Norwiijigii hore

Lærerinnhold

Tips til undervisningen

Læreren bør sjekke ut tidlig historie i deltakernes hjemland.

Snakk om overgangen til kristendommen. De eldste stavkirkene bærer preg av at menneskene ikke var villige til helt å forkaste den gamle gudetroen. De inkluderte symboler fra førkristen gudetro, for eksempel dragehoder (Midgardsormen) i bygningene.

Tips til undervisninga

Læraren bør orientere seg om den tidlege historia i heimlanda til deltakarane.

Snakk om overgangen til kristendomen. Dei eldste stavkyrkjene ber preg av at menneska ikkje var villige til å forkaste den gamle gudetrua heilt. Dei brukte symbol frå den førkristne religionen, til dømes drakehovud (Midgardsormen), i bygningane.

Læreplan

Grunnleggende ferdigheter

Digitale ferdigheter
Muntlige ferdigheter

Tverrfaglige tema

Demokrati og medborgerskap

Læreplan i samfunnskunnskap for voksne innvandrere etter integreringsloven

gi eksempler på noen av de viktigste historiske hendelsene og prosessene som har dannet grunnlaget for framveksten av demokratiet i Norge  

Kjerneelement

Demokratiforståelse og deltakelse

Læringsaktivitet

Muntlig aktivitet

Norwiijigii hore

Et kart over Europa. Kartet er fra 1778, og er gammelt og brunt.
GettyImages

Xilligii barafka

Waa hore oo hore waqooyiga Yurub waxaa fadhiyay baraf dhumucdiisu gaaraysay ilaa saddex kun oo mitir. Markii danbe heerkulkii ayaa sare u kacay oo barafkii ayaa si yar-yar u dhalaalay.

Xilligii dhagaxa (10 000 Ciise ka hor –2000 Ciise ka hor)

Syv trepinner med forskjellige former for stein knyttet til dem ligger på et pelsunderlag. Foto
GettyImages

Dadkii ugu horreeyay ee Norway yimaada waxay yimaadeen qiyaastii 12 kun oo sano ka hor. Jiilaalka baraf ayaa oolli jirey berriga u dhexeeya koonfurta Yurub iyo xeebaha Norway. Waxaana loo malaynayaa in dadka iyo xooluhuba ay Norway yimaadeen ayaga oo barafka ka soo gudbay. Waxyaalaha la helay ee ku saabsan dadkii hore siday u noolaayeen waxay noo sheegayaan in dadku ku noolaayeen miro, boqoshaa, kalluun iyo xayawaan ay dabteen. Waxay isticmaali jireen qalab iyo hub ka samaysan dhagax, lafo iyo dhir. Sidaas darteed ayaa xilligaan loogu yeeraa xilligii dhagaxa.

Qiyaastii afar kun oo sano ka hor ayay Norway dadku billaabeen inay beeraha qotaan.

Xilligii naxaaska (1800 Ciise ka hor –500 Ciise ka hor)

Beeralaydii taajiriinta ahaa ayaa markii danbe helay qalab iyo hub laga sameeyay naxaas. Waxay beeralaydii billaabeen inay fardaha wax ku jiidaan. Dumarkina waxay barteen soohidda dunta iyo in dhogorta idaha dhar laga sameeyo.

Muddadaan waxaan ugu yeernaa xilligii naxaaska. Cimiladii xilliga naxaaska way ka debecsanayd midda hadda Norway ka jirta.

Xilligii birta (500 Ciise ka hor –1050 Ciise ka dib)

Cimiladu waxay muddadaan noqotay mid la mid ah midda hadda jirta. Norway waxay dadku barteen in bir laga sameeyo macdanta birta ee dhoobada ku jirta, birtana waxay ka samaysteen qalab iyo hub. Qalabkaas markii la helayna waxaa fududaatay in dhulka la beerto, cunto badan ayaana la helay. Tiradii dadka ayaa badatay. Muddadaan waxaan ugu yeernaa xilligii birta.

Xilligii fiikinka (800 Ciise ka dib –1050 Ciise ka dib)

Beeralayda kuwooda ugu taajirsanaa oo ugu awoodda badnaa ayaa ku noolaa beeraha ugu waaweyn. Beeralaydaan waaweyn waxaa loogu yeeri jirey cuqaal. Waxay lahaayeen askar u ilaalisa dhulkooda. Dabayaaqadii qarnigii 8-aad ayay qaar cuqaashii ka mid ah Norway ka tageen oo waxay aadeen waddammada kale ee Yurub. Qaarkood baa ahaa dad ganacsiga ku fiican, laakiin dagaal iyo bililiqo ayay sidoo kale geysteen. Waxaa loogu yeeri jirey fiiking.

