Caafimaadka

Tariikhdii horumarka Nolosha wadanka

Helseundersøkelser 1942-44, (Oslo Museum, produsent: Rigmor Dahl) Søster ved den sykes seng,1904, (Oslo Museum, produsent: Anders Beer Wilse)

Maanta heerka nolosha wadanka Noorway waa mid aad u wanaagsan. Waxaa jira daawooyin lagu daaweeyo cudurada halista ah.
Daryeelka dadweynuhu wuxuu leeyahay hab uu ku kaalmeeyo dadka si uu qof walba u helo kaalmo dhakhtar iyo daawo. Caruurtu waxaa loogu deeqaa talaal looga hortagayo cuduro badan.

Wax badan ayaa iska bedalay markii loo eego waagii hore, sidaa daraadeed cimriga dadku aad ayuu u kordhay. Dadkii dhashay agagaarkii 1900 kii wuxuu cimrigoodu gaari jiray qiyaastii 55 sano. 1950 gabadhii dhalatey waxaa lagu qiyaasayaa in cimrigeedu gaaro 73,5 sano. Laakiin wiilasha dhashay isla waqtigaa waxaa lagu qiyaasayaa in cimrigoodu gaaro 70 sano. Dadka dhashay 2017 waxaa lagu qiyaasayaa in cimrigoodu gaaro gabdhaha 84 sano, wiilasha 81 sano.

Korarka cimriga dadka boqolkii sano ee ugu dembaysay:
Økning i levealder de siste hundre årene

Wax sax ah

«100 kii sano ee ugu dembeeyey cimriga dadku wuxuu kordhay hal qarni!(Jens Stoltenberg)

Jens Stoltenberg, (fotograf: Bjørn Sigurdsøn, Scanpix/SMK)