waxbarasho iyo xirfad

Dugsi hoose/dhexe

Småskolebarn Ungdomsskoleelever

Wax sax ah oo ku saabsan dugsiga hoose

  • Caruurta oo dhami waxay xaq u leeyihiin helida waxbarashada aasaasiga ah, fasalka koowaad ilaa tobonaad. Caruurtu waxey iskuulka ku bilaabaan lix sano.
  • Dhammaan caruurtu waa ineey helaan waxbarasho ku haboon, iyo in ardeyda u baahan kaalmo saa’id ah helaan.
  • Ardeyda dhigta dugsiyada hoose waxaa laga qaadaa imtixaan qiimeeyn hadal iyo qoraalba ah, balse aan lagu helin boondo.
  • Ardeyda dhigata dugsiyada dhexe waxay ku helaan boondo dhamaan maadooyinka. Boondaasoo tilmaanto darajada 1 ilaa iyo 6. halku wuxuu u taagan yahay buundo hoose, halka lixduna tahay tan ugu wanaagsan ama ugu sareyso.
  • Dhamaan ardeyda dhigata dugsiga hoose ma dhacaan, oo waxbarashadoodeey horey u sii wataan. Taasina ma ahan mid ku xiran natiijada iskuulka ka helaan. Sidaa daraadeed ma jiro caruur dhigata dugsiga hoose, islamarkaana ku noqota fasalkeey sanadkii hore soo dhigteen marlabaad.
  • Dugsiga hoose/dhexe waxa loo agaasimay si isku mid ah dhammaan waddanka. Tusaale ahaan dhammaan 190 maalmood ayaa sannad kasta la dhigtaa iskuulka, laakiin siyaasiyiinta degmooyinka ayaa go’aamiya xilliyada ay ku beegayaan fasaxyada kala duwan.
  • Ardeydu manhaj isku mid ah ayaa looga dhigaa dalka oo dhan. Waxaana go’aamiyo manhajkaa mudanayaasha Stortinka ama baarlamaanka. Caruurta dalka ku noolina waxay helaan waxbarasho isku mid ah.
  • Inta badan iskuuladu waa iskuukulo dadweyne, inkastoo aay jiraan kuwo gaar loo leeyahay. Caruurta dalkan ku nool 2.5 %, boqolkiiba ayaa tagto iskuulo gaarka loo leeyahay.

Iskuulo u sinaanshaha

Sharciga quseeya waxbarasha dalkan wuxuu leeyahay dhamaan caruurta oo dhan iyaga oo loo eegin kartidooda iyo awoodooda, waxey xaq u leeyihiin ineey helaan waxbarasho iskuuleed oo ku haboon. Taasina waa siyaasada aasaaska u ah laguna magacaabo iskuul u sinaanshaha (Likhetsskolen). Iskuul u sinaanshuhu waxeey xambaarsan tahay in ardeyda wadanka ku wada nooli helaan waxbarasho lagu dhigo manhajka dowladu qorsheeysey.

Maalgelinta dugisyada hoose

Dugiyada hoose waa u lacag la’aan dhamaan waalidiinta iyo ardeydaba. Ardeyda waxay ka deynsan karaan buugaagta wax laga barto iskuulkooda. Waxay kaloo helayaa buugaagta wax lagu qoro, qalmaanta wax lagu qoro iyo wixii u dhigmaba.

Waxaana dhamaan qarashaadka ku baxo bixinayo dowlada. Lacagta ugu badana waxay ku baxdaaa mushaaraadka macalimiinta, dhismaha iyo qarashaadka isticmaalka dhismahayaasha iskuulada.

Iskuulada gooni loo leeyhay waalidiinta ayaa bixiya lacagta iskuulka. lacagtaasi waa qeybtii ayaga kusoo aadey, laakiinse dowlada ayaa bixisa qarashaadka kale.

Wax sax ah

SFO – Iskuulka caruurta lagu cayaarsiiyo iskuulka ka dib

Ardeyda dhigata fasalada koowaad ilaa iyo fasalada afaraad waxeey degmooyinka wadanka u diyaariyeen iskuulada, lagu ciyaarsiiyo iskuulka ka dib (SFO). SFOga waa mid aan qasab aheyn, waxaana loo diyaariyey qoysaska u baahan in loo xanaaneeyo caruurtooda kahor ama kadib waqtiga caadiga ah ee iskuulka, tusaale ahaan inteey waalidiintu jiraan shaqada.

SFO waxaa laga helaa caawimaad xaga casharada ah, balse laguma haayo manhaj waxbarasheed. SFOga ma ahan lacag la’aan. Waalidiintu waxey bixiyaan qeyb lacagta bishii, inta soo harteyna waxaa kabo dowlada. Waana ka duwan yahay degmo walba degmada kale kabista lacagtaas.

Degmooyinka qaarkood, familada ku nool ee lacagta soo gashaahi yartahay waxeey raadsan karaan in laga dhimo qiimaha, laakiin degmooyinka qaarkood waa isku lacag, iyadoo la fiirin inta soo gasho famiilka. Qaar kamid ah degmooyinka waxeey ka raqiisiyaan waalidiinta haddeey u dhigtaan caruur badan SFOga, qaarna kama dhimmaan.

Tarbiyadda

Macaliintu xaq uma laha ineey u isticmaalaan habab ciqaabta ardeydooda. Anshaxa iskuulka waa in loo hirgaliyaa hab waafaqsan sharaf insaaneedka caruurta. Macalimiintana waa ineey tusaan tixgelin ardeydooda, halka laga doonayo in ardeyduna tusaan tixgelin macalimiintooda.