Bey'adda- dhawridda deegaanka

Lærerinnhold

Tips til undervisningen

Samtalestarter

Hassan: Så fin jakke du har! Er den ny?
Amir: Den er i alle fall ny for meg. Jeg kjøpte den i bruktbutikken nede i sentrum.
Hassan: Brukt? Har du ikke råd til å kjøpe nye klær?
Amir: Joda, jeg har jo det. Men jeg synes det er viktig å handle brukt når man kan. Det er bra for miljøet og bra for lommeboka. Og du sa jo at jakka var fin!

Matsvinn: Fortell gjerne deltakerne om at en del butikker selger ut varer som nærmer seg utløpsdato til redusert pris, apper som «Too Good To Go», «Throw no more» og «NoFoodWaste», butikker som Holdbart.no, osv.

Utforsk

Tips til undervisninga

Samtalestartar

Hassan: Så fin jakke du har! Er ho ny?
Amir: Ho er i alle fall ny for meg. Eg kjøpte henne i bruktbutikken nede i sentrum.
Hassan: Brukt? Har du ikkje råd til å kjøpe nye klede?
Amir: Jau, eg har då det. Men eg tykkjer at det er viktig å handle brukt når ein kan. Det er bra for miljøet og bra for lommeboka. Og du sa jo at jakka var fin!

Matsvinn: Fortel gjerne deltakarane om at ein del butikkar sel ut varer som nærmar seg utløpsdatoen til redusert pris, appar som Too Good To Go, Throw No More og NoFoodWaste, butikkar som Holdbart.no, osv.

Utforsk

Læreplan

Grunnleggende ferdigheter

Muntlige ferdigheter
Digitale ferdigheter

Tverrfaglige tema

Demokrati og medborgerskap

Læreplan i samfunnskunnskap for voksne innvandrere etter integreringsloven

bruke kunnskap om hvilke konsekvenser bruk og misbruk av ressurser har for et bærekraftig miljø og samfunn

Kjerneelement

Individ og fellesskap

Læringsaktivitet

Muntlig aktivitet

Bey'adda- dhawridda deegaanka

blåveis. Foto.

Dhawridda bey'adda- iyo deegaanku waa oraah ka hadlaysa hawlaha dhawrista bey'adda iyo noolaha iyo deegaanka ku xeeran. Waa oraah ku saabsan sidii loo xaddidi lahaa isbeddellada ku imaanaya bey'adda, iyo in wax laga qabto oo dib loo hagaajiyo dhaawacyada ay aadanuhu u geysteen bey'adda. Bey'adda- iyo dhawridda deegaanku waxay hubinaysaa in dadka, xayawaanka iyo dhirtuba ay helaan deegaan fiican oo ay ku noolaadaan hadda iyo mustaqbalkaba.

Dib u isticmaalid iyo dib u warshadayn

Dib u isticmaalid waxaa loola jeedaa in waxyaalaha aynaan u baahnayn sababo kala duwan awgood, in ay dad kale isticmaali karaan. Dib u warshadayn waxaa loola jeedaa in shay-yaasha la kala furfuro mar kale dib laysugu rakibo, ama inta la dhalaaliyo ayaaba shay cusub laga samaynayaa. Dib u isticmaalidda ayaa aad u soo caan-baxday sanadihii danbe. Dad badan ayaa ku baraarugay qaabka dadku u fikiro ee ah shaygii inta la isticmaalo in durba la tuuro, oo waxay taas ka doorbidaan inay soo iibsadaan dhar, saabaan iyo waxyaalo kale oo duug ah.

Møbler på et loppemarked. Foto
plastgranulat fra resirkulert plast. Foto
GettyImages

Kala soocidda qashinka

Qof kasta oo Norway ku nool wuxuu sanadkiiba tuuraa in ka badan afar boqol oo kiilo oo qashin ah. Degmooyin badan ayay dadweynuhu qashinkooda ayagu kala soocaan. Waxaa taas loogu yeeraa kala soocidda qashinka. Qashinka qaar guriga ayaan ku kala sooci karnaa, qaar kalena waa in la geeya xarumaha qashinka. Xarumaha qashinka waxaa yaallaa kontaynarro kala duwan oo loogu talo galay noocyada qashinka kala duwan. Degmooyin badan baa leh xarummo waaweyn oo qashinka lagu kala sooco, halkaas oo aan geyn karno waxyaalaha waaweyn ee aan tuurayno sida saabaanka, makiinadaha dhardhaqidda, qashinka ardaagga iyo baaldiga riinjiga.

