Xuquuqda aadanaha

Lærerinnhold

Tips til undervisningen

Læreren må sjekke hvilket forhold deltakerne har til FN og menneskerettigheter.

Hvilke menneskerettigheter kjenner deltakerne til? Om det passer, diskuter deltakernes hjemland og menneskerettigheter.

Tips til undervisninga

Læraren må finne ut kva deltakarane veit og tenkjer om FN og menneskerettane.

Kva for menneskerettar kjenner deltakarane til? Om det passar, diskuter menneskerettar og heimlanda til deltakarane.

Læreplan

Grunnleggende ferdigheter

Digitale ferdigheter
Muntlige ferdigheter

Tverrfaglige tema

Demokrati og medborgerskap

Læreplan i samfunnskunnskap for voksne innvandrere etter integreringsloven

samtale om menneskerettigheter som ytringsfrihet og vern mot diskriminering

Kjerneelement

Demokratiforståelse og deltakelse

Læringsaktivitet

Muntlig aktivitet

Xuquuqda aadanaha

Illustrasjonsfoto.
GettyImages

Xuquuqda aadanuhu waa kuwo uu qof kasta leeyahay. Waa xuquuq aan leennahay maaddaama aan aadane nahay - ma aha kuwa ku yimaada meesha aan adduunka uga nool nahay, diinta aan haysanno ama bulshada aan ka tirsannahay. Waxaan niraahnaa xuquuqda aadanuhu waa caalami.

1948-kii ayaa la go'aamiyay bayaankii xuquuqda aadanaha ee QM. Dhammaan 193-da waddan ee xubnaha ka ahna way aqbaleen bayaanka. Qaybo badan oo ka mid ah bayaanka xuquuqda aadanaha ee QM ayaa lagu daray xeerarka Norway.

Bayaanka xuquuqda aadanuhu wuxuu dhigayaa waxyaalaha ay ka midka yihiin in

  • dadku dhammaan dhasheen ayagoo xor ah, lehna qiime isku mid ah iyo xuquuq aadane
  • dadku dhammaan leeyihiin xuquuq aadane oo isku mid ah ayadoon loo eegayn jinsi, diin, asalka ay ka soo jeedaan, fikraddooda siyaasadeed, qawmiyaddooda iwm.
  • dadka dhammaan xaq u leeyihiin xorriyad iyo ammaan qofeed
  • nooc walba oo jirdil ah mamnuuc yahay
  • dhammaan dadku xaq u leeyihiin ammaan sharciyan ah
  • dadka dhammaan xaq u leeyihiin inay ka qaybqaataan xaaladda siyaasadeed ee waddankooda ayagoo u maraya inay codkooda ku dhiibtaan doorasho xor ah oo aan la ogeyn cidda uu qofku doortay

Wada hadla

  • Ma taqaannaa bayaanka xuquuqda aadanaha ee QM?
  • Ma u malaynaysaa in bayaanka xuquuqda aadanuhu micno u sameeyo xaaladda nolosha ee waddammada adduunka?
  • Waddammada adduunka oo dhan ma raacaan qodobbada bayaanka xuquuqda aadanaha?

Dooro jawaabta saxda ah

Goorma ayaa la go'aamiyay bayaankii xuquuqda aadanaha ee QM?

Dooro jawaabta saxda ah

Xuquuqda aadanuhu yay khuseeyaan?

Dooro jawaabta saxda ah

Waxyaalahan kuwee ayaan ahayn xuquuq aadanuhu leeyahay?

Dooro sax ama khalad

Akhri jumladaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?

Waxaan niraahnaa xuquuqda aadanuhu waa caalami.
Waxaan niraahnaa xuquuqda aadanuhu ma dhammaystirna.
Waxaan niraahnaa xuquuqda aadanuhu waa isku mid.

Dooro sax ama khalad

Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?

1948-kii ayaa la go'aamiyay bayaankii xuquuqda aadanaha ee QM.
Dhammaan dadku waxay leeyihiin xuquuq aadane oo isku mid ah.
Xuquuqda aadanuhu waxay dhigayaan in jirdilku sharci ahaan karo xaaladaha qaarkood.
Qaybo badan oo ka mid ah bayaanka xuquuqda aadanaha ee QM ayaa lagu daray xeerarka Norway.
Xuquuqda aadanuhu waxay dhigayaan in doorashadu ahaato mid furan, oo waa in qofku sheego waxa uu u codeeyay.