Waxbarashada iyo aqoonta

Qiimaha aasaasiga ah ee iskuulku

Aktiv elev

Sinnaan, isku qiime ahaan, iyo xornimada shaqsiga si qofku wuxuu rabo xoriyadiisa ugu dooran karo waa qiimayaasha aasaasiga u ah bulshada Norwey. Qiimayaashaan waxa laga arkaa iskuulka. Casharada waxbarashada iyo howlaha iskuulku waxey ardayda baraan in dadka oo dhami isku mid iyo qiimo yihiin. Ardaydu waxey saameyn ku yeelanayaan nololmaalmeedka iskuulkooda, ardayduna waxay hore ugu bartaan ma’suuliyada ka saaran waxbarashadooda. Iskuulkana waxa waajib ku ah inuu siiyo arday walba waxbarasho ku haboon heerka uu taagan yahay.

Iskuulka ujeedadiisu waa inuu waxbaro dad madaxbanaan oo leh aqoon bulshanimo iyo waxbarasho iskuul oo fiican.

Dimoqraadiya casriga ah waxa qofka muwaadinka ah laga filayaa, inuu yeesho aqoon una madax banaanaado aragtidiisa ama ujeedadiisa, kana qeyb qaato shaqada iyo nolosha bulshada. Iskuulkuna wuxuu siiyaa ardayda aqoon guud oo wanaagsan. Taas macnaheedu waxa weeye in ardaydu bartaan mawduucyo kala duwan. Ardaydu waa inay bartaan luqadaha, xisaabta, iyo cilmiga bulshada iyo dabeecada ku wareegsan.

Iskuulku wuxuu qabtaa shaqooyin farabadan sida inuu carruurta siiyo aqoon guud oo fiican, tusaale ahaan in carruurtu ay bartaan:

  • si ay u raadiyaan macluumaad iyo qiimeynta macluumaadkaas si naqdin ah
  • si ay uga qataan fikir ay leeyihiin iyaga oo gundhig uga dhigaya macluumaadka iyo qiimeynta ay iyagu sameeyeen
  • si ay uga doodaan fikirkooda

Ungdomsskuleelevar

Ujeedada waxbarashada (Sharciga waxbarashada)

  • Waxbarashada dugsiga iyo shirkadaha tababarka bixiyaa iyaga oo la shaqeynaya guriga ayey furuyaan albaabada aduunka iyo mustaqbalka, oo ay siiso ardayda aragti iyo saldhig taariikheed iyo mid dhaqan
  • Waxbarashadu waxey dhiseysaa qiyamka aasaasiga ah ee kiristanka iyo dhaxalka bani’aadanimo iy dhaqanka, sida ixtiraamka qiimaha aadanaha iyo dabeecadda, xorriyada caqiidada, is-jacaylka, cafiska, isku qiime ahaanta iyo isu damqashada, qiyamka sidoo kale ku yimaada diimaha kala duwan iyo aragtiyaha nololeed, kuwaas oo lagu dhidbay xuquuqda aadanaha
  • Waxbarashadu waxey kordhin doontaa aqoonta iyo fahanka dhaxal dhaqameedka dalka iyo ta caalamiga ah ee kala duwan ee inaga wada dhaxeysa.
  • Waxbarashadu waxey keenaysaa fahanka kala duwanaanta dhaqamada iyo inaynu ixtiraamno qofku wuxu aaminsan yahey. Waxey kor u qaadeysaa dimuquraadiyada, sinnaanta iyo fikirka aqoonta ku salaysan.
  • Ardeyda iyo kuwa tababarka ku jiraa waxey kor u qaadi doonaan aqoon, xirfado iyo dhaqan si ay u helaan aragtida nolosha ugu badan ugana qeyb galaan shaqada iyo bulshada bulshada dhexdeeda. Waxey awood u yeelan doonaan iney wax abuuraan, wax ku mashquulaan oo ay wax baadhaan.
  • Ardeyda iyo kuwa tababarka ku jiraa waxey baranayaan si ay ugu fekeraan si ay wax unaqdiyi karaan oo u dhaqmaan si anshax leh oo bay’ada ku aadam. Waxey yeelan doonaan masuuliyad qaadis iyo xuquuq saameyn lahaansho.
  • Dugsiga iyo shirkadaha tababarka bixiyaa waa iney si kalsooni, ixtiraam leh oo shuruud leh u qaabilaan ardeyda iyo kuwa tababarka ku jira si sare loogu qaado asluubta iyo jacaylka waxbarasho. Dhammaan noocyada takoorka waa in laga hortagaa.

Wax sax ah

Iskuulku wuxu:

  • siin dhammaan ardayda fursado fiican oo isku mid ahsi ay u hormariyaan awoodooda iyo hibadooda gaar iyo wada shaqaynta kuwa kale
  • kobciyo waxbarasho jacaylka, faduulnimo iyo awoodda u adkaysiga dhammaystirka
  • kobciyo ardayda si ay u horumariyaan xeeladoodda waxbarasho iyo awoodda ay fikir ku naqdiyaan
  • kobciyo ardayga horumarkiisa qofnimo iyo adkaynta aqoonsigiisa, sida in uu horumariyo akhlaaqdiisa, aqoontiisa bulsho iyo dhaqan iyo awoodda fahamka dimuqraadi iyo ka qayb qaadasho dimuqraadi
  • u diyaarin in ardaydu qayb ka ahaa waxqabadka iyo in ardaydu sameeyaan doorasho qiyam ay og yihiin iyo doorasho waxbarasho iyo shaqada mustaqbalka
  • Kor u qaadida waxbarasko loo habeeyay iyo habab shaqo oo kala duwan
  • kobciyo, isticmaalka iyo kor u qaadidad aqoonta ee macalinka kasta
  • ka caawiyo macallimiinta iyo barayaashu inay u muuqdaan inay yihiin hoggaamiyeyaal cad oo carruurta iyo dhallinyarada tusaale u noqda
  • ilaalinayaa in caafimaadka jidheed iyo xidhiidhka deegaanka shaqo-bulsheedku inay keenaan caafimaad, xasil iyo waxbarasho
  • u diyaariyaan wada shaqayn xagga guriga iyo iney ilaaliyaan sidii waalidku uu iskuulka xilka ula wadaagi lahaa
  • U salaxaan in bulshada deegaanka qaab macno leh saameyn ugu yeeshaan waxbarashada