Caafimaadka ilkaha
Filinka daawo
Caafimaadka ilkaha
- Adeegga caafimaadka ilkaha ee dadweynaha ayaa carruurta iyo dhallinyarada si joogto ah ugu yeera koontaroolka ilkaha ilaa ay ka buuxinayaan 19 sano. Dawladda ayaa bixisa kharashkaas daaweynta ilkaha.
- Dhalinyarada gaartay da'da qaangaarka ayaa bixiya 25 boqolkiiba kharashka daaweynta ilkaha ee adeegga dadweynaha, halka dowladdu ay bixiso 75 boqolkiiba.
- Dadka intaas ka weyn ayagaa iska bixiya lacagta daaweynta ilkaha oo dhan.
- Dadka waaweyn ayagaa raadsada dhakhtar ilko oo gaar ah. Sida caadiga ah sanadkiiba mar ayaa dhakhtarka ilkaha koontarool loogu tagaa.
- Haddii uu ilmo ama qof dhallinyaro ah u baahan yahay in ilkaha loo toostoosiyo, waa in waalidku baxshaa qayb lacagta ka mid ah.
Caafimaadka ilkaha ee carruurta
Waalidka ayaa mas'uul ka ah caafimaadka ilkaha ee carruurta. Sonkortu ilkaha way dhaawacdaa. Sonkor badan ayaana ku jirta cuntada iyo cabbitaanka, sida shukulaatada, buskudka, cabbitaanka, keegga iyo nacnaca. Qof kasta waa inuu maalintii laba jeer cadaydaa, subixii iyo habeenkii. Haddii ilko caanoodku xumaadaan, kuwa cusub ee soo baxana waa xumaan karaan. Waxaa sidaas darteed muhiim ah in carruurta ayagoo yar lagu billaabo in loo cadayo.
Wada hadla
- Ka dooda caafimaadka ilkaha ee wanaagsan.
- Marar intee le'eg ayaad u aragtaa inay muhiim tahay in loo tago dhakhtarka ilkaha?
- Ka dooda xiriirka ka dhexeeya cuntada iyo caafimaadka ilkaha.
- Sidee ayaad u aragtaan in dawladdu bixiso kharashka daaweynta ilkaha ee carruurta, laakiin aysan bixin midka dadka waaweyn?
- Norway carruurta markuu ilig ka dhaco, waxay iligga ku ritaan dhalo biyo ku jiraan. Habeenkii ayaa waxaa u yimaada tannfe oo dhaladii lacag ugu rida. Caadooyin kale oo noocaas ah ma taqaannaa?
Jumladda dhammaystir
Carruurta iyo dhallinyarada si joogto ah ayaa loogu yeeraa koontaroolka ilkaha ilaa ay ka noqonayaan ...
Dooro jawaabta saxda ah
Immisa jeer ayaa loo baahan yahay in ilkaha la cadaydo?
Dooro jawaabta saxda ah
Yaa bixiya kharashka adeegyada ilkaha?
Dooro jawaabta saxda ah
Meeqo ayay ku bixiyaan dhalinyarada gaartay da'da qaangaarka adeegyada ilkaha?
Dooro sax ama khalad
Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?