Gacanqaadka qoyska dhexdiisa

Lærerinnhold

Læreplan

Grunnleggende ferdigheter

Digitale ferdigheter
Muntlige ferdigheter

Tverrfaglige tema

Folkehelse og livsmestring

Læreplan i samfunnskunnskap for voksne innvandrere etter integreringsloven

samtale om hva negativ sosial kontroll, vold i nære relasjoner, tvangsekteskap og kjønnslemlestelse er, om juridiske og personlige konsekvenser av dette, og om aktuelle hjelpetilbud

Kjerneelement

Individ og fellesskap

Læringsaktivitet

Muntlig aktivitet

Gacanqaadka qoyska dhexdiisa

GettyImages

Waa maxay gacanqaad?

  • Gacanqaadku waa xadgudub loo geysto qof kale.
    Gacanqaadku wuxuu noqon karaa mid jirka ah, mid nafsiyan ah, mid galmo ama mid qalab.

Waa maxay gacanqaadka qoyska dhexdiisa ah?

  • gacanqaadka xubnaha qoyska dhexdooda ama dadka kale ee isu dhow
  • gacanqaadka ka dhex dhaca carruurta iyo dadka waaweyn, halkaas oo dadka waaweyn mas'uul ka yihiin daryeelka carruurta

Xeerarka Norway waxay mamnuucayaan isticmaalka nooc walba oo gacanqaad ah. Bulshadu ma aqbali karto nooc gacanqaad ah, xataa midka ka dhex dhaca qoyska ama dadka kale ee isu dhow, sabab kasta oo gacanqaadka keentay. Taas oo micnaheedu yahay in aan gacanqaadka qoyska dhexdiisu ahayn arrin qofka gaar u ah. Ka qoqobista bulshada laftigeeda ayaa laga yaabaa in ay gacanqaad noqoto.

Carruurtu inay goobjoog ka ahaadaan gacanqaadka dhaawaca ka soo gaaraya markuu ugu yaraado wuxuu la mid yahay haddii ayaga loo gacan qaadi lahaa. Dumarka iyo ragga khaniisiinta ah, kuwa ragga iyo dumarkuba soo jiitaan, dadka iska beddelay jinsigii ay ku dhasheen, labeebshaha ama dadka kale ee LHBTIQ+- ayaa halis aad ah ugu jira gacanqaadka noocan ah.

Guurka khasabka ah iyo gudniinka dumarka ayaa ayaguna gacanqaad ah lamana aqbali karo. Bulshada ayay