waxbarasho iyo xirfad

Waxbarashada dadka waaweyn

Voksen student Foto fra et norskkurs

Mushtamacu waa is badalaa had iyo goor. Waxaa jira isbadalka tiknoolajiyada cusub iyo daruufaha la xiriira shaqada. Taas oo u baahan in shaqaaluhu kordhiyaan aqoontooda, lana tababaraa.

Qofka weyni wuxuu qaadan karaa waxbarasho cusub, dhisi karaa aqoontiisii hore ama qaadan karaa waxbarashada hoose si uu u buuxiyo sharuudihii shaqada looga baahnaa.

Dad badan ayaa qabanqaabiyo koorasyo la siiyo dadka waaweyn.Kuwaas waxaa tusaale u ah koorso hiwaayad, mid luqadeed iyo mid xirfad barid. Dowlada ayaa maalgaliso qaar ka mid koorasyadaas.

Degmada ayaa masuul ka ah siinta waxbarashada hoose ee aasaasiga, halka uu gobolkuna masuul kayahay siinta waxbarashada dugsiga sare ee dadka waaweyn. Dadka waaweyni xaq ayey u leeyihiin waxbarasho dugsiga hoose iyo dugsiga sareba, iyagoo ku helayo waxbarashada lacag la’aan. Waxaa kaloo la helaa kuwa gaar loo leeyahay oo bixiyo waxbarashada dugsiga sare ee dadka waaweyn.

Shaqo doontayaasha waxeey helaan koorsooyin kale duwan, waxaana siiya NAV. Ujeeddada waa in la siiyo shahaado, kooras qaatayaasha. NAV waxeey bixisaa qarashka ku baxayo kooraska iyo lacagta kooras qaatayaasha.

Wax sax ah

Dadka waaweyn xaq ayey u leeyihiin waxbarasho dugsiga hose/dhexe

Dadka waaweyn ee u baahan waxbarashada dugsiyada hoose, xaq ayey u leeyihiin. Waxbarashadaa waa u lacag la’aan. Degmadaada ayaad ka heli kartaa wixii waxbixin ah ee intaa dheer.

Dadka waaweyn xaq ayey u leeyihiin waxbarashada dugsiga sare

Dadka waaweyn soo dhameystey dugsiga hoose, laakiin aanan baran waxbarashada dugsiga sare, waxeey xaq u leeyihiin waxbarashadaa. Maamulka gobolka ayaana ka masuul ah..

Qiimeynta aqoonta dibada lagala yimaado

Haddii qofi kasoo barto xirfad dibada, islamarkaana uusan sidan wax cadeyn ah, wuxuu awoodaa inuu helo fursad imtixaan ah. Imtixaankaa tijaabada ahi waa hab lagu qiimeynayo aqoontiisa ku aadan waxbarashada dugsiga sare, waxaa lagayaabaa xirfad leedahay adigoon dugsi xirfad barasho galin. NOKUT