Sanadkii 872 ayuu fiikinkii la oran jirey Harald Hårfagre boqor ka nowday Norway oo dhan.

Diinta fiikinku waxay xiriir la lahayd sheekooyinkii ilaahyadii norrøne iyo siday dadka uga caawin kareen tacab fiican, bacrinka iyo dagaalka. Fiikinka qaarkood ayaa safarradii ay Yurub ku tagayeen kula kulmay diinta masiixiga, kadibna caqiidadaas ayay waddanki kula soo noqdeen. Masiixiyadda waxaa Norway la soo geliyay qarnigii 11-aad. Marka taariikhda Norway laga hadlayo waxaa sanad muhiim ah sanadkii 1030. Dagaal ayaa sanadkaas ka dhacay Stiklestad oo ku taalla Trøndelag. Waxaa halkaas ku diriray masiixigii Olav Haraldsson oo ay is hayeen cuqaal awood badan oo haystay diintii hore ee fiikinka. In kasta oo Olav goobtaas lagu jebiyay, haddana masiixiyaddii ayaa dad badan ku fidday. Markii danbana masiixiyaddii ayaa ka badatay diintii hore ee ilaahyada norrøne.

Tegning av vikinger på vikingferd. Illustrasjon.
Nasjonalmuseet «Olav iyo Rane oo safar kuwii fiikinka ah u baxay» waxaa sawiray Halfdan Egedius (1899)
Detaljer fra en stavkirke
GettyImages

Wada hadla

  • Ma taqaannaa taariikhdii ugu horreysay ee waddankaagi?
  • Muddooyinkii kala duwanaa waxyaalihii Norway ka dhacay ma barbardhigi kartaa waxyaalihii waddankaagi ka dhacay isla muddooyinkaas?
  • Fiikinka magacooda ma maqashay intaadan Norway imaannin ka hor?
  • Fiikinku wax saamayn ah ma ku lahaayeen taariikhda waddankaagi?
  • Ka wada hadla sida iyo sababta ay dadku diin uga bixi kareen oo mid kale u qaadan kareen. Sidee ayay u saamayn kartay nolosha dadka? Wax sidaas oo kale ah waddankaagi ma ka dheceen?

Dooro jawaabta saxda ah

Goorma ayay dadkii ugu horreeyay Norway yimaadeen?

Dooro jawaabta saxda ah

Maxaa Norway ka dhacay xilligii naxaaska?

Dooro jawaabta saxda ah

Xilligee ayay cimiladu noqotay mid la mid ah midda hadda jirta?

Dooro sax ama khalad

Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?

Xilligii fiikinku wuxuu ahaa laga billaabo 800 Ciise ka dib ilaa 1050 Ciise ka dib.
Xilligii barafka Waqooyiga Yurub waxaa fadhiyay baraf dhumuc leh.
Fiikinku masiixiyiin ayay ahaayeen.
Waxaa loo malaynayaa in dadka iyo xooluhuba ay Norway badda ka soo galeen ayaga oo doon saaran.
Qiyaastii afar kun oo sano ka hor ayay Norway dadku billaabeen inay beeraha qotaan.

Dooro sax ama khalad

Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?

Fiikinku waxay aamminsanaayeen ilaahyadii norrøne.
Xilligii birta ayay diinta masiixigu Norway soo gaartay.
Fiikinka qaar baa ahaa dad ganacsiga ku fiican.
Dagaalkii Stiklestad wuxuu dhacay sanadkii 1030.
Xilligii naxaaska waxaa hub laga dhigan jirey dhagaxa, lafaha iyo dhirta.

Dooro sawirka saxda ah

Sawirkee muujinaya xilligii fiikinka?

Riix sawirka

Riix xilliga saxda ah ee xarriijinta-wakhtiga. Xilligii birta goormuu ahaa?

choice-image

Riix sawirka

Riix xilliga saxda ah ee xarriijinta-wakhtiga. Xilligii fiikinka goormuu ahaa?

choice-image

Riix sawirka

Riix xilliga saxda ah ee xarriijinta-wakhtiga. Xilligii naxaaska goormuu ahaa?

choice-image