Dimuqraadiyadda iyo bulshada-daryeelka

Dhaqaale

Dhammaan shaqaalaha shaqaysta in ka badan inta ugu yar ee cshuur-dhaafka lagu sameeyo, waa in ay bixiyaan cashuur. Cashuurta badankeeda waxa qaata degmada uu shaqaaluhu ku noolyahey, waxna waxa qaata gobalka degmadu ku taalo iyo xukuumada. Dadka qaata lacagta hawlgabka, iyo kuwa qaata lacagta shaqo la’aanta iyo lacagaha kale ee daryeelka waa iney cashuur bixiyaan. Shirkaduhu waxey cashuurta siiyaan xukuumada.

Alaabooyinka iyo inta badan adeegyada aan iibsano waxaan ka bixinaa lacag la siiyo xukuumada. Lacagtan waxa lagu magacaabaa merverdiavgift (mva ama moms). Caadiyan lacagta la bixiyaa waa 25 %, laakiin waxa cuntada laga bixiyaa 15 %. Taas macnaheedu waxa weeye lacagta aad ka bixiso alaabo waa cashuur u soo xarooneysa xukuumada. Lacagtaasi waa dakhli muhiim xukuumada u ah. In ka badan 20 % wadarta cashuurta guud ee soo gasha dawlada waxay ka timaadaa lacagtaas moms ka ah

Si bulshada daryeelka ee noorwiijigu u jiri karto waxa shuruud u ah in dadka badankoodu shaqeeyaan oo ay bixiyaan cashuur. Dakhliga dawladu waa inuu ka bato kharashka.

Qayb ka mid ah dheefaha daryeelka ee bulshada noorwiijiga waxa masuul ka ah xukuumada, sida shaqada isbitaalada. Laakiin degmooyinka ayaa masuuliyada ugu weyn ee dheefahaha daryeelka leh.

Wax sax ah

Cashuuraha iyo khidmaha

  • Bulshada-daryeelka ee noorwiijiga sida guud waxa lagu maalgeliyaa cashuuraha iyo khidmadaha.
  • Dakhliga ka soo gala cashuuraha iyo khidmaha aad ayey daruuri u yihiin si loogu helo lacag ku filan dhaafta daryeelka iyo in ay bulshada-daryeelku shaqayso.