Gacanqaadka qoyska dhexdiisa
Gacanqaadka qoyska dhexdiisa
Waa maxay gacanqaad?
- Gacanqaadku waa xadgudub loo geysto qof kale.
Gacanqaadku wuxuu noqon karaa mid jirka ah, mid nafsiyan ah, mid galmo ama mid qalab.
Waa maxay gacanqaadka qoyska dhexdiisa ah?
- gacanqaadka xubnaha qoyska dhexdooda ama dadka kale ee isu dhow
- gacanqaadka ka dhex dhaca carruurta iyo dadka waaweyn, halkaas oo dadka waaweyn mas'uul ka yihiin daryeelka carruurta
Xeerarka Norway waxay mamnuucayaan isticmaalka nooc walba oo gacanqaad ah. Bulshadu ma aqbali karto nooc gacanqaad ah, xataa midka ka dhex dhaca qoyska ama dadka kale ee isu dhow, sabab kasta oo gacanqaadka keentay. Taas oo micnaheedu yahay in aan gacanqaadka qoyska dhexdiisu ahayn arrin qofka gaar u ah. Ka qoqobista bulshada laftigeeda ayaa laga yaabaa in ay gacanqaad noqoto.
Arkida rabshaduhu waxay ku yeelan kartaa cawaaqib xun ilmaha. Leeftada, khaniisiinta, labeebka, dadka jinsigooda badalay, dadka ku dhishay jinsiyo kala duwan iyo dadka kale ee ka soo jeeda LGBTIQ+ waxay u nuglaan karaan rabshadaha ay gaarsiiyaan dadka ay xiriirka dhaw la leeyihiin.
Guurka khasabka ah iyo gudniinka dumarka ayaa ayaguna gacanqaad ah lamana aqbali karo. Bulshada ayay mas'uuliyad ka saaran tahay inay difaacdo oo ka taxaddarto dhammaan dadka gacanqaadka loo geysto, oo la hubiyo inay bulsha-weynta ka qaybqaadan karaan oo dhex geli karaan.
«Gacanqaadka qoyska dhexdiisu waa denbi weyn, waa weerar lagu qaaday xuquuqda aadanaha ee aasaasiga ah - waana dhibaato caafimaad oo bulsho.»
Xigasho: Nolol bilaa gacanqaad ah, Qorshaha ka hortagga gacanqaadka qoyska dhexdiisa 2014–2017, Wasaaradda caddaaladda- iyo heeganka
Internet
Wada hadla
- Ka dooda farqiga u dhexeeya gacanqaadka qoyska dhexdiisa iyo gacanqaadyada kale.
- Maxay noqon kartaa sababta uu qofi ugu gacanqaado xubnaha kale ee qoyskiisa?
- Maxay noqon kartaa sababta uu qofi ula sii noolaado qof ay is qabaan oo u gacanqaada?
- Ma laga yaabaa in gacanqaadka siyaalo kala duwan looga arko dhaqammada kala duwan?
- Waa sidee xaaladda xubnaha qoyska ee qoys uu gacanqaad ka jiro?
Dooro jawaabta saxda ah
Xeerarka Norway maxay ka sheegayaan gacanqaadka?
Dooro jawaabta saxda ah
Gacanqaadyo noocee ah ayaa jira? Jawaabo badan ayaa sax ah.
Jumladda dhammaystir
Bulshadu ma aqbali karto gacanqaad noocuu doono ha ahaadee ...
Jumladda dhammaystir
Gacanqaadka ka dhex dhaca dadka isu dhow ...
Dooro sax ama khalad
Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?