Carruurta iyo Qoyska

Caruurnimo, sharciga daryeelka caruurta iyo hayadda badbaadinta carruurta

Fem barn sammen Barn som leker Barn i vinterlek

Heshiiska Xaquuqda Carruurta ee lagungaaray Kalfadhigii 1989 ee Qaramada Midoobay waxuu ka kooban yahay 42 qodob oo qeexaya xaquuqta Carruurta. Norweey waxay saxiiday 1991kii. Heshiiskani waxuu quseeyaa carruuta iyo dhalinta ka yar 18 sanno, waxuuna waxbadan ka sheegayaa waajibaadka waalidka iyo xuquuqda Carruurta.

Halkaan waxaan ku arkeynaa qodobada ugu muhiimsan.

  • Marka caruur dhalato, waa in dhaqtarka ama ummulisada wargelisaa hey’ada ka wakiilka ah rajiistareynta dadka. Iyadoo la wargelinayo qofka uu yahay aabaha iyo hooyada caruurta, iyo in waaridiintu wada noolyihiin. Haddii caruurta ku dhashaan meel dhaqtar laheyn ama hooyadu ku nooshahay dibada, hooyada waxaa ku waajibnoqonaya ineey soo wargeliso.
  • Sida sharcigu yahay waaridiinta ayaa masuuliyada weyn ee caruurtiisa leh. Caruurtana waxey xaq u leeyihiin xanaano iyo inuu waalidkii ka fikiro.
  • Waalidiinta waxaa laga rabaa ineey xanaaneeyaan caruurtooda. Waxaa oran kartaa, waa ineey xaqiijiyaan in caruurtooda helaan raashiin, dhar iyo waxayaale kale iyo wixii aasaasi u ah noloshooda ama wanaajinayo noloshooda. Waajibaadka waalidiinta ka saaran caruurtiisa wuxuu soconayaa ilaa caruurtu gaarto 18 sano. Sidoo kale waalidiinta waxaa saaran waajibaad caruurtooda inta ay dhameynayaan dugsiga sare inkastoo ay gaareen 18 sano.
  • Waalidiinta waxaa kaloo laga rabaa ineey caruurta siiyaan koriimo wanaagsan, iyagoo had iyo goor ka fekerayo waxeey caruurta xiiseynayaa ana baahidoodu tahay. Sharcigan wuxuu mabnuucayaa ama diidayaa in caruurta lagu koriyo ama lagu soo barbaariyo rabshad ama dil xanuun leh. In loo isticmaalo caruurta canaan xanuun lahi waxaa lagu muteysanayaa ama natiijadeeda noqoneysaa ciqaab.
  • Waalidiinta waxaa laga doonayaa, xaqloogu leeyahay, ineeysan ka qaadanin go’aan si shaqsi ah, kolka caruurta kaligood go’aan qaadan karin. Sharcigan wuxuu leeyahay waa muhiim in waaridku si aad iyo aad ah uga fekero waxa caruurta naf ahaantoodu doonayaan ineey tiigsadaan kolkeey weynaadaan. Caruurtu waxey leeyihiin xaquuq ku wajahan go’aan qaadasho u qaas ah (selvbestemmelsesrett), markastoo da’dooda sii korortaba ama usii dhawaadaan da’da qaangaarnimada. Caruur todoba jir ah wuxuu leeyahay xaquuq ah inuu dhaho waxeey la tahay, inteeysan waaridku qaadan go’aanka la xiriira isaga ama iyada. Sharcigaasi wuxuu qeexayaa kolka caruurtu buuxiyaan 12 sanno ayaa waxaa ahmiyad la siinayaa sideey isaga la tahay.
  • Cauurta kolkeey buuxiyaan 15 sanno, waxeey leeyihiin xaquuq ku wajahan go’aan qaadashada xaga waxbarashada, innuu urur ka mid noqdo amaba ka baxo. Taa macnaheedu waa dhalaankaasi yari isagaa go’aansanaayo dugsiga sare ee uu doonayo inuu dhigto, isaga ama iyada ayaa raadsaneyso. Waalidiintu iyo caruurtaa 15 jirka ahi weey ka wada hadli karaan, waalidiintuna sideey had iyo goorba sameeyaa waxey siinayaa talo, laakiin waa isaga ama iyada 15 jir ahi qofka xaq u leh inuu go’aansado. Iyagaa sidoo kale qaraar ka qaadanayo ineey ka mid noqdaan urur siyaasadeed, mid diineed iyo urur kale.
  • Waalidiintu waxeey xaqiijinayaan ineey caruurtooda ka qeybqaataan waxbarashada qasabka ah ee dugsiyda hoose iyo dhexe. Waxeey kaloo hubinayaan in caruurtooda helaan waxbarasho ku haboon, islamarkaana caruurtooda xiiseynaayaan oo walibana kartina u leeyihiin
  • Caruurta waxey xaq u leeyihiin ineey isku heeystaan labadooda waalid, waloow eeysan labada waalidba wada nooleyn.
  • Da’ada qaangaadhka Norway waa 18 sanno. Taas macnaheedu waa qofku in hadda uu da’ ku filan jiray si uu u galo heshiisyo sharci iyo in uu maamulan karo lacagtiisa. Tan hadda laga bilaabo waalidku kama masuul aha.

