Xuquuqda carruurta iyo dhallinyarada
Xuquuqda carruurta iyo dhallinyarada
Xuquuqda carruurta iyo dhallinyarada
Norway waxaa ka jira xeer la yiraahdo xeerka carruurta. Wuxuu khuseeyaa carruurta iyo dhallinyarada ka yar 18 sano, wuxuuna wax badan ka sheegayaa waajibka waalidka ka saaran carruurta iyo xuquuqda ay carruurtu waalidka ku leeyihiin.
Waxaad halkaan ku arkaysaa qodobbo muhiim ah oo ku jira xeerka carruurta:
- Marka uu ilmo dhasho waxaa farriin loo diraa Diiwaanka Dadweynaha. Waxaa la diiwaangeliyaa aabbaha iyo hooyada ilmaha, iyo in waalidku wada nool yihiin.
- Sida caadiga ah waalidka ayaga ayay mas'uuliyadda guud ilmaha ka saaran tahay, oo ilmuhu wuxuu xaq u leeyahay in waalidku daryeelaan oo ka fikiraan.
- Waalidku waa in ay ilmaha siiyaan cunto, dhar iyo waxyaalaha kale ee lagama maarmaanka ah si ay nolol fiican ugu noolaadaan ilaa ay ka gaarayaan 18 sano.
- Waxaa waalidka waajib ku ah in ay ilmaha si fiican u barbaariyaan, waana inay had iyo jeer ka fikiraan baahida iyo danta ilmaha. Xeerka carruurta ayaa mamnuucaya in gacanqaad wax lagu barbaariyo.
- Waalidku waa inay hubiyaan in carruurtu ka qaybqaataan waxbarashada dugsiga hoose/dhexe ee khasabka ah, waxaa sidoo kale laga rabaa inay hubiyaan in carruurtu helaan waxbarasho u dhiganta kartidooda iyo xiisahooda.
- Carruurtu waxay xaq u leeyihiin inay labada waalid ba wakhti isla joogaan, xataa haddii waalidku kala deggan yihiin.
- Waalidka waxaa waajib ku ah xaqna ay u leeyihiin in ay gaaraan go'aammada ilmaha marka uusan ilmuhu go'aan gaari karin. Marka uu ilmuhu sii weynaadaba waa in waalidku tixgelin sii kordhaysa siiyaa sida uu ilmuhu rabo. Ilmaha toddobo sano jirka ah, wuxuu xaq u leeyahay in uu fikraddiisa dhiibto ka hor intaysan waalidku gaarin go'aammada xaaladda qofeed ee ilmaha. Xeerku wuxuu dhigayaa in marka ilmuhu buuxsho 12 sano, in tixgelin weyn la siiyo sida ilmuhu doonayo.
- Ilmaha buuxshay 15 sano, wuxuu xaq u leeyahay in uu gaaro go'aammada waxbarashada iyo in uu urur ku biiri karo oo ka bixi karo.
- Da'da qaangaarka Norway waa 18 sano. Taas oo la mid ah in qofku markaas gaaray da' uu ku geli karo heshiisyo sharci ah, lacagtiisa mas'uul ka yahay. Waalidka mas'uuliyad kama saarna.
Wada hadla
- Ka wada hadla sawirrada. Maxaa sawirrada ka khuseeya xeerka carruurta?
- Waddammada kale ee aad taqaanno carruurtu ma leeyihiin xeer difaaca?
- Micne sidee ah ayay waalidka u leedahay in uu jiro xeer carruur?
- Sidee ayuu ilmo ku heli karaa nolol wanaagsan?
- Kaalin noocee ah ayaa waalidka looga baahan yahay marka ilmo 15 sano jiro uu dooranayo waxbarashada dugsiga sare?
- Qodobbada xeerka carruurta kee baad u malaynaysaa in uu ugu muhiimsan yahay?
Dooro jawaabta saxda ah
Xeerka carruurtu yuu khuseeyaa?
Dooro jawaabta saxda ah
Xeerka carruurtu muxuu ka sheegayaa gacanqaadka barbaarinta?
Dooro jawaabta saxda ah
Yaa mas'uul ka ah inay hubiyaan in carruurtu dhigtaan dugsiga hoose/dhexe?
Dooro sax ama khalad
Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?
Dooro sax ama khalad
Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?