waxbarasho iyo xirfad

Tariikhda waxbarashada

Noorway waxay leedahay taariikh dheer, markaanu eegno xaga waxbarashada iyo aqoonta. 1700 markii taariikhdu aheyd dhaqaalaha wadanka aad buu u xumaa. Laakiinse aqoonta waxaa loo arkayey mid muhiim ah, waxaana la go’aansadey in caruurta oo idil iskuul wada aadaan, dowladuna bixiso qarashaadka.

Gutteklasse, 1885 Pikeskole, 1895

  • Biloowgii 1700 sano kolkeey taariikhdu aheyd waxaa la soo rogey iskuulka inuu qasab yahay. Lacag la’aan yahay in la dhigtaana, gabdhaha iyo wiilashuna wada dhigtaan. Fikirka ka dambeeyo wuxuu ahaa in wax la wada aqriyo, si dadku u aqristaan diinta kirishtaanka. Ardey kastana waxaa la bari jirey diinta kirishtaanka.
  • Waqtigaan caadi ma aheyn in iskuul maalin walbo la aado. Caruur badan waxeey aadi jireen iskuulka maalin dhaaf, ama dhowr isbuuc sanadkii.
  • Waxyar ka dib maadooyin badan ayaa la bilaabey in lagu dhigo iskuulka. Qoraalka, xisaabta iyo heesaha tusalee ahaan waxeey ahaayeen maadooyinka qasabka ah, biloowgii qarnigi 18aad.
  • IBartamihii 1936 dii ayaa la go’aansadey in caruurta aadaan iskuulka ugu yaraan 7 sanno. Laga bilaabo 1997diina waxaa laga dhigey ilaa iyo 10 sanno oo qasab ah.
  • Siyaasiyiinta baarlamaanka ayaa go’aamiyey dhamaan manhajada waxbarasho ee ay isticmaalaa iskuulada kala duwan ee dalka, kaasoo inta badan isku wada mid yihiin waxa laga baranayo.

Wax sax ah

Taariikhda iskuulada

1739: Sharcigii ugu horeeyey ee iskuulada. Maadooyinka qasabka ahaa kristaanka iyo aqriska.

1822: Sharci cusub oo iskuulada ah . Maadooyinka qasab waxaa lagu soo darey qoraal iyo xisaab.
1936: Iskuul isku mid meel kasta wadan.

1969:9 sano waxbarashada dugsiga hoose/dhexe oo qasab ah.

1997: 10 sano waxbarashada dugsiga hoose/dhexe oo qasab ah.

Waxyaalaha iskuulka laga barto

Iskuulada waxbadan baa iska badaley 300 boqol ee sano ee la soo dhaafey, ilaa iyo waqtigaana iskuul tagidu waxey aheyd qasab. Waqtigii 1700 sano ayaa ahmiyad waxbarashadu aheyd in ardeyda la baro aqoonta diinta kirishtaanka. Waqtigaa kadibna waxaa la bilaabey waxbaro kale duwan sida in waxbariskta qoraalka, xisaabinta, sida raashiinka loo kariyo, tolida dharka, sida wax loo dhiso.

Warbixin

Maanta aad bey u tahay sahal in la helaa warbixin. Caruurta waxeey isticmaalaan kompuyuutar iyo internettba. Waa muhiim in caruurta la baro sideey u raadsan lahaayeen warbixino sax ah, islamarkaana labaro sideey u xubin lahaayeen. Caruurta waxaa la baraa ineey isku filnaadaan iyo sideey warbixinteey helaan u isticmaalaan. Sideey ugu xalin lahaayeen mowduucyo kala duwan. Iyo ugu danbeyntii sideey iskaashi ula sameeyn lahaayeen dadka kale. Intaa waxaa sii dheer barashada aqoonta iyo barashada aasaaska qoraalka, aqrinta iyo xisaabta.