Suuqa shaqada ee Norway
Filinka daawo
Suuqa shaqada ee Norway
Boqol iyo konton sano ka hor beerfalashada, dhirbeerashada iyo kalluumaysiga ayaa ahaa ganacsiga Norway ugu muhiimsan. Wax badan ayaa is beddelay intii wakhtigaas ka danbeeyay. Dabayaaqadii qarnigii 19-aad waxaa la dhisay warshado, dad badan ayaana intay magaalooyinka u guureen ayay billaabeen in ay warshadaha ka shaqeeyaan. Qaybtii hore ee qarnigii 20-aad waxaa abuurmay shaqooyin badan oo warshadaha laga shaqaynayo. Dad badan oo norwiiji ah ayaa islamarkaana aaday dalka Maraykanka oo halkaas degay.
1950-kii dadka boqolkiiba labaatan in ka badan ayaa beeraha ka shaqayn jiray. Maanta waxaa beeraha ka shaqeeya in ka yar boqolkiiba saddex. Islamarkaana waxsoosaarka beeraha ee Norway wuu ka badan yahay intii hore. Taas waxaa inta badan keenay in beeralaydu maanta haystaan makiinado fiican oo u fududeeyo waxsoosaarka beeraha.
Kaddib markii dabayaaqadii 1960-kii saliidda laga helay Badda waqooyiga, waxsoosaarka saliidda- iyo gaaska ayaa qayb muhiim ah ka noqday warshadaha Norway. Saliidda iyo gaaska ayaa aad muhiim ugu ahaa dhaqaalaha norwiijiga. Welina muhiim ayay u ahaanayaan Norway, in kasta oo xoogga la saari doono in loo wareego goobo shaqo oo «cagaaran», dhibaatooyinka bey'adda awgeed.
Soddonkii sano ee u danbeeyay ayay haddana mar kale isbeddello waaweyn ka dheceen suuqa shaqada ee Norway. Waxaa aad u yaraaday tirada dadka warshadaha ka shaqeeya. Maanta shaqooyinka ugu badan waxaa laga helaa xirfadaha adeegga. Taas oo micnaheedu yahay in qofka maanta doonaya in uu Norway ka shaqeeyo waxay u badan tahay in uu tusaale ahaan shaqo ka helo dukaan, laamaha caafimaadka, iskool, xannaano carruur ama gaadiidka dadka qaada. Qaar badan ayaa iyaguna shaqo ka heli kara xirfadaha teknoolajiyadda kombiyuutarrada ee cusub.
Wada hadla
- Muxuu noo sheegayaa tabbeelluhu?
- Ganacsiyada kala duwan sidee ayay u kala badan yihiin dalalka aad taqaanno?
- Xirfaddee ayay u badan tahay in aad shaqo ku heli karto?
Dooro jawaabta saxda ah
Goorma ayay wax soosaarka saliidda- iyo gaasku qayb muhiim ah ka noqdeen warshadaha norwiijiga?
Dooro jawaabta saxda ah
Norway xaggee ayaa hadda laga helaa shaqooyinka ugu badan?
Dooro jawaabta saxda ah
Ganacsigee Norway ugu muhiimsanaa 150 sano ka hor?
Dooro sax ama khalad
Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?
Dooro sax ama khalad
Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?
Dooro sawirka saxda ah.
Maanta shaqooyinka ugu badan waxaa laga helaa xirfadaha adeegga. Sawirkee tusaya xirfadaha adeegga? Jawaabo badan ayaa sax noqon kara.