Guurka khasabka ah

Lærerinnhold

Tips til undervisningen

Snakk sammen

Grensene mellom de tre typene ekteskap er flytende. Press og forventninger til å gifte seg (av og til med en spesiell kandidat) fra omgivelsene varierer fra kultur til kultur og fra familie og familie.

Grensen mellom arrangert ekteskap og tvangsekteskap kan være ekstra vanskelig å trekke. Når blir forventing til press? Når blir press til tvang?

Mina

Diskusjonen her kan være ulik avhengig av deltakernes bakgrunn og kultur. Er dette en kjent situasjon for dem? Nyankomne kan kanskje reflektere rundt endringer i familien/barneoppdragelsen/barnas liv med bakgrunn i foreldrenes avgjørelse om å migrere. Foreldre flest vil det aller beste for barna sine. Men noen ganger kan hva foreldrene mener er det beste og hva barna mener er det beste komme på kollisjonskurs.

Tips til undervisninga

Snakk saman

Grensene mellom dei tre typane ekteskap er flytande. Press og forventningar frå omgjevnadene om å gifte seg (av og til med ein spesiell kandidat) varierer frå kultur til kultur og frå familie til familie.

Særleg kan det vere vanskeleg å skilje mellom arrangert ekteskap og tvangsekteskap. Når blir forventningar til press? Når blir press til tvang?

Mina

Her kan diskusjonen variere med deltakarane sin bakgrunn og kultur. Er dette ein kjend situasjon for dei? Folk som nyleg er komne til landet, kan kanskje reflektere rundt endringar i familien/barneoppsedinga/livet til barna på bakgrunn av foreldra si avgjerd om å migrere. Dei fleste foreldre vil berre det beste for barna sine. Men nokre gonger har barn og foreldre ulike syn på kva som er det beste.

Læreplan

Grunnleggende ferdigheter

Digitale ferdigheter
Muntlige ferdigheter

Tverrfaglige tema

Folkehelse og livsmestring

Læreplan i samfunnskunnskap for voksne innvandrere etter integreringsloven

samtale om hva negativ sosial kontroll, vold i nære relasjoner, tvangsekteskap og kjønnslemlestelse er, om juridiske og personlige konsekvenser av dette, og om aktuelle hjelpetilbud

Kjerneelement

Individ og fellesskap

Læringsaktivitet

Muntlig aktivitet

Guurka khasabka ah

Xeerka guurka:

  • Dhammaan dadka ka weyn 18 sano, ee aan xaas/say lahayn, si sharci ahna ku jooga Norway waddanka way ku guursan karaan.
  • Guur kasta waa inuu ahaadaa mid si xor ah loo galay. Ragga iyo dumarku xaq isku mid ah ayay u leeyihiin inay si xor ah u doortaan cidda ay guursanayaan. Xeerka ciqaabtu wuxuu caddaynayaa qofka guur ku khasba qof kale asagoo isticmaalaya gacanqaad, xorriyad-ka-qaadis, cadaadis ama hanjabaad in lagu ciqaabi karo xabsi gaaraya ilaa iyo lix bilood. Ka-qaybqaadashadana isla sidaas ayaa loo ciqaabayaa.
  • Laba qof oo kala jinsi ah ama isku jinsi ah waa is guursan karaan.

Helidda qof la guursado

Guurka jacaylka: Labada is guursanaya ayagaa is baranaya oo go'aansanaya inay is guursadaan.

Guurka laysku daro: Waalidka ama qoyska ayaa kaalin weyn ka ciyaara sidii carruurta loogu guurin lahaa. Carruurtuna waxay aqbalaan waxa waalidku u doortaan.

Guurka khasabka ah: Waalidka ayaa carruurtooda u soo hela qof ay guursadaan markaasay ku cadaadiyaan inay qofkaas guursadaan. Norway waa mamnuuc in qof guur lagu khasbo. Qofka guur ku khasba ama ku cadaadiya qof kale, waxaa lagu ciqaabi karaa ilaa iyo lix bilood oo xabsi ah. Guurka khasabka lagu galay ma aha mid sharci ah sida ay dhigayaan sharciyada Norway. Qofkii guurka lagu khasbay ama lagu cadaadiyay wuxuu sidaas darteed tegi karaa maxkamadaha Norway oo guurkii baabbi'in karaa. Taasi waa inay dhacdaa ugu danbayn shan sano kaddib markii guurku dhacay.

Wada hadla

  • Xadad si cad u muuqda miyaa u dhexeeya saddexdaas nooc ee guurka ah?
  • Sida khasabka loo qeexo in lagu kala duwan yahay ma laga yaabaa?

Mina waa 18 sano jir. Ayada oo waalidkeed la socota ayay Norway timid markii ay 10 sano jirtay. Hadda ayay dhammaysay dugsigii sare, waxayna ku faraxsan tahay in ay waxbarasho sare billowdo. Waxay codsatay inay injineernimo barato oo si xiise leh u sugaysaa inay boos hesho iyo in kale.

Way jeceshahay mustaqbalka inay guursato oo carruur dhasho. Dabcan ayadaa go'aansan doonta goorta ay guursanayso iyo qofka ay guursanayso labadaba. Laakiin hadda waalidkeed ayaa billaabay inay guur aad uga hadlaan. Waxay ka hadlayaan qof qaraabo ah oo dalkii jooga oo Mina aad ugu fiican. Mina habeenki hurdo fiican ma seexato. Way ixtiraamaysaa sida waalidku doonayaan, laakiin waxay sidoo kale doonaysaa inay ayadu gaarto go'aammada nolosheeda.

  • Ka dooda xaaladda Mina.
  • Sidee ayay waalidkeed u fikirayaan?
  • Waa maxay xalka qoyskaan ugu fiican?
GettyImages

Dooro jawaabta saxda ah

Norway goorma ayuu qofku guursan karaa?

Dooro jawaabta saxda ah

Yaa is guursan kara?

Dooro jawaabta saxda ah

Guurkee lagu yaqaannaa in qoysku kaalin muhiim ah ka ciyaaro sidii ay ilmahooda ugu guurin lahaayeen?

Dooro sax ama khalad

Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?

Guur walba waa in si ikhtiyaari ah loo doortaa.
Qofkii qof guur ku khasba ama ugu hanjaba, waxaa lagu xukumi karaa lix sano oo xabsi ah.
Guurka khasabka ah waa markay waalidka ama qoysku kaalin muhiim ah ka ciyaaraan sidii ay carruurtooda ugu guurin lahaayeen.
Norway waa la oggol yahay guurka khasabka ah.
Guurka jacaylku waa markay labada is guursanaya is bartaan oo go'aansadaan inay is guursadaan.

Dooro jawaabta saxda ah