Taariikh, Joqoraafi iyo Cilmiga Bulshada

Taariikhda Norway oo kooban

Vikingskip

Waqtigii Vikinka (Vikingka oo ah dadkii degaalyahanada badda. Waana dadkii hore ee Skandanevianka degi jirey oo Noorwiijiaanku ka mid ahaayeen)

Sanadadii u dhaxeeyey 800 iyo 1050 Kadib diinta Kristaanka ayaa lagu magacaabaa Waqtigii Vikinka (Vikintida). Biloowgii waqtiga vikinka Noorweey ma aheyd wadan, laakiin waxey ka koobneyd dhulal kala duwan oo leh boqoradiisa. Kolkeey taariikhdu aheyd 872 ayaa Ninkii Viking ahaa, boqor Harald Hårfagre ayaa ka noqdey boqor Noorweeyoo dhan. Dadbadan oo Viking ka mid ahaa u safri jirey dhulal kale. Qaar Viking ka mid ahi waxey ahaayeen ganacsato, wax soo iibsato, waxna sii iibiso. Halkeey qaar kale oo Vikingka ka mid ahaana ahaayeen dagaalyahano, wax soo dhaco waxna soo dilo. Maanta waxaanu ka fekernaa inta badan dagaalyahano, kolkaanu ka hadleyno dadkii Viking. Kolkeey taariikhdu aheyd 1000 ayaa Noorweey lagu soo rogey diinta kristaanka. Diinta kristaankuna waxey badashey diimahoodii hore iyo illaahyadeey rumeysnaayeen.

Borgund stavkirke

Midowgii Denmark iyo Noorweey

Bartamahii 1300 kolkeey taariikhdu aheyd ayaa inbadan Denmark waxey awood soo jiidasho ku yeelatey Noorweey. Laga bilaabo 1397na Noorweey waxeey midow sax ah la laheyd Denmark iyo Iswiidhan. Midowgu waxuu lahaa boqor isku midah. Waqti ka dib waxey Iswiidhan ka baxdey midowgii, laakiin midowgii Denmark iyo Noorweey wuxuu soo dabajiitamayey ilaa 1814kii. Siyaasiyiinta waxaa laga soo magacaabayey Denmark. Kobenheegan waxeey aheyd xarunta dhaqanka ee midowga, Noorwiijiyaanka waxey waxku qorayeen ama ku aqrinayeen afka Denmark. Beeraleydii Noorwiijiyaanka waxeey siinayeen canshuur boqorka fadhiya Denmark.

Kala go’ii midowgii hore iyo midowgii cusbaa

Eidsvoll1814 - © Stortingsarkivet/ foto: Teigens fotoatelier as
Sannadkii 1814 ayaa midowgii Dhenmarak iyo Norwey u dhexeeyay buburey. Noorwiijiga qaar ka mid ahaa ayaa waxey rabeen in Norwey noqoto dal xor ah oo keligii taagan, 112 nin oo awood leh oo ka kala yimi qaybaha koonfureed ee dalka ayaa ku kulmey magaalada Eidsvoll ee gobolka Akershus. Waxeyna rabeen i iney halkaa ku qoraan dastuurka Norwey oo ah dal madaxbannaan. Laakiin waxa Norwey lagu khasbey iney la midoobaan Iswiidhan, bishii noofembar ayuu midowgii Norwey iyo Iswiidhan noqday mid dhab ah. Midowga Iswiidhan wuu ka yara jilicsanaa kii Dhenmarak. Norwey wey sii haysatey distoorkeedii oo wax yar laga bedelay,waxa kale oo ey yeealtey ismaamul hoose. Siyaasada dibeda waxa laga maamulayay Iswiidhan, oo boqorka labada wadan wuxuu ahaa Iswiidhan.

Eidsvollsbygningen

Waqtigii wanaaga iyo waxyaabaha lagu garto wadanka(Nasjonalromantikk og norsk identitet)

Brudeferd i Hardanger (Hans Gude & Adolph Tidemand, © Nasjonalmuseet for kunst, arkitektur og design)

Sannadihii 1800 ayaa Yurub waxa sare u kacey xiisaha loo qabo farshaxanimada iyo dhaqanka taas oo la odhan karo ama loogu yeedhi karo (nasjonalromantikken). Waxa markaa muhiim noqotey in la tilmaamo waxa dal kastaba lagu garto, iyadoo weliba la weyneynayo oo la qurxinayo. Norwey waxa si gaar ah loogu amaaney dabeecad aad u qurux badan, iyo iyada oo bulsho beeraley ah loo aqoonsadey «summadda noorwiijanka».

