Wadashaqeynta guriga iyo iskuulka
Waalidka ayaa ma’suul ka ah barbaarinta carruurtooda. Iskuulkuna wuxuu doonayaa inuu wadashaqeyn la yeesho waalidiinta oo uu ku taageero shaqadan. Si ay carruurtu waxbarasho wanaagsan uga helaan iskuulka, waxa muhiim ah in iskuulka iyo gurigu ay wada shaqeeyaan.
Waa muhiim in la akhriyo qoraalada iskuulka ka yimaada dhammaantood. Ardayda waxa la soo siiyaa qorshaha laylisyada iyo casharada todobaakii/iyo mid muddo ah. Qorshoyaashan waxaad ka akhrisan kartaa waxa fasalka lagu dhigto iyo maadadaha laga shaqeeyo mudadan. Qorsheyeyaashan waxa ku yaalla oo kale farriimaha muhiimka ah ee waalidiinta iyo masuuliyiinta. Waalidiintu haddii ay wax su’aalo ah qabaan waxay la soo xidhiidhi karaan macalinka ama cid kale oo iskuulka ka shaqaysa
Waa caadi in waalidiintu la kulanto macalimiinta iyo waalidiinta kale. Waxay ka wada hadlaan fasalka iyo bay’ada fasalka iyo qorshoyaasha iyo hiwaayada. Ugu yaraan waa in shirarka noocan ahi dhacaan laba jeer sannad kasta. Waa wax aad u fiican in kulamadan oo kale ay waalidiintu isku bartaan.