Suuqa-shaqada

Shaqo iyo daryeel

In dadka badankoodu shaqo mushahar leh ka shaqeeyaan, waxay keeneysaa in dawlada iyo degmadu cashuur badani soo gasho. Waana wax bulshada u fiican marka dhinacyo badan laga fiiriyo:

  • Lacag badan ayey helayaan iskuulada, adeega caafimaadka, waddooyin iwm.
  • Waxaan helnaa lacag lacag badan si aan u sii wanaajinno dheefta daryeelka.
  • Kharashka dawladda ka baxayaana wuu yaraadaa (in yar ayaa u baahanaysa lacagta shaqo la’aanta, caydha, lacagaha caymiska qaranku bixiyo, iyo kuwo kale).

Dawlada Norwey waxay lacag badan ka heshaa dhoofinta shidaalka iyo gaasta. Dad badan ayaa u arka in lacagtani ay tahay waxa Norwey ka dhigay dal daryeel bulsho leh. Lakiin lama hubo inay tani sax tahay.
Dawlada Norwey lacag badan ayey ka heshaa dhoofinta shidaalka iyo gaasta.

Dakhliga dawladda ee wax-soo-saarka gaasta iyo shidaalka waa qayb ka mid ah lacagta lagu bixiyo daryeelka bulshada. Qiyaastii afar meelood meel ahaan ayuu dakhligani daboolaa lacagta lagu bixiyo daryeelka bulshada. Kharashka kale ee dawladu ku daboosho baahida wuxuu ka soo galaa cashuurta iyo khidmadaha kale.

Ma aha bulshada oo keliya cida ka faa’iidaysato inaynu shaqayno. Dadka waaweyn intooda badan waa u wax waxtar in ay haystaan shaqo.

Shaqadu wax ay ina siin kartaa:

  • fursado dhaqaale
  • isku filnaansho iyo nolol-maalmeed macno leh
  • xurmo bulsho iyo xidhiidh bulsho
  • suurtogal in aad isticmaasho awoodaada iyo aqoontaada
  • fursad si aad bulshada wax ugu darsatid iyo aad dareenno waxtarnimo

Wax sax ah