Kalgacalka qaran waxa lagu muujiyey suugaan, farshaxanimo iyo muusik. Waqtigaas waxey dadka noorwiijigu aad u ogaadeen waxyaabaha lagu aqoonsado dalkooda. Dad badan waxey ku hanweynaadeen iney noorwiiji yihiin, sidaa darteed ayaa waxa xoogeysatey rabitaanka ah iney helaan madaxbannaani.

Dhawr boqol oo sanno midowgii Dhenmarak iyo Norwey kadib qoraalka luqada Noorwijigu waxey ahayd luqada Dhaynishka. Luqada qoraalka ah ee maanta loo yaqaano bokmål ayaa ah mid taas ka soo jeeda oo la horumariyay.

Waqtigaas qaranimo jacaylku (nasjonaromantikken) ayaa dad badani waxey rabeen in luqada Noorwiigu noqoto afnoorwijiiji oo aaney ka iman Dhaynishka. Luqad baadhaha loo yaqaan Ivar Aasen ayaa sidaa darteed safar ku soo marey dalka oo dhan waxaanuu soo ururiyey tusaalooyin ah lahjadaha dalka oo kala duwan, lahjadahaas ayuu ka sameeyey luqada Noorwiijiga ah ee qoran ee loo yaqaano noorwiiga cusub (nynorsk).

Labada luqadood ee nynorsk iyo bokmål-ka waxey wax badan kobceen ilaa sannadadii 1800kii, laakiin weli Norwey waxey leedahey laba nooc oo luqadood, iyo weliba Samisk iyo Kvensk.

Warshadeyntii Noorweey

Fabrikkarbeidere 1880, (Oslo Museum, fotograf: Per Adolf Thorén) Bartamihii 1800 kolkeey taariikhdu aheyd waxeey ku noolaayeen 70 boqolkiiba dadkii ku noolaa Noorweey miyiga. Waxeey ka shaqeyn jireen inta badan beeraha iyo kaluumeysiga. Noloshu weey adkeyd. Tirada dadka weey kordheen, kuligoodna meey wadahelid dhulbeereed ku filan iyo shaqo. Islamar ahaantiina waxaa ka dhacey isbadal magaalooyinkii. Dhowr warshadood ayaa laga bilaabey, dadbaddanina waxeey ka soo guureen miyigii siyeey shaqo u helaan. Noloshii magaaladu waxeey aheyd mid ku adag qoysasbadan oo shaqaale ah. Saacadaha shaqadu weey dheeraayeen,wadanoolaanshahuna wuu xumaa. Qoysaskuna int abadan waxeey lahaayeen caruur farabadan, waxeeyna aheyd mid caado u ah in qoysas badani ku noolaadaan guri yar. Caruur badanina waxaa waajib ku aheyd ineey ka shaqeeyaan warshadaha siyeey qooysasku u helaan dhaqaale ku filan. Dadbadan ayaa isku dayey ineey u nasiibraadsadaan dibada, sannadadii u dhaxeeyey 1850kii iyo 1920kiiba u guurtey inka badan 800 000 noorwiijiyaan ah Mareykanka.

Wadan xur ah oo kooni isku taagay

1905 waxaa kale go`ay Norway iyo Iswiidhan. Ka dib markii in muddo ah kale fikrad duwanaayeen baarlamaanka Norway iyo Boqorka iswiidhan, bilwgii qarnigii 1900 dad badan oo Norwigi ah waxay qabeen in Norway kooni u istaagto oo ay ka baxaan midowga Iswidan. 7. Juun 1905 wuxuu baalamaanka Norway soo saaray wareegtu uu ku sheegayo in Boqorka Iswidan uusan xukumin Norway, ayna ku kala go`ayaan midowkii Norway iyo Iswidan. Iswidan arintaa aad iyo aad ayay ugasoo horjeesatay, waxayna lab ada wadan qarka u saarnaayeen inuu dagaal dhexmaro. Labo codbixin oo dadka norwiijga laga qaaday isla sanadkaa ayey dadku u codeeyeen in Norway ka go`ayso Iswidan, halkaana uu ku dhamaanayo midowkii Iswidan iyo Norway, Norwayna ay noqonayso wadan gooni isu taago oo boqortooyo noqon doono. Waxaana la doortey wiilka boqorka Danmarka Carl inuu noqdo Boqorka Norway. Wuxuuna bedalay magaciisii si uu u qaato magac Norwiiji ah, Haakon. Boqorkii Haakon 7. Wuxuu boqorka Norway ahaa 1905 ilaa dhimashadiisii 1957.

