Carruurta iyo Qoyska

Barbaarinta caruurta

Barn og foreldre

Caruurtu waxay u baahan yihiin walidiin, waalidiintuna iyaga ayaa ka mas`uul ah barbaarinta caruurtooda. Waagii hore waxaa caruurta loo arki jiray inay yihiin dad yar yar oo hadana dadweynoo yar ah «små voksne», weyna shaqeyn jireen si ay uga qaybqaataan dhaqaale reerka. Waagii hore reerka oo dhan hal guri ayay ku wada noolaayeen, laakiin hadda badi caruurtu waxay la nool yihiin aabe iyo hooye oo kaliya. Inta badan caruurtu waxay aadaan xarunta xanaanada, dhammaan caruurta oo dhan waxay dhigtaan iskuulka markii da`doodu gaarto 6 sano.

Aragtida barbaarinta caruurtu way is bedeshay sanadihii ugu dembeeyey. Waqtigan hadda caruurnimada waxaa lagu yaqaan ciyaar iyo barasho, la ma waydiiyo inay ka soo baxaan wax waajibaad ah sidii waagii hore. Waalidiintu waxay doonayaan inay waqti la qaataan caruurtooda, waxayna doonayaan inay wax badan ka ogaadaan caruurtooda, waqtiga aysan la joogin, waxayna si aad ah isugu dayaan inay wada shaqeyn wanaagsan la lahaadaan iskuulka iyo xarunta xanaanada caruurta. Inta badan waalidiintu waxay u arkaan inay muhiim tahay inay bartaan saaxiibada caruurtooda iyo waalidiintooda.

Caruurtu waxay wax badan ka bartaan ama ay waayo aragnimo, waqtigooda badan ku qaataan guriga banaankiisa, sidaa daraadeed caruurta waxaa noloshooda qayb wayn ka qaato bulshada iyo saaxiibada ay meel wada degan yihiin. Ma jiro waalid og sida ay caruurtiisu isu bedeli doonaan, mana jiro caruur samayso ama marto jidka waalidkood. Inkastoo ay waalindiintu jecel yihiin inay noqdaan qof ay caruurtoodu ku daydaan, waxayna tusaan caruurtooda jidka wanaagsan, iyo sidii uu u xali lahaa waxyaalaha ka horyimaado.

Waalidiin badan ayaa u arko inay adag tahay barbaarinta caruurta. Waxayna isku dayaan inay talo waydiistaan dadka waayo araga u ah arintaan, ama waxay raadiyaan boogaag ku saamsan barbaarinta caruurta iyo inay warbixin ka raadsadaan internettka.