Maadinta carruurta

Lærerinnhold

Tips til undervisningen

Det er viktig at barnevernet presenteres som en institusjon som er der for å hjelpe barnet, og at det aller beste er hvis foreldre selv tar kontakt og får hjelp når de ser at de trenger det.

I tillegg til barnevernet har vi også familievernkontorer som jobber for å støtte og hjelpe familier.

Tips til undervisninga

Det er viktig at barnevernet blir framstilt som ein institusjon som er der for å hjelpe barnet, og at det kjem fram at det er best om foreldre sjølve tek kontakt og får hjelp dersom dei ser at dei treng det.

I tillegg til barnevernet finst det òg familievernkontor som jobbar for å støtte og hjelpe familiar.

Læreplan

Grunnleggende ferdigheter

Muntlige ferdigheter
Digitale ferdigheter

Tverrfaglige tema

Folkehelse og livsmestring

Læreplan i samfunnskunnskap for voksne innvandrere etter integreringsloven

gi eksempler på hvordan offentlige etater, som for eksempel barnehage, skole og barnevern, kan støtte familier

Kjerneelement

Individ og fellesskap

Læringsaktivitet

Muntlig aktivitet

Maadinta carruurta

Daryeelka iyo barbaarinta carruurtu waa mas'uuliyad hor iyo horraanba waalidka saaran. Muddo gaaban ama mid dheer ayay waalidka qaar u baahan karaan in la caawiyo, taas oo tusaale ahaan ay keeni karto xaalad nololeed oo adag oo la soo gudboonaatay. Maadinta carruurta ayaa caawin karta qoysaska iyo carruurta ku sugan xaaladaha noocan ah. Maadinta carruurtu xafiis ayay ku leedahay degmooyinka Norway oo dhan.

Taariikhda maadinta carruurta ee Norway waxay billaabatay qarnigii 19-aad. Norway waxay ahayd adduunka waddankii ugu horreeyay ee yeesha maadin carruur oo dawladeed si loo caawiyo carruurta ku sugan xaalado nololeed oo adag iyo kuwa u baahan caawin dheeri ah iyo maadin. Xeerkii koowaad wuxuu dhaqan galay sanadkii 1900, waxaana la oran jirey xeerka guddiga abbaanka.

Maadinta carruurtu waxay diyaar u tahay caawinta carruurta u baahan in la caawiyo.

  • Maadinta carruurta waxaa laga rabaa inay hubiyaan in carruurta iyo dhallinyaradu helaan korriin ammaan ah.
  • Maadinta carruurta waxaa laga rabaa inay carruurta, dhallinyarada iyo qoyska caawin iyo taageero u fidiyaan marka ay xaalad adag guriga ka jirto.
  • Maadinta carruurtu waxay bixisaa waxqabadyo caawin ah oo kala duwan, sida talasiin, nasin iyo qof caawiye ah. Waalidka laftigooda ayaa adeegyadaan codsan kara.
  • Shaqada ugu muhiimsan ee maadinta carruurtu waa difaaca ilmaha, weliba in taasi dhacdo ayada oo qoyska lala shaqaynayo.
  • Haddii laga maarmi waayo, qoys cusub ayay maadinta carruurtu u heli kartaa carruurta u baahan in waalidkood laga difaaco.
  • Dhammaan shaqaalaha maadinta carruurta waxaa saaran waajib xogqarin.
  • Dhammaan dadka carruuraha la shaqeeya waxaa waajib ku ah inay maadinta carruurta wargeliyaan haddii ay ka shakiyaan in uu gacanqaad ka dhaco qoyska dhexdiisa.
  • Dhammaan dadka u welwela ilmo, waa in ay wargeliyaan maadinta carruurta.

Sidee ayay carruurta iyo dadka waaweyn ula xiriiri karaan maadinta carruurta?

Degmooyinka oo idil waxay leeyihiin adeeg maadin carruur oo maalintii furan. Carruurta iyo dadka waaweyn labaduba way la xiriiri karaan. Fiidkii, habeenkii iyo sabtida iyo axadda waxay carruurta ama dadka carruur ka welwelsan wici karaan telefoonka digniinta ee carruurta iyo dhallinyarada ee lambarkiisu yahay: 116 111.

Wada hadla

  • Ka dooda kaalinta maadinta carruurta ee bulshada norwiijiga.
  • Xaalado caynkee ah ayay carruurtu u baahan karaan in qoyskooda laga difaaco?
  • Dad badan oo Norway ku cusub ayaa shaki weyn ka qaba maadinta carruurta. Maxaad u malaynaysaa inuu shakigaas keenay?

Dooro jawaabta saxda ah

Goorma ayuu dhaqangalay xeerkii maadinta carruurta, xeerkii guddiga abbaanka, ee u horreeyay ee Norway?

Dooro jawaabta saxda ah

Xaggee ayay ku yaallaan xafiisyada maadinta carruurta?

Jumladda dhammaystir

Dhammaan dadka carruuraha la shaqeeya waxaa waajib ku ah inay maadinta carruurta wargeliyaan haddii ay ka shakiyaan ...

Dooro sax ama khalad

Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?

Taariikhda maadinta carruurta ee Norway waxay soo billaabatay qarnigii 19-aad.
Norway ciqaabta jirka iyo in carruurta loo gacanqaado waa la oggol yahay
Dhammaan dadka ka shaqeeya maadinta carruurta waxaa saaran waajib xogqarin.
Dadka waaweyn oo keliya ayaa la xiriiri kara maadinta carruurta.
Maadinta carruurta waxaa laga rabaa inay hubiyaan in carruurta iyo dhallinyaradu helaan korriin ammaan ah oo aan gacanqaad lahayn.

Dooro sax ama khalad

Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?

Waxay maadinta carruurtu caawin karaan carruurta iyo qoysaska caawinta u baahan muddo gaaban ama mid dheer.
Adeegga maadinta carruurta ee degmadu maalinti ma furna.
Hawsha ugu muhiimsan ee maadinta carruurtu waa difaacidda carruurta.
Telefoonka digniinta ee carruurta iyo dhallinyarada lambarkiisu waa 116 111.
Dhammaan dadka ka shaqeeya maadinta carruurta waxaa saaran waajib xogqarin.