Bartamahii iyo biloowgii qarnigii 1900

Vannkraftverk Dhamaadkii 1800 waxaa biloowmey Noorweey in la isticmaalo awooda biyaha si looga dhaliyo koronto, iyadoo taa laga faa’ideysanayo waxaa biloowmey shirkado cusub. Baahidii shaqaale waa korartey, magaaladiina waxeey bilowdey ineey sii fido. Waxaa jirey sharciyo ilaalinayo in tamarka awooda biyaha laga dhiso meelo qaas ah, halka illaha tamartabiyahaa aheyd mid baaqi ku ah gacanta dowlada.

Sanadihii 1914kii – 1918kii, xiligii dagaalkii koowaad ee dunida ka socdey Yurub. Noorweey kuma firfircooneyd dagaalkaa, laakiin xaga dhaqaalaha waa laga garan karey oo saameyn buu ku yeeshey. Sanadihii 1930 maadkii waxaa aafeeyey dhaqaalo xumo Yurub iyo Waqooyiga -Ameerikaba. Dad badan ayaa waayey shaqadoodii iyo guryahoodiiba. Halkeey xaalada Noorweey eysan saa u xumeyn sida meelaha kale ee dunida. Waqtiga aan ka hadleynana waa “ Waa waqtigii adkaa ee 1930”.yihii—

Dagaalkii labaad ee aduunka 1939/1940‒1945

Stortinget med tysk banner 1940-45, (Oslo Museum, ukjent fotograf) Dagaalkii labaad ee aduunku wuxuu bilowday sebteembar 1939 markii Jarmalku ku duuleen Polan. Norway wuxuu jarmalku ku soo duulay oo uu qabsaday 9. abriil 1940.

Dhawr todobaad ayuu socdey dagaalkii lagu qabsadey Norwey. Boqorka iyo dawladu waxey u carareen Ingiriiska waxaaney dagaalka ka sii wadeen halkaas si Norwey loo xoreeyo. Norwey markaas waxa xukumayey dawlad Jarmalka la saaxiib ah oo aan si dimuquraadi ah loo soo dooran, dawlada waxa hogaaminaayey Vidkum Quisling. Inkastoo aysan jirin dagaal si toos uga socday Norway, hadana waxaa jiray jabhado ka soo horjeeday xukuumadda oo soo saari jiray wargeesyo sharci daro ah, mararka qaarkeedna weeraro ku qaadi jiray xarumaha dawladda. Dad badan oo raacsanaa mucaarkaas, ayaa dalka ka cararey. Ilaa 50 000 oo Noorwiiji ah ayaa u cararey Iswiidhan mudadii dagaalkii labaad ee dunidu socdey. Kadib goobo badan ayaa Jarmalka lagaga adkaadey oo bishii Mey1945 ayuu is dhiibey. Ku dhawaad 9500 oo Noorwiiji ah ayaa dagaalkaas dartii u dhintey.

Wadan casri ah

En oljeplattform
Dagaalkii ka dib wadanku wuxuu u baahday in dib loo dhiso. Maciishad la`aan ayaa jirtay, dadku guryo ay degaan ma haysan, wada shaqeyn iyo iska wax uqabso ayay dadku ku dhaqaaqeen si wadanka deg deg loogu dhiso. Dawladdu waxay xakameysay dhaqaalaha iyo badeecooyinka wadanka. Ka dib dagaalkii labaad ee aduunka waxaa la aasaasay Jamciyadda qaramada midoobey. Ujeedad jamciyadda qaramada midoobey waa inay ka shaqayso nabadgalyada iyo cadaaladda aduunka. Norway waxay aheyd dawladdihii ugu horeysay oo ka mid noqota ururkan bishii Noveembar 1945. Dawladda Mareykanku waxay u fidisay kaalmo dhaqaalo wadamada yurub dagaalkii labaad ee aduunka ka dib. Kaalmadaan waxaa loo yaqaan Qorshihii Marshal, waxaana wadamada kaalmadan qaadanayey lagu xiray sharuudo kala gedisan. Norway waxay heshay lacag lagu qiyaasay sedex billyan oo doolar 1949 Norway iyo kow iyo toban wadan oo kale waxay saxiixeen heshiiskii atlaantika, kasoo markii dembe dhaliyey ururka midowka melatariga ee wadamada reer galbeedka (Nato) Xiriirka wanaagsan ee wadamada yurubta galbeed iyo Mareykanka waa mid ilaa hadda jira.

