Boqortooyada Norwey

Norwey waa dal boqortooyo ah. Hogaanka ugu sareeya dal boqortooyo ah waa boqorka ama boqorada. Norwey boqorku wuxuu leeyahey awood yar, laakiin wuxuu leeyahey door rasmi ah sida isaga oo toddobaad kasta qabta kulanka wadatashiga, saxeexa dhammaan go’aamada iyo diidmooyinka xukuumada ee sharciya uu baarlamaanku ansixiyey.
Boqortooyada (boqorka/boqorada) dadku kuma doortaan doorasho siyaasadeed. Darajada waxa iska dhaxla waalid ilaa carruur. Boqorka maanta ee Norwey waxa la yidhaahdaa Harald 5. Wuxu qabaa boqarada Sonja, Waxay isu leeyihiin labo carruur ah- amiirada Märtha Louise (dhalatey 1971) iyo amiirka Haakon Magnus (dhashey 1973). Amiirka Haakon Magnus ayaa aabihii ka dhaxlaya boqornimada.
Inantiisa amiirada Ingrid Alexandra (dhalatey 2004) ayaa ah ku-xigaha safka dhaxaltooyo ee kursiga boqorka noorwiijanka.