Dimuquraadiyad iyo Daryeelka bulshada

Doonitaanka bixinta lacagaha

Waa maxay sababta wadaniyiinta Noorway oo dhan ay u doonayaan inay ka qeybqaataan maalgelinta habka daryeelka bulshada? Waxaa jira siyaalo badan oo lagu fasiro arintan:

  • Qof og majiro waqtiga uu xanuunsan doono, una baahan doono daryeelka caafimaad ee dawladda. Habka daryeelka bulshada waxaa loo arkaa inuu yahay caymis oo kale. Waa kalsooni wanaagsan in dadku ogyihiin in ay helayaan kalmadii ay u baahdaan markii ay dhibaato ku timaado oo ay kaalmo u baahdaan.
  • Mudooyinkii ugu dembeeyey waxaa la soo saarey sharciyo dadweynaha siiyey xuquuq iyo waxyaale wanaagsan oo u muhiim ah dadweynaha inay ilaaliyaan kaalmada daryeelka.

Wax sax ah

Habka daryeelka

Habka daryeelka, sida kan Noorway waa qaali waxaana loo baahan yahay dadka oo dhan si wada jir ah uga qeybqaataan iyo doonitaanka dadku doonayaan in ay bixiyaan dhaqaaalaha, iyagoo si wanaagsan u bixinaya canshuurta iyo dulsaarka beecmushtarka..