Maadinta carruurta (Barnevernet) ee Norwey

Taariikhda maadinta carruurta (barnervernet) ee Norway waxay ka bilaabantaa 1800-dii. Norway waxa ay noqotay waddankii ugu horreeyey adduunka ee sameeyey maadinta carruurta ee dawladeed si loo caawiyo carruurta ku sugan nolosha adag ee u baahan caawimo dheeraad ah iyo ilaalin.

Degmo kasta waxa ay leedahay adeegga maadinta carruurta. Adeegga maadinta carruurta shaqadiisu waxa ay ku salaysan tahay sharciga maadinta carruurta. Sharcigani wuxu quseeyaa dhammaan carruurta iyo dhallinyarada deggan Norway, iyadoo aan ku xidhnayn ilmaha taariikhdiisa, waddankuu u dhashay iyo muwaadinimadiisa.

Daryeelka barbaarinta carruurtu ugu horrayn waa masuuliyadda waalidka. Waalidka qaar ayaa mararka qaar u baahanaya caawimo waqti kooban ama xilli dheer, tusaale ahaan sabab xaalad-noloeed oo adag. Maadinta carruurtu waxa ay kaalmayn kartaa qoysaska xaaladahaas ku jira.

Ilmaha sida u roon
Maadinta carruurtu waxa ay bixin caawimo ilmaha u roon. Tani waxa ay u dhigantaa sida uu dhigayo heshiiska carruurta (barnekonvensjon) ee Qaramada midoobay, kaas oo ka qayb ah sharciga noorwiijanka. Heshiiska carruurtu waxa uu dhigayaa in ay carruurtu tahay ashkhaas gaar u taagan oo leh baahi gaar iyo xuquuq aasaasi ah oo nololeed, koboc, ilaalin iyo ka-qayb-qaadasho. Iyadoo waafaqsan heshiiska carruurta ee Qaramada midoobay qoddobka 12, waxa la dejiyey in maadinta carruurta ay dhagaysato carruurta ra’yigooda oo ay miisaanka u liiciso kolba carruurta da’doodu inta ay tahay iyo bisaylkooda. Marka qoys xidhiidh la yeesho maadinta carruurta, markaa waa caadi in maadinta carruurtu in ay labada ba la hadasho waalidka iyo ilmaha ba.

Maadinta carruurta shaqooyinkooda ugu muhiimsan:

  • In ay caawimo bixiyaan:
    Adeegga maadinta carruurtu wuxu taageeraa carruurta iyo qoysaska marka ay carruurtu ku jirto sabab ah xaalad-nololeed oo adag ama sababo kale oo baahi u jirto. Maadinta carruurtu waxa ay rabtaa wada shaqaynta waalidka oo ah in carruurtu wanaag ku haystaan gurigooda. Caawimada waxa lagu bixin karaa qaab talo iyo tilmaan ama ka qaybgal firfircooni-gelinta xilliyada firaaqada, xannaanada carruurta ama SFO. Inta badan kiisaska maadinta carruurta qoysasku waxa ay ku helaan caawimo guriga. Mararka qaar kuma filna in caawimo guri la bixiyo, waxa aanay noqon kartaa in maadinta carruurta ay isku raacaan waalidka in ilmuhu ka guuro guriga muddo kooban ama xilli dheer.
  • Masuuliyadda ah in la ilaaliyo:
    Sida caadiga ah waxa fiican in ilmuhu uu gurigooda ku koro, laakiin adeegga maadinta carruurta waxa ay masuul ka yihiin in ay ilaaliyaan ilamaha haddii caawimo iyo taageero wada shaqayn waalid (talaabo caawimo) aanay ku filnayn in ilmaha baahidiisa la daboolo. Maadinta carruurtu waxa ay isku dayeysaa talaabooyin lagu caawiyo inta aan la qiimayn in daryeelka ilamaha lala wareego. Waa in ay jiraan sababo aad u culus oo ay maadinta carruurtu kula wareegi karaan carruurta. Tusaale waxa u ah marka carruurta lagu sameeyo daryeel la’aan weyn – taas oo ah haddii waalidku u geysto dhaawac jidh ama maskaxeed ama uu ka gaabiyo in ilamaha koritaankiisa jidh ahaan ama caafimaadkiisa maskax ahaan ay halis ku sugan yihiin. Haddii waalidku ay xadgudub ku sameeyaan ilmaha, tusaale ahaan haddii la garaaco, tan waxa loo arki karaa daryeel la’aan. Haddii ilmaha la geynayo meel aan gurigiisa ahayn iyadoon waalidka laga la tashan, arrintan waa in ay go’aamisaa Garsoorka-gobolku (Fylkesnemda) ee maadinta carruurta iyo arrimaha bulshada, taas oo ah xubin u eg maxkamad. Arrimahan oo kale waalidku waxa ay xaq u leeyhiin caawimo garsoor oo lacag la’aan ah (qareen).

