Siyaalaha shaqo lagu helo
Siyaalaha shaqo lagu helo
Fursado badan ayaad leedahay Norway marka aad shaqo raadinayso:
- isticmaal xiriirradaada
- internett: nav.no iyo finn.no
- shirkadaha dadka shaqada geeya
Shaqabixiyayaal badan ayaa muhiim u arka in tixraac la haysto. Shaqabixiyihii hore ayay weydiiyaan sida qofku shaqadii hore ku ahaa. Qof hadda ka hor madax kuu ahaan jirey ama aad isku meel ka shaqayn jirteen ayaa tixraac fiican kuu noqon kara.
Way adkaan kartaa in la helo shaqada koowaad ee Norway maaddaama aan la haysan tixraac, xiriirro badanna aan la lahayn. Waxaa sidaas darteed wanaagsanaan karta in goob shaqo tababbar lagu qaato in muddo ah, in koorso la qaato ama wax la mid ah la sameeyo. Tababbarka shaqada iyo shaqooyin yaryar oo kala duwan ayaa xiriirro lagu baran karaaa oo tixtaac lagu heli karaa.
Waxaa la sheegaa inta u dhexaysa boqolkiiba lixdan ilaa siddeetan shaqooyinka Norway in aan la faafinnin, ee xiriirrada laysugu gudbiyo. Xiriirkannagu wuxuu noqon karaa qoyska, qaraabada, saaxiibbada, macruufada, dadka aan isku meel ka shaqayno, deriska, macallimiinta iyo kiis-haya-yaasha.
Wada hadla
- Dalkaagi sidee ayaa caadiyan shaqo lagu helaa?
- Ka sheekaysta habab kala duwan oo Norway shaqo lagu helo.
- Yay ahaayeen dadka aad xiriirka la lahayd ka hor intaadan Norway imaan? Hadda yaad xiriir la leedahay?
- Xiriirro badan ma u baahan tahay marka aad Norway joogto? Sidee ayaad ku helaysaa?
Dooro jawaabta saxda ah
Tixraac maxaa loola jeedaa?
Dooro jawaabta saxda ah
Waa maxay xiriirro?
Dooro jawaabta saxda ah
Norway caadi miyaa in la faafiyo jagooyinka bannaan?
Dooro jawaabta saxda ah
Sheeg bogagga internetka ee caadiyan la galo marka shaqo la raadsanayo?
Dooro sax ama khalad
Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?