Dimuqraadiyadda iyo bulshada-daryeelka

Taxane taariikheed

Saboolnimo ilaa bulshada daryeelka

Suppeservering for vanføre, 1905, (Oslo Museum, fotograf: Anders Beer Wilse)

Velferdssamfunnet slik vi kjenner det i dagens Norge, er et ungt system historisk sett.
Habka daryeelka bulshada ee aynu maanta Norwey ku naqaanaa, taariikh ahaan waa nidaam cusub.

Nidaamka bulshada daryeel ee maanta Norweyka jirtaa waa mid dadka oo dhammi helaan. 100 sanno ka hor sidan oo kale ma ay ahayn. Waxaa jiray nidaam aan ku sheegi karo gargaar qaran. Dadka inta ugu jilicsan iyo saboolka oo keliya ayaa xukuumadu caawimo siin jirtey, aad ayeyna caawimada la bixin jiray ugu kala duwaneyd meelaha lagu nool yahay. Qaar badan oo ka mid ah dheefaha daryeelku waxay ku yimaadeen si tartiib ah. Qaar ka mid ah dheefaha daryeelku waxay bilaabmeen dagaalkii labaad ee aduunka ka hor (1940-1945), laakiin inta badandheefaha daryeelka waxa la dhisay waqtigii intaa ka dambeeyey.

Laakiin waxa jirta dheefo daryeel oo Norwey u ahaa dhaqan soo jireen ah: Waxa carruurtu lahaayeen waxbarasho lacag la’aan ah laga soo bilaabo 1739!

Qaar badan oo ka mid ah dheefahaa daryeelku waxay ku yimaadeen sababta oo ah shaqaalaha ayaa u soo dagaalamey. 60-70 kii sanno ee ugu dambeeyey waxa jirtey siyaaasad la isku wada raacsan yahay oo ah in xukuumadu masuul ka tahey in dadweynuhu helaan daryeel.

Arbeidsstue for barn, ca 1920 Frelsesarmeens suppekjøkken for uteliggere, 1920 Kø ved Christiania Dampkjøkken, 1903 Arbeidsstue for barn (1920)

Wax sax ah

Taxane taariikheed

  • 1909: sharciga ku saabsan caymiska bukaanka
  • 1915: sharciga ku saabsan waqtiga shaqada (ugu badnaan toban saacadood maalintii iyo 54 saacadood usbuucii)
  • 1935: Sharciga ku saabsan caymiska shaqo la’aanta
  • 1937: Sharciga ku saabsan dhawrista shaqada (Waxa ku jira sagaal maalmood oo fasax mushahar leh ah)
  • 1946: kaalmada carruurta (barnetrygd) ayaa la hirgeliyey
  • 1956: caymis-xanuun oo dhammaan dadku helaan
  • 1957: Caymis shaqo qof ku dhawwacmay iyo caymis dadka waaweyn
  • 1960: Caymis qof aan shaqayn karin (uføretrygd)
  • 1965: Caymis naag laga dhintay iyo caymis-hooyo
  • 1967: Sharciga ku saabsan caymiska qaranka