Sida uu u dhaco kiis maadinta carruurtu
Kiisas badan oo maadinta carruurta ahi wax ay ku bilaabmaan in waalidka ama carruurta naf ahaantoodu ay la soo xidhiidhaan maadinta carruurta si ay caawimo u weydiistaan. Adeegga maadinta carruurtu waxa kale oo ay ka helaan war rugta caafimaadka, cusbitaalada, iskuulada, xannaanada carruurta, jaarka iyo dad kale oo u werwersan carruurta. Dhammaan shaqaalaha dawladdu, tusaale ahaan iskuulada, xannaanada carruurta iyo rugta caafimaadku waxa lagu waajibiyey sharci ahaan in ay u soo sheegaan maadinta carruurta haddii ay aad ugu werwersan yihiin ilmaha. Dhammaan wararka soo gaadha maadinta carruurta waa la qiimaynayaa. Haddii maadinta carruurtu u aragto in sababi jirto, waxa ay xidhiidh la samaynayaan ilmaha iyo waalidka si ay u helaan war dheeraad ah oo ku saabsan ilmuhu sida uu yahay. Waxa ay markaa noqon kartaa in maadinta carruurtu ay rabto in ay ilmaha keligii la hadlaan. Waalidka iyo carruurtu waxa ay xaq u leeyihiin turjubaan haddii ay u baahan yihiin. Waa caadi in maadinta carruurtu xidhiidh la samayso kuwo kale oo garanaya qoyska iyo ilmaha, tusaale ahaan xannaanada carruurta iyo iskuulka. Haddii maadinta carruurtu qiimayso in aanay jirin sabab werwer lihi, way laabaan kiiska. Ama waxa ay soo jeediyaan talaabo lagu caawiyo ilmaha iyo qoyska.

Sidee ayaa carruurta iyo dadka waaweyni ula xidhiidhaan maadinta carruurta?
Dhammaan degmooyinku waxa ay leeyihiin adeegga maadinta carruurta kaas oo furan maalintii. Carruurta iyo dadka waaweyni ba way la soo xidhiidhi karaan halkaas. Habeenka iyo sabtida iyo axaddaha carruurta iyo cidda kale ee u werwersani waxa ay wici karaan telefoonka qaylo-dhaanka ee carruurta iyo dhallinyarada 116 111.

Wax sax ah

Lacagta gunada caruurta (barnetrygd)

Gunada caruurta la siiyaahi waa kaalmo dhaqaale,laguna taakuleeyo dhamaan caruurta da’dooda ka yartahay 18 sanno oo ku nool Noorweey. Taasina waxeey kaalmeeysaa inlagu kabo qarashaadka ku baxa daboolida baahida caruurta. Gunaddani waa 970 lacagta kronka ah, bilkasta iyo canug kasta (2015).

Gunno kaalmeedka caruurta ( kontantstøtte)

Gunno kaalmeedka caruurta gurijooga ahi waa kaalmo dhaqaale oo la siiyo dhamaan caruurta u dhaxeeya halsano ilaa labo sanno, ee aanan aadin xanaanada caruurta. Gunno kaalmeedkaani waa 6000 krone bil walbaa laga bilaabo 13 bilood ilaa 23 bilood (2015). Caruurtii ama canugii heystaa xanaano aan buuxin waa laga yareynayaa gunno kaalmeedka.