay soo jeedisaa misaaniyad sanadeedka wadan sanad walba. Maalin kasta oo jimco ah dawladdu waxay la kulantaa boqorka. Wasiiraduhu waxay warbixin kala gedisan siiyaan boqorka. Kulanka waxaa lagu magacaabaa kulanka wasiiradaha. Awoodda siyaasadda bororku waa mid aad u yar, inkastoo shirkan maalinta jimcuhu yahay mid muhiim ah.

Markii xisbiyo badan isku dagaan oo ay wada dhisaan dawlad, waxaa la yiraahdaa dawladda wadajirka. Haddii xisbiga ama xisbiyada dawladda ku jiraa ay majoorati ka haystaan baarlamaanka, waxaa la yiraahdaa dawladda caqlibiyad buuxda. Haddiisa ay dawladdu tahay mid baarlamaanka ku leh wax kar yar barka xildhibaanada waxaa la yiraa dawladda laga badan yahay. Sanadihii ugu dembeeyey dawladihii soo maray wadanka waxay ahaayeen dawlad wadajir ah.

Mabda awood qeybsashada:

Wax sax ah

Mabda awood qeybsashada

Mabda awood qeybsashada wuxuu awoodda u qeybiyaa sedexda maamul ee madaxa banaan:

  • Mid sharci go`aamiya – Baarlamaanka ayaa sharciga go`aamiya.
  • Mid sharciga dhaqangeliya – dawladdu waxay soo jeedisaa sharciyo cusub, waxayna ka shaqeysaa sidii sharciga loo dhaqangeli lahaa ama loo fulin lahaa.
  • Mid xukun fuliya – maxkaduhu waxay fulisaan sharciga iyaga oo xukun ku qaadaya dambiilayaasha.