Sanadihii 1950 iyo 1960 kii dhaqaalaha wadanka Norway wuu wanaagsanaa, dawladdu waxay samaysay dib u haybeyn kaasoo dadweynaha siinayay nolol wanaagsan. Sanadihii 1960 kii sharikado badan ayaa doonayey inay badda Norway ka baaraan shidaal iyo gaas. Sidii 1950 kii dawladdu uga mas`uul aheyd qayraadka biyaha ee korantada laga dhaliyo, ayaa qeyraadka shidaalkana dawladdu mas`uulka noqotay. Laakiin shirikadaha aan dawliga aheyn waxaa loo ogolaaday inay iibsadan ogolaanshaha inay baaraan shidaalka, ayna ka soo saaraan meelo iyo waqti loo cayimay. 1969 ayaa markii ugu horeysay shidaal laga helay badda Norway, laga bilaabo waqtigaa Norway waxay noqotay wadan shidaal. Wadanka Norway waa wadanka shidaal dhoofis badan aduunka, dhaqaalahaa shidaalkuna waa qeybta ugu muhiimsan dhaqaalaha wadanka.

Sidoo kale kacdoonkii dadweynahu wuxuu qeyb ka ahaa horumarka wadanka. Gaar ahaan dhaqdhaqaaqii ururka shaqaalaha iyo ururada haweenka oo qayb muhiim ah ka soo qaatey. Dhaqdhaqaaqa ururka shaqaalaha Norway wuxuu kasoo bilaabmey sanadihii 1600 kii laakiin wuxuu si wanaagsan isku habeeyeen sanadihii 1880 kii waqtigaa oo ay jireen shaqaale badan oo ka shaqeyn jiray warshadaha. Sanadihii 1920 kii waxay qayb weyn ka ahaayeen isbadaladii dhacayey markaa. Ururka shaqaaluhu wuxuu u soo halgamay sidii shaqaalaha noloshooda kor loogu qaadi lahaa, waxaana ka mid ah saacadaha qofku shaqaynayo in la yareeyo, in la sugo nabadgalyadooda goobaha ay ka shaqeynayaan, in ay helaan caymis dhaqaalo markii ay xanuunsadaan, xaq inay u helaan lacag markii ay shaqo ka dhamaato.

Ururka dhaqdhaqaaqa dumarka wuxuu u soo halgamey xuquuqda dumarka, sinaanta ragga iyo dumarka, ragga iyo dumarku inay fursad isku mid ah helaan, xaq inay dumarku u helaan ineey wax furaan, inay ilmaha iska xiri karaan, inay ilmaha iska soo xaaqi karaan iyo in dumarku ay xaq u Leeyihiin go`aanka jirkooda, taasi waxay ka mid ahaayeen waxyaalaha ururka dumarka muhiim u ah. Hadda waa loo wada siman yahay waxbarashada iyo shaqada, lahaanshaha iyo dhaxalka, daaweynta iyo daryeelka caafimaadka.

 

Wax sax ah

Maanta Noorweey

Maanta Noorweey waa wadan heysta demoqraadiyad casri ah iyo daryeel sare. In badan oo dadka ku nool Nooweey waxeey heystaan dhaqaalo wanaagsan, iyadoo dadka ku noolina inta badan heerkooda aqooneedi sareeyso. Ragga iyo haweenkuba weykaqeybqaataan nolosha shaqo. Bulshaduna waxeey u hogaansan yihiin sharciyo kala qiimeyn mudanoo kale gadisan iyo balamo, kuwaasoo hubinayo in dadka degaanka degani helaan waxbarasho, daryeelcaafimaad, iyo kaalmo dhaqaale haddeey muteystaan.
Tobankii sano ee la soo dhaafey waxaa dhacay horumar degdeg ah oo xaga tiknoolajiyada ah iyo xaga kumbuyuutarkaba. Taasina waxeey qiimo weyn ugu fadhisey bulshada Noorweey. Waxeey u abuurtey goobo shaqo, waajibaadka shaqo oo isbadashey. Iyo waliba nolosha qaas ka ah ee shaqsiga laga bilaabo ilaa inta badan dadka oo isbadashey.
Tobankii sano ee la soo dhaafey Noorweey waxey noqotey bulsho leh dadbadan oo dabci ahaan, dhaqan ahaan iyo jinsi ahaanba kala duwan.

 

Ka shaqey layliska