Qasaarinta cunta

Qasaarinta cuntadu waa marka la tuuro cunto la cuni karo ama loo isticmaalo wax aan cunto dadeed ahayn. Adduunka oo dhan marka la eego saddex meelood hal meel ayaa la tuuraa cuntada la soo saaro oo dhan. Norway sanad walba waxaan tuurnaa in ka badan 400 000 tan oo cunto la cuni karo ah. Cuntooyinkaan waxaa tuura warshadaha raashinka, dukaammada raashinka, makhaayadaha iyo meelaha kale ee wax lagu cuno iyo guryaha gaarka ah. Cuntada sanad walba la tuuro adduunka, waxay ku filnaan lahayd in la quudiyo adduunka dadka gaajaysan oo dhan.

Gaadiidka iyo bey'adda

Norway gaadiidka ayaa keena boqolkiiba soddon gaasaska cimilada lagu sii daayo. Qiyaastii kala bar gaasaskaas waxay ka yimaadaan gaadiidka waddooyinka mara. Gaadiidka badda iyo kalluumaysiga ayaa iyaguna gaasas badan sii daaya Norway. Adduunka oo dhan qiyaastii boqolkiiba labaatan ah gaasaska lagu sii daayo cimilada ayaa gaadiidka ka yimaada.

Norway waxay leedahay hadaf ah in laga billaabo 2025-ka in ku dhowaad dhammaan baabuurta cusub ee la iibinayo inay ahaadaan kuwo aan gaas cimilada ku sii daynayn. Waxaa kale oo hadaf ah in socodka dadka magaalooyinka waaweyn ee sii badanaya lagu daboolo gaadiidka dadweynaha, baaskiil ama in dadku lugeeyaan. In kasta oo tirada dadku sii badanayso, looma baahna in baabuurtu u bataan si sidaas le'eg.

Rester av spiselig mat etter et måltid. Foto.
GettyImages

Wada hadla

  • Maxaa uu mid kasta oo naga mid ah samayn karaa si loo dhawro bey'adda iyo deegaanka?
  • Ka wada hadla dib u isticmaalidda iyo dib u warshadaynta.
  • Marmar ma soo gadataa waxyaalo duug ah? Haddii haa, sheeg sababta?. Haddii maya, sheeg sababta?
  • Ka wada hadla kala soocidda qashinka. Waa maxay sababta aan qashinka u kala soocno? Maxaa dhacaya haddii aynaan qashinka kala soocin?
  • Ka wada hadla qasaarinta cuntada. Waa maxay sababta aan cunto sidaas u badan u tuurno? Adigu cunto ma tuurtaa? Haddaa haa, sheeg sababta? Haddii maya, sheeg sababta?. Maxaan samayn karnaa si aan u yarayno cuntada aan tuurayno?
  • Ka wada hadla in la isticmaalo gaari gooni loo leeyahay iyo in la raaco gaadiidka dadweynaha. Dadka Norway ku nool oo dhan fursad isku mid ah miyay u leeyihiin inay gaadiidka dadweynaha raacaan? Haddii haa, sheeg sababta?. Haddii maya, sheeg sababta?
Buss. Uklart bilde. Foto.
GettyImages

Dooro jawaabta saxda ah

Maxaa loola jeeda dib u isticmaalidda?

Dooro jawaabta saxda ah

In intee le'eg ayuu sanadkii tuuraa qof kasta oo Norway ku nool?

Jumladda dhammaystir

Gaadiidka ayaa keena qiyaastii ...

Dooro sax ama khalad

Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?

Dhawridda bey'adda- iyo deegaanku waa hawlaha nolosha wacan loogu hubinayo dadka, xayawaanka iyo dhirta.
Dib u isticmaalidda aad looma jecla sanadahaan danbe.
Dad badan ayaa doonaya inay ku baraarugaan qaabka dadku u fikiro ee ah shaygii inta la isticmaalo in durba la tuuro.
Degmooyin badan dadweynuhu ayagaa qashinkooda kala sooca.
Waxyaalaha waaweyn waxaan ku tuuri karnaa xarummaha waaweyn ee qashinka lagu kala sooco.

Dooro sax ama khalad

Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?

Norway sanad walba waxaan tuurnaa in ka badan 400 000 tan oo cunto la cuni karo ah.
Cuntada sanad walba la tuuro adduunka, waxay ku filnaan lahayd in la quudiyo dadka gaajaysan ee adduunka oo dhan.
Qiyaastii boqolkiiba siddeetan gaasaska ka yimaada gaadiidka ee Norway waxay ka yimaadaan gaadiidka waddooyinka mara.
Waa hadaf siyaasadeed Norway in la kordhiyo baabuurta aan cimilada gaasaska ku sii daynayn.
Waa hadaf siyaasadeed Norway in dadka loo fududeeyo inay socon karaan iyo inay baaskiil wadan karaan.

Dooro sawirka saxda ah

Sawirradee muujinaya sida aan nolol maalmeedkeenna u noqon karno kuwo bey'adda u roon? Jawaabo badan ayaa sax ahaan kara.