Dimuquraadiyad iyo Daryeelka bulshada

Doorashada iyo xisbiyada siyaasadaha

Doorashada

Labadii sanno ba mar waxa ka dhaca Norway doorasho siyaasaddeed. Waxa ay isu bedeshaa doorashada baarlamaanka iyo doorashada golaha deegaanka (guddida gobolada iyo degmooyinka doorashadooda). Afartii sanno ba waa mar doorashada baarølamaanku, sidoo kale waxa ah ta guddida gobolada iyo golaha deegaanka.

I avlukket En dame som stemmer ved valg

Xisbiyada siyaasadu waxay shirweynahooda ku soo go’aamiyaan barmaamijyadooda. Barnamijkooda waxa ku qoran kiisaska ay rabaan in ay ka shaqeeyaan afarta sanno ee soo socda, waxay taasi tahay doorashada soo socota.

Doorashadu waa qarsoodi Norway. Taas waxa looga jeedaa inaan cidna ogaan karin cidda aad u codaysay, uma na baahnid in aad xataa cid kale u sheegto. Adiga ayey kugu xidhantahey cidda aad codkaaga siineyso, wax aan caadi ahayna ma aha in xubnaha qoysku u kala coddeeyaan si kala duwan.

Xisbiyada siyaasadda

Waxa jira xibiyo siyaasaddeed oo badan Norway. Marka ay doorasho jirtana waa kala doorasho badan oo aad kala dooran kartid. Waxa ilaa 20 xisbi siyaasaddeed Norway.

Rødt SV Ap SP KrF Venstre Høyre FrP

Awooda rasmiga ah iyo tan aan rasmiga aheyn

Xildhibaanada baaralaamku waxa ay go’aamiyaan sharciyada, bedelka sharciyada iyo miisaaniyada. Sidaas ayey ku yeesheen awood rasmi ah oo saameyn ku leh nooca siyaasadeed ee lagu xukumayo qaran ahaan iyo maamul hoosaad ahaan. Waxa kale oo jira qeybo leh awood aan rasmi aheyn. Taas macnaheedu waxa weeye inay siyaabo kale duwan saameyn ugu leeyihiin siyaasada.

Saxaafada
Saxaafada (Idaacadaha, telifishanka, internetka, wargeysyada iwm.) Norway waa xor. Taas macnaheedu waxa weeye inay daabici karaan macluumaadka ay rabaan iyagu, xisbigii rabaa awooda dalka ha heystee. Laakiin saxaafadu waa in ay ku ekaato xadka xoriyadda hadalka.
Saxaafadu waxey leedahey awood saameyneed oo weyn. Waxaan dhahnaa saxaafada ayaa dejisa ajandaha, una shaqeysaa sidii ilaalo marka ay wax khaldamaan. Sidaas ayey saameyn ugu leedahey daawadayaasha/akhristayaasha/dhegeysteyaasha iyo siyaasiyiinta.

Ururada danaha ilaaliya
Norway wax aka jira xorriyadda ururada. Taa macnaheeda waxa ka mid ah in muwaadiniintu si xor ah u samaysan karaan una geli karaan ururada kala duwan ee danaha ilaaliya.

Tusaalooyin ururada noocan ah:

  • Ururada dadka naafada- iyo cudurada kala duwan
  • Ururada xuquuqda haweenka
  • Ururada xuquuqda carruurta
  • Ururada bey’ada iyo ilaalinta deegaanka.
  • Ururada u dooda arrimaha kala duwan ee degmooyinka.

Sida saxaafada oo kale ayey ururadani u leeyihiin awood weyn oo saameyneed.
Waxey saamayn ku leeyihiin daawadayaasha/akhristayaasha/dhegeysteyaasha iyo siyaasiyiintaba.
Marka dadka ama ururadu isku dayaan in ay si aan rasmi ahayn saamayn ugu yeeshaan siyaasiyiinta iyo go’aan qaadashadooda ayaa waxa loo yaqaan qalqaalin (lobbyisme).

Wax sax ah

Xaq u yeelasho codbixin

  • Da`da xaq u yeelashada codbixinta Noorway waa 18 sano.
  • Si aad uga qeybqaadatid doorashada baarlamaanka waa inaad haysataa dhalashada Norwejiga.
  • Si aad uga qeybqaadatid doorashada gobolka iyo degmooyinka waa inaad degeneyd Noorway sedex sano doorashada ka hor.