Shaqada

Tariikhdii horumarka shaqada

150 sano ka hor beeraha, dhirta iyo kaluumaysigu waxay ahaayeen waxyaalaha ugu muhiimsan ee wax soosaarka wadanka Noorway. Wax badan ayaa isbedalay waqtigaa ka dib. Dhammaadkii qarnigii 1800 kii waxaa la dhisay warshado, dad badan ayaa u soo guuray maalooyinka waaweyn waxayna bilaabeen inay ka shaqeeyaan warshadaha. Qeybta hore ee qarnigii 1900 kii waxaa la abuuray shaqooyin badan oo warshadeed. Isla markaa dad badan oo Noorweji ah ayaa u dhoofay Ameerika, degayna halkaa.

1950 20 % dadku waxay ka shaqeyn jireen beeraha, maanta inta ka shaqaysa beeraha waa 3 %. Isla markaa wax soosaarka beeraha ee Noorway wuu ka badan yahay waqtigii hore. Sababtuna waxay tahay in hadda ay jiraan mashiino cas ah oo fududeynayo hawsha wax soosaarka beeraha.

Qeybta dembe ee sanadihii 30 kii wax badan ayaa iska bedaley suuqa shaqada ee Noorway. Waxaa si badan hoos ugu dhacey tirada dadka ka shaqeeya warshadaha.

Kadib markii saliida laga heley badda Waqooyi dhammaadkii 1960 kii, waxay wax-soo-saarka saliida iyo gaastu qayb weyn ka noqdeen wershedaha noorwiijiga. Saliida iyo gaastu macne weyn ayey ugu fadhiyaan warshadaha noorwiijiga.

Gaaska iyo shidaalku waa qeyb weyn dhaqaalaha Noorway. Maanta shaqooyinka ugu badan waxaa laga helaa xirfadaha adeegyada. Taa micnaheedu wuxuu yahay qofkii doonayo inuu shaqo ka helo Noorway, fursadiiso way wanaagsan tahay inuu shaqo ka helo tusaale, dukaamaha, caafimaadka, iskuulada iyo xarumaha xanaanada caruurta ama shaqooyinka gaadiidka dadweynaha. Qaar badana waxaa lagayaabaa iney shaqo ka helaan horumarinta macluumaadka casiga ah ee wartabinta.