Doorashada iyo xisbiyada siyaasadda

Lærerinnhold

Tips til undervisningen

Gå inn på hjemmesidene til noen av de største politiske partiene og les om hva de står for. Læreren bør også ha oversikt over og formidle de politiske forholdene lokalt i kommunen der deltakerne bor.

Da norske kvinner fikk stemmerett i 1913, var det som et av de første landene i verden. Sammenlikn gjerne med land deltakerne kjenner til.

Diskusjonsspørsmål, om aktuelt: Vil det at kvinner også har stemmerett gjøre noen forskjell på resultatene av politiske valg, tror dere?

Tips til undervisninga

Gå inn på heimesidene til nokre av dei største politiske partia og les om kva dei står for. Læraren bør òg ha oversikt over og formidle dei lokale politiske tilhøva i kommunen der deltakarane bur.

Noreg var eit av dei første landa i verda der kvinner fekk stemmerett. Det hende i 1913. Samanlikn gjerne med andre land som deltakarane kjenner til.

Diskusjonsspørsmål dersom det er aktuelt: Trur de at det har noko å seie for resultata av politiske val at kvinner òg har stemmerett?

Læreplan

Grunnleggende ferdigheter

Digitale ferdigheter
Muntlige ferdigheter

Tverrfaglige tema

Demokrati og medborgerskap

Læreplan i samfunnskunnskap for voksne innvandrere etter integreringsloven

gi eksempler på hvordan demokratiet i Norge fungerer, knyttet til de tre statsmaktene og prinsippet om maktfordeling, politiske partier og valgordningen

Kjerneelement

Demokratiforståelse og deltakelse

Læringsaktivitet

Muntlig aktivitet
Utforsking

Doorashada iyo xisbiyada siyaasadda

Labadii sanaba mar ayay Norway ka dhacdaa doorasho siyaasadeed. Mar waxaa dhaca doorashada stortinget marna doorashada gudaha (doorashada degmada- iyo golaha deegaanka gobolka).

Xisbiyada siyaasadda ayaa kalfadhigooda ku go'aansada barnaamij. Barnaamijkaas ayay ku qoraan arrimaha ay doonayaan inay wax ka qabtaan afarta sano ee soo socda, waa muddada doorashada soo socota.

Norway doorashadu waa mid qarsoon. Taas oo micnaheedu yahay inaadan u baahnayn inaad dadka u sheegto xisbiga aad u codaynayso. Waxaa inta badan dhacda inay dad isku qoys ah u codeeyaan xisbiyo kala duwan. Waa muhiim in qofku u madaxbannaan yahay xisbiga uu taageerayo.

Xaqa cod-dhiibashada

  • Norway da'da xaqa cod-dhiibashadu waa 18 sano.
  • Si aad u codayso doorashada stortinget waa inaad haysataa dhalashada norwiijiga.
  • Si aad u codayso doorashada degmada- iyo golaha deegaanka gobolka waa inaad Norway ku noolayd saddexdii sano ee u danbeeyay.
  • Ragga norwiijigu waxay xaqa cod-dhiibashada ee guud heleen 1898, meesha ay dumarka norwiijigu xaqa cod-dhiibashada ee guud ka heleen 1913.

Xisbiyada siyaasadeed

Norway waxaa ka dhisan ilaa iyo toddoba xisbi siyaasadeed oo kala duwan. Sidaas darteed marka doorashada la gaaro wuxuu qofku haystaa xisbiyo badan oo uu kala dooran karo.

Xisbiyada ugu waaweyn sida soo socota ayaa guud ahaan loogu kala qaybin karaa kuwo «hantiwadaag ah» iyo kuwo «qunyar socod ah»:

Wada hadla

  • Sidee ayay doorashooyinka siyaasadeed uga dhacaan waddammada aad taqaanno?
  • Muhiim ma u aragtaa in la codeeyo doorashooyinka siyaasadda? Haddii haa, sheeg sababta? / Haddii maya, sheeg sababta?
  • Maxaad ka taqaannaa xisbiyada siyaasadeed ee kala duwan ee Norway?
  • Maxaad samayn kartaa si aad wax intan ka badan uga ogaato xisbiyada siyaasadda iyo waxa ay u taagan yihiin?
  • Sheeg magaca ra'iisulwasaaraha Norway? Xisbigee ayuu/ayay matalaa/matashaa?

Dooro jawaabta saxda ah

Norway marar intee dhan ayaa la qabtaa doorashooyinka siyaasadda?

Dooro jawaabta saxda ah

Maxaa loolaa jeedaa in doorashadu qarsooni tahay Norway?

Dooro jawaabta saxda ah

Waa immisa tirada xisbiyada siyaasadda ee Norway ka jira?

Dooro sax ama khalad

Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?

Ragga norwiijigu waxay xaqa codeynta heleen 1913.
Xisbiyada waxaa loo kala qaybin karaa kuwo «hantiwadaag ah» iyo kuwo «qunyar socod ah»:
Si aad u codeyso doorashada degmada- iyo kuwa golaha deegaanka gobolka waa inaad Norway ku noolayd toddoba sano.
Da'da xaqa codeynta ee Norway waa 16 sano.
Si aad doorashada Stortinget codkaaga uga dhiibato waa inaad haysataa dhalashada norwiijiga.

Dooro sax ama khalad

Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?

Doorashada stortinget waxay dhacdaa labadii sanaba mar.
Xisbiyada siyaasaddu waxay barnaamijkooda ku ansixiyaan kalfadhiyadooda.
Norway doorashadu qarsoodi ma aha.
Dadka isku qoyska ah waa inay isku xisbi u codeeyaan.
Norway waxaa ka dhisan ilaa iyo labaatan xisbi siyaasadeed.

Riix sawirka

Riix goobada xisbiyada qunyar socodka ah.

choice-image

Riix sawirka

Riix goobada xisbiyada hantiwadaagga ah.

choice-image