Shaqada

Ururada shaqaalaha iyo ka qeybgalista

Ururada shaqaalaha iyo nolosha shaqada

  • Shaqaalaha iyo shaqobixiyeyaashu labaduba waxay leeyihiin ururo u gaar ah. Ururka shaqaalaha ee ugu weyn waxa la yidhaahdaa LO, kan ugu weyn ee ururka shaqobixiyeyaasha waxa la yidhaahdaa NHO. Shaqooyinka ururadan waxa ka mid ah inay ka wada xaajoodaan mushaharka iyo waqtiga shaqada.
  • Markay shaqobixiyeyaasha iyo shaqaaluhu isku raacaan waxyaabaha noocan ah, waxa la sameeyaa heshiis. Heshiisyadani waxay shaqeeyaan sida caadiga ah labo sanno waxaana la yidhaa heshiis-wadajir (tarifavtale). Shaqobixiyeyaasha iyo shaqaalahaba waxa saaran waajib ah inay raacaan heshiiskan.
  • Ururada shaqaalaha waxaa loogu yeeraa ururka midowka shaqaalaha. Noorway shaqaale badan ayaa ka tirsan ururadaan.
  • Xubnuhu waxay bixiyaan lacag ay kaga mid noqonayaan ururka.

Ka qeybqaadasha nolosha shaqada

Si loo abuuro jawi wanaagsan koobaha shaqada waa in shaqo bixiyayaasha iyo shaqaaluhu ay dhawraan kana wadashaqeeyaan heshiisyada ay wadagaareen Noorway shaqooyinka waxaa loogu tala galey in shaqaaluhu ka qeybqaataan iyo in koobaha shaqadu ahaadaan hab dimoqoraadiyad. Qofkasta shaqaalaha waa la dhageysanayaan, waana la tixgalinayaa sidii uu uga qeybqaadan lahaa shaqadiisa. Shaqaalaha oo ay metalayaan ururka shaqaalaha waxay ka qeybqaadanayaan doodaha iyo warbixinada shirkadda ama hay`adda ay ka shaqeeyaan.

Shirkadaha waaweyn waxaa ku qasab ah inay dhawraan caafimaadka cimilada iyo nabadgalyada shaqaalaha (HMS) ee koobta shaqada. Shaqadan waxaa ka masuul ah, la soconaya wakiilka shaqaalaha iyo wakiil ka socda madaxda sharkadda.

Wax sax ah

LO Waa ururka ugu weyn ee shaqaalaha.

NHO Waa ururka ugu weyn ee shaqo bixiyayaasha. Landsorganisasjonen (LO) Næringslivets hovedorganisasjon (NHO)