Gudniinka dumarka

Læreplan

Grunnleggende ferdigheter

Muntlige ferdigheter
Digitale ferdigheter

Tverrfaglige tema

Folkehelse og livsmestring

Læreplan i samfunnskunnskap for voksne innvandrere etter integreringsloven

samtale om hva negativ sosial kontroll, vold i nære relasjoner, tvangsekteskap og kjønnslemlestelse er, om juridiske og personlige konsekvenser av dette, og om aktuelle hjelpetilbud

Kjerneelement

Individ og fellesskap

Læringsaktivitet

Muntlig aktivitet

Gudniinka dumarka

Gudniinka dumarku waa qalliin lagu dhaawaco ama lagu gooyo bishimaha kore ee unugga taranka ayada oo aysan jirin sabab caafimaad oo taas lagama maarmaan ka dhigeysa. Gudniin dumar ayaa loo arkaa ayada oo aan loo eegayn weynaanta ama yaraanta dhaawaca la geystay ama inta la gooyay. Gudniinka dumarku waa ka mamnuuc Norway. Gudniinka dumarku waxyeello ayuu keenaa, dhib weyn ayuuna gabadha ku hayn karaa inta nolosheeda ka hartay oo dhan.

Waxyaalaha muhiimka ah ee qiimaha u leh bulshada norwiijiga waxaa ka mid ah inay labada jinsi isku qiime yihiin oo siman yihiin. Waana la isku raacsan yahay in qof walba xor u yahay jirkiisa. Gudniinka dumarka wuxuu jebinayaa waxyaalahan qiimaha leh. Wuxuu sidoo kale jebinayaa heshiisyo caalami ah. Waddammo badan oo gabdhaha la gudo, ayuu gudniinku mamnuuc ka yahay.

  • Waa mamnuuc in kas loo dhaawaco unugga taranka ee gabdhaha iyo dumarka.
  • Waa mamnuuc in qof lagu caawiyo ama fursad loo siiyo dhaawicidda unugga taranka ee gabdhaha iyo dumarka.
  • Waa mamnuuc in gabar Norway laga saaro oo unugeeda taranka lagu soo dhaawaco dibedda.
  • Xataa haddii ay gabadha iyo qofka dumarka ah oggol yihiin gudniinka, haddana weli waa mamnuuc.
  • Waxaa sidoo kale mamnuuc ah in dib loo kabo ama loo tolo gudniin hore.
  • Ciqaabta jebinta xeerka waa xabsi ilaa 6 sano ah.
  • Gudniinka dumarka ee aadka u xun qofka geysta waxaa lagu ciqaabayaa ilaa iyo 15 sano oo xabsi ah.
  • Shaqaalaha xirfado badan iyo bulshooyinka diimaha waxaa waajib ku ah inay isku dayaan inay gudniinka dumarka ka hortagaan. Haddii ay sidaas yeeli waayaan, waxay jebiyeen waajibkii ka hortagga. Waxaa lagu ciqaabi karaa ganaax ama xabsi ilaa hal sano ah.

Xigasho: Lovdata

Meelaha soo socda ayay caawin ka heli kartaa qofka loo geystay gudniin dumar ama khatarta ugu jirta in loo geysto:

  • dhakhtarka joogtada ah
  • rugta caafimaadka
  • booliska
  • Kooxda aqoonta u leh guurka khasabka ah, gudniinka dumarka iyo ka qoqobista bulshada, tlf.: 478 090 50
  • Teleefanka Laanqaynta Cas 815 55 201
  • Dibedda haddii la joogo waxaa lala xiriiri karaa safaaradda Norway.

Wada hadla

  • Waa maxay sababta ay dhaqammada qaar caado ugu leeyihiin in gabdhaha la gudo?
  • Maxay dadka kala duwan ka qaban karaan sidii caadadaasi u istaagi lahayd?
  • Sidee ayay xeerarka adag ee Norway ka jira uga hortegi karaan in gabdhaha la gudo?

Dooro jawaabta saxda ah

Waa maxay gudniinka dumarku?

Dooro jawaabta saxda ah

Immisa sano oo xabsi ah ayaa lagu mutaysan karaa gudniinka dumarka ee aadka u xun?

Dooro jawaabta saxda ah

Ciqaab intee le'eg ayaa lagu xukumi karaa qofka jebiya waajibka ka hortagga?

Jumladda dhammaystir

Haddii ay gabadha ama qofka dumarka ah oggol yihiin gudniinka,

Dooro jawaabta saxda ah