Guur iyo qoys
Filinka daawo
Guur iyo qoys
Guur iyo qoys
- Boqolkiiba soddon lammaanaha wada nool, isma qabaan. Boqolkiiba toddobaatan lammaanaha wada nool ayaa is qaba.
- Celceliska da'da marka ugu horreyso ee ay ragga iyo dumarku ku guursadaan waa inta u dhexaysa soddon iyo afartan sano.
- Sanad walba waxaa Norway ku dhasha in wax yar ka badan konton kun oo ilmood.
- Dumarka Norway waxay celcelis ahaan middiiba dhashaa qiyaastii 1,4 carruur ah. (2023).
Xigasho: SSB
Noocyo kala duwan oo qoysas ah
Dadka badankoodu qoys ayay ka tirsan yihiin. Qaar baa la nool xubnaha kale ee qoyska, meesha qaar kale keligood nool yihiin. Xataa kuwa keligood nool, inta badan qoys ayay leeyihiin. Laakiin waxaa laga yaabaa in qoysku deggan yahay guri kale, magaalo kale ama waddan kale.
Qoys waxaa laga wadaa dad isku guri deggan oo dhaqaaluhu isugu jiro. Qoysku wuxuu ka koobnaan karaa hal ama dad hal ka badan. Maanta Norway qoyskii waxaa ku nool in wax yar ka badan laba qof.
Halkan waxaad ku arkaysaa tusaalaha qoysaska Norway:
Guur
Sanad walba Norway waxaa is guursada qiyaastii labaatan kun oo qof. Qofka guursanaya waa in uu ka weynaadaa 18 sano, oo guurku ahaadaa mid uu ikhtiyaarkiisa ku galay. Laga soo billaabo 2009 labada isku jinsiga ah Norway xaq ayay u lahaayeen in ay is guursadaan. Labada qof marka ay is qabaan, waxaa saaran waajib ah in ay is masruufaan. Labada is qaba ee amaah qaata, labadooduba mas'uul ayay ka yihiin amaahdaas. Wixii ay soo gataanna way wada leeyihiin. Xeerarku waa sidaas xataa haddii uu mid keliya guriga dibeddiisa ka shaqeeyo. Waalidka ilmo ku dhashay Norway laga billaabo 1-da jannaayo 2020-ka sida guud way wadaagaan mas'uulliyadda waalidnimo. Waana sidaas waalidka is qaba, kuwa wada nool iyo kuwa aan wada noolayn intaba.
Qiyaastii boqolkiiba afartan dadka is guursada, waxay u badan tahay in ay kala tegi doonaan. Ragga iyo dumarka labaduba furriinka way dalban karaan. Xeerka guud waa in ay hal sano gooni u kala degganaayeen ka hor inta aysan furriin codsan. Haddii guurku ahaa mid khasab ku yimid ama gacanqaad guurka ka dhacay, markaas islamarkiiba waa la kala furi karaa.
Qiyaastii boqolkiiba toddobaatan iyo shan dhammaan carruuruhu waxay la nool yihiin aabbe iyo hooyo. Marka furriin dhaco aabbe iyo hooyo waxaa waajib ku ah xaqna ay u leeyihiin daryeelka ilmaha.
Dad badan ayaa doorta in ay muddo isla noolaadaan ayaga oo aan is qabin. Lammaanaha wada nool ee aan is qaban xaq iyo waajibaad dhaqaale ama mid sharciyan ah iskama saaarna. Sidaas darteed ayay qaar badan qareen ugu tagaan oo u kala qortaan heshiis ku saabsan dhaxalka iyo sidii hantida loo kala qaybsan lahaa haddii la kala tago.
Wada hadla
- Waa maxay qoys?
- Ka wada hadla noocyada kala duwan ee loo wada noolaado.
- Ka wada hadla inta qof ee ay ka kooban yihiin qoysaska Norway iyo kuwa waddankaagi. Maxay taasi ka sheegaysaa bulshooyinka kala duwan? Cawaaqib sidee ah ayayse u keenaysaa nolosha dadka xag bulsho iyo xag dhaqaale?
- Ka dooda sida ugu fiican ee ay waalid is furay carruurtooda u korsan karaan.
- Ka wada hadla sababta ay dad badan u doortaan in ay ahaadaan lammaane wada nool beddelka in ay is guursadaan.
Anna iyo Morten waa is qabaan, waxayna leeyihiin laba carruur ah oo yaryar. Carruurtu waxay dhigtaan xannaano carruur, Anna iyo Morten labaduba shaqo buuxda ayay shaqeeyaan. Mar dhow ayay guri ka iibsadeen Anna waalidkeed agtooda. Gurigu waa qaali, oo amaah badan ayaa bangigu ku leeyahay. Waxaa kale oo ay labaduba qabaan amaah waxbarasho iyo mid gaari. Labaduba waa daallan yihiin. Waxay inta badan ku murmaan kooda shaqada guriga qabanaya, iyo sidii ay lacagta isu gaarsiin lahaayeen. Mar ay aad u murmeen ayay Anna la soo boodday: «Intaan ka badan uma dulqaadan karo. Furriin baan rabaa!»
- Ka wada hadla xaaladda Anna iyo Morten. Maxay samayn karaan si nolol maalmeedkoodu saan uga fududaado?
- Cawaaqib sidee ah ayay qoyska u keenaysaa haddii ay Anna iyo Morten doortaan in ay kala tagaan?
Dooro jawaabta saxda ah
Maxaa loola jeedaa qoys/guri?
Dooro jawaabta saxda ah
Celcelis ahaan meeqa qof ayaa ku nool guryaha norwiijiga?
Dooro jawaabta saxda ah
Mas'uuliyadda waalidnimo yaa la siiyaa marka ay dad is qaba carruur u dhashaan?
Dooro sax ama khalad
Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?
Dooro sax ama khalad
Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?