Bey'adda- dhawridda deegaanka
Bey'adda- dhawridda deegaanka
Dhawridda bey'adda- iyo deegaanku waa oraah ka hadlaysa hawlaha dhawrista bey'adda iyo noolaha iyo deegaanka ku xeeran. Waa oraah ku saabsan sidii loo xaddidi lahaa isbeddellada ku imaanaya bey'adda, iyo in wax laga qabto oo dib loo hagaajiyo dhaawacyada ay aadanuhu u geysteen bey'adda. Bey'adda- iyo dhawridda deegaanku waxay hubinaysaa in dadka, xayawaanka iyo dhirtuba ay helaan deegaan fiican oo ay ku noolaadaan hadda iyo mustaqbalkaba.
Dib u isticmaalid iyo dib u warshadayn
Dib u isticmaalid waxaa loola jeedaa in waxyaalaha aynaan u baahnayn sababo kala duwan awgood, in ay dad kale isticmaali karaan. Dib u warshadayn waxaa loola jeedaa in shay-yaasha la kala furfuro mar kale dib laysugu rakibo, ama inta la dhalaaliyo ayaaba shay cusub laga samaynayaa. Dib u isticmaalidda ayaa aad u soo caan-baxday sanadihii danbe. Dad badan ayaa ku baraarugay qaabka dadku u fikiro ee ah shaygii inta la isticmaalo in durba la tuuro, oo waxay taas ka doorbidaan inay soo iibsadaan dhar, saabaan iyo waxyaalo kale oo duug ah.
Kala soocidda qashinka
Qof kasta oo Norway deggan wuxuu sannadkii banaanka u soo tuuraa dhowr boqol oo kiilos oo qashin ah. Degmooyin badan ayay dadweynuhu qashinkooda ayagu kala soocaan. Waxaa taas loogu yeeraa kala soocidda qashinka. Qashinka qaar guriga ayaan ku kala sooci karnaa, qaar kalena waa in la geeya xarumaha qashinka. Xarumaha qashinka waxaa yaallaa kontaynarro kala duwan oo loogu talo galay noocyada qashinka kala duwan. Degmooyin badan baa leh xarummo waaweyn oo qashinka lagu kala sooco, halkaas oo aan geyn karno waxyaalaha waaweyn ee aan tuurayno sida saabaanka, makiinadaha dhardhaqidda, qashinka ardaagga iyo baaldiga riinjiga.
Qasaarinta cunta
Qasaarinta cuntadu waa marka la tuuro cunto la cuni karo ama loo isticmaalo wax aan cunto dadeed ahayn. Adduunka oo dhan marka la eego saddex meelood hal meel ayaa la tuuraa cuntada la soo saaro oo dhan. Norway sanad walba waxaan tuurnaa in ka badan 400 000 tan oo cunto la cuni karo ah. Cuntooyinkaan waxaa tuura warshadaha raashinka, dukaammada raashinka, makhaayadaha iyo meelaha kale ee wax lagu cuno iyo guryaha gaarka ah. Cuntada sanad walba la tuuro adduunka, waxay ku filnaan lahayd in la quudiyo adduunka dadka gaajaysan oo dhan.
Gaaska uu soo daayo aqalka dhirta lagu koriyo
Dalka Norway, gaaska uu soo daayo aqalka dhirta lagu koriyo ayaa si joogto ah hoos ugu dhacaya. Gaaska ugu badan wuxuu ka yimaadaa soo saarista saliidda iyo gaaska, warshadaha iyo macdan qodista, iyo gaadiidka isticmaala waddooyinka.
Sannadkii 2024, markii ugu horreysay, waxaa jiray baabuur koronto ku shaqeeya oo ka badan baabuurta shidaalka ee laga diiwaan geliyay Norway. Hadafku waa in ku dhawaad dhammaan baabuurta cusub ee la iibiyo ay noqdaan gawaari aan wax qiiqa soo saarin. Gaadhiga aan sii deynayn wax gaas ah ma sii daayo gaaska ka soo baxo aqalka dhirta lagu koriyo. Hadaf kale ayaa ah in kororka gaadiidka rakaabka ee magaalooyinka waaweyn lagu gaaro gaadiidka dadweynaha, baaskiil wadista ama lugeynta. Markaa xitaa haddii dadku kordhaan, gaadiidka baabuurtu waa inaysan sidaas oo kale u kordhin.
Wada hadla
- Maxaa uu mid kasta oo naga mid ah samayn karaa si loo dhawro bey'adda iyo deegaanka?
- Ka wada hadla dib u isticmaalidda iyo dib u warshadaynta.
- Marmar ma soo gadataa waxyaalo duug ah? Haddii haa, sheeg sababta?. Haddii maya, sheeg sababta?
- Ka wada hadla kala soocidda qashinka. Waa maxay sababta aan qashinka u kala soocno? Maxaa dhacaya haddii aynaan qashinka kala soocin?
- Ka wada hadla qasaarinta cuntada. Waa maxay sababta aan cunto sidaas u badan u tuurno? Adigu cunto ma tuurtaa? Haddaa haa, sheeg sababta? Haddii maya, sheeg sababta?. Maxaan samayn karnaa si aan u yarayno cuntada aan tuurayno?
- Ka wada hadla in la isticmaalo gaari gooni loo leeyahay iyo in la raaco gaadiidka dadweynaha. Dadka Norway ku nool oo dhan fursad isku mid ah miyay u leeyihiin inay gaadiidka dadweynaha raacaan? Haddii haa, sheeg sababta?. Haddii maya, sheeg sababta?
Dooro jawaabta saxda ah
Maxaa loola jeeda dib u isticmaalidda?
Dooro jawaabta saxda ah
In intee le'eg ayuu sanadkii tuuraa qof kasta oo Norway ku nool?
Dooro jawaabta saxda ah
Maxaa sababa gaaska laga soo daayo aqalka dhirta lagu koriyo ee ugu badan Norway?
Dooro sax ama khalad
Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?
Dooro sax ama khalad
Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?
Dooro sawirka saxda ah
Sawirradee muujinaya sida aan nolol maalmeedkeenna u noqon karno kuwo bey'adda u roon? Jawaabo badan ayaa sax ahaan kara.