Caafimaadka

Kaalmooyin kala gedisan

Habka qofkastaa dhakhtar leeyahay

Dhammaan dadweynuhu waxay xaq u leeyihiin inuu qof walba helo dhakhtar u gooni ah. Dhakhtarkan ayuu qofku marka hore aadayaa markii uu xanuunsado. Dhakhtarkan wuxuu ku qasban yahay inuu caawiyo dadka uu dhakhtar joogta ah u yahay marka hore, inta uusan caawin dadka kale.dhakhtarka ayaa qofka u sii diraya isbitaalada iyo baaritaanada kale. Dhakhtarku waa sir gariye wixii isaga iyo bukaansocodkiisu ku wada hadlaan uma sheegayo cid kale haddii uusan ogolaansho ka helin bukaansocodka.

Farmashiye

Farmishiyaashu waxay iibiyaan/gadaan daawooyinka, sidoo kale waxay ku siinayaan ama aad ka helikartaa talooyin xagga caafimaadka ah iyo sida loo isticmaalo daawooyinka. Inta badan daawooyinka waxaa laga iibsan karaa oo kaliya farmashiyaasha. Daawooyinka qaarkoodna sida aasbiriinka, xanuun dejiyaha waxaad ka iibsan kartaa dukaamaha cuntada am a batrool isteeshinka. Qiimaha daawooyin way kale gedisnaan karaan waxayna ku xirantay hadba farmashiyaha aad ka iibsaneysid ama dukaanka aad ka iibsaneysid.

Inta badan daawooyika waa inuu dhakhtar kuu qoraa. Taa micnaheedu waxay tahay inaadan daawada iibsan karin, adiga oo aan la hadlin dhakhtarkaaga. Takhtarkuna waa inuu kuu qoraa daawada aad dooneysid iyo sida loo isticmaalo.

Daawooyinka warqadda buluuga ah lagu qora

Haddii aad qabtid cudurada aan waqti gaaban lagu daaweyn karin, una baahan daaweyn waqti dheer, aadna u baahan tahay daawo ama waxyaale kale ugu yaraan sedax bilood sanad gudihiis. Daawada waxaa laguugu qorayaa warqadda buluuga ah. Markii daawada laguugu qora warqadda buluuga ah micneheedu wuxuu yahay inaadan bixin qiimaha daawada ay joogto oo dhan ee aad bixisid wax yar oo kaliyah. Waxaad bixinaysaa qaybta ugu yar qiimaha daawada, inta badan qiimaha daawada dawladda ayaa bixinaysa.

Qaybta lacagta ee daawada warqadda buluuga ah iyo lacagta qaybtaada ee dhaktarka waxay ka mid yihiin lacagta lagu helo kaarka lacag la`aanta ee dhakhtarka

Egenandel medisiner på blå resept

Dhakhtarka ilkaha

Caruurta iyo dhalinyada waxaa si joogta ah loo kontaroolaa ilkahooda ilaa ay ka gaaraan 18 sano. Dawladda ayaa bixisa qarashka daaweynta ilkaha. Dhaliyarada da`doodu u dhaxeyso 18 iyo 20 sano waxay bixinayaan 25 % qarashka daaweynta ilkaha. 75 % kalena waxaa bixinaya dawladda. Dadka ama da`doodu ka weynta 20 sano iyaga ayaa iska bixinaya qarashka daaweynta ilkaha. Dad waaweyne waa inay iyagu raadsadaan dhakhtar ilkaha ee gaar ah. Waxaa caadi ah in qofku sanadkii mar u tago dhakhtarka ilkaha si uu u kontaroolo ilkahiisa.

Haddii caruurtu ama dhalinyadu u baahtaan in ilkaha loo toosiyo waa in waalidku bixiyaa qaybta qarashka ilkaha loogu toosinayo.

Jente med tannregulering

Seexinta isbitaalka

DeWaa lacag la`aan markii lagu dhigo/seexiyo isbitaalka. Qarashka daaweynta, jiifka iyo raashinka/cuntada waxaa bixinaya dawladda.

Adiga ayaa dooranaya isbitaalkii aad doontid, haddii waqti hore aad ogaatid inaad u baahan tahay in isbitaalka lagu seexinayo. Waqtiga aad sugaysid seexinta isbitaalku wuu kale gedisnaan karaa isbitaal walba, sidaa daraadeed waa inaad la socotaa webkan http://www.frittsykehusvalg.no/ oo ah meesha aad ka ogaan kartid waqtiga sugista isbitaal walba, si aad u dooratid isbitaalka ugu soo horeeya ee aad ka heli kartid seexin si laguu daaweeyo.

Waxaa kale oo jira isbitaalo aan aad u badneyn oo dad ama shirkado gaar ah leeyihiin. Haddii aad dooratid in aad iska daaweysid isbitaaladan sida gaar ah loo leeyahay, adiga ayaa iska bixinaya qarashka daaweynta.

Daaweynta isbitaalka lagugu daaweynayo

Daaweyntaan micnaheedu wuxuu yahay in lagugu daaweeyo isbitaal, adiga oo aan lagu seexin isbitaalka. Waa inaad timaadaa balanta laguu dhigay, markii lagu daaweeyana waxaad aadaysaa gurigaaga. Qarashka daaweynta noocaan oo kale ah qaybtaada ayaad bixinaysaa, sida marka aad dhakhtarkaaga joogtada ah u tageyso oo kale, ama baaritaanada qaaska.

Dhakhaatiirta taqasuska

Dhakhaatiirta taqasuska

Dhakhaatiirta taqasuska sida dhakhtarka taqasuska galiinka dumarka, dhakhtarka jirka, dhakhtarka dhegaha, neesaha iyo dhuunta, iyo dhakhtarka taqaquska cudurada caruurta.

Markii aad dooneysid inaad balansatid dhakhaatiirta taqaquska waa inuu dhakhtarkaaga qaaska ahi wargad u soo qoraa ama aad warqad ka haystaa dhakhtar kale. Haddii aadan warqad ka wadan dhakhtarkaaga, waa inaad bixisaa lacag dheeri ah markii aad la kulmeysid dhakhaatiirta taqasuska

Ambalaas/bukaanqaad

Haddii aad u baahato ambalaas (dhoolli), wax aad wici kartaa lanbarka gargaarka (113). Markaa waxa kula hadlaya xarunta ambalaaska. Waa muhiim in aad warbixin sax ah aad siiso:

Qofka aad tahay?

(magacaaga, taleefoonkaaga iyo meesha aad ka soo wactameysid)

Maxaa dhacay?

(meeqa qofood ayaa dhaawac ah, dhaawaco ma halisbaa, iwm)

Xageed joogtaa?

(cinwaanka aad joogtid oo sax ah, iyo magaca meesha)

Xarunta caafimaadka gargaarka deg dega

Haddii qof si kediso ah ugu baahdo gargaar caafimaad marka aanu shaqaynayn dhakhtarkaagu, waxa aad la xidhiidhi kartaa xarunta cusbitaalka gargaarka degdega ah (116 117).

Degmo walba ee Noorway waxay leedahay xarun caafimaad ee gargaarka deg dega. Xarunta caafimaadka deg degu waxay furan tahay galinka dembe, habeenkii iyo maalmaha fasaxa, markii xarumaha caafimaadka ee caadigu xiran yihiin.

Markii aad tagtid xarunta caafimaadka gargaarka deg dega waxaad bisinaysaa qabytaada lacagta daaweynta iyo baaritaanyada kale sida dhiig qaadis iwm.

Waa inaad ogaataa xarunta caafimaadka gargaarka deg dega ee kuugu dhaw!

Wax sax ah

Qeybta lacagta ee dhakhtarka

  • Dawladdu waxay bixisaa inta badan dhaqaalaha ku baxa booqashada dhakhtarka. Bukaansocodku waxay bixiyaan qeyb yar. Inta kalena dawladda ayaa bixisa.
  • Bukaansocodku waa inay bixiyaan qeybtooda booqashada dhakhtar, sidoo kale waa inay bixiyaan daawada, cirbadaha, faashadaha, iyo wixii la mid ee bokaansocodku u baahanyahay.
  • Caruurta da`doodu ka yar tahay 16 sano ma bixinayaan qeybtooda lacagta dhakhtarka. Koontaroolka dumarka uurka leh waa lacag la`aan.
  • Qeybta lacagta qofku dhakhtarkiisa siiya sida badan waa ilaa 200 kr. (2012).

Kaarka lacag la`aanta ee dhakhtarka iyo daawooyinka

Markii uu qofku bixiyo ilaa qiyaas lacagta dhakhtarka sanadkii, wuxuu helayaa kaar lacag la`aan ah uu ku aadi karo dhakhtarka iyo daawo bilaash ah. Lacagta qofku bixiyo sanadkii waa 2105 kr (2014). Markii aad bixisid 2105 kr. Qeybta lacagta dhakhtarka iyo daawooyinka waxaad laguu soo dirayaa kaarka lacag la`aanta adiga oo aan dalban, waxaana kuu soo dirayso (HELFO) waa qeyb ka tirsan NAV. Waana inaad tustaa kaarkan martkii aad dhakhtar booqatid ama aad daawada warqadda buluuga ku qoran iibsanaysid. Marka lagaama doonayo wax lacag ah sanadka inta ka harsan

Websaydkaan https://helsenorge.no/waxaad ka helaysaa liiska dhakhaatiirka. Halkan ayaad ka dooran kartaa dhakhtarkaaga.

Ka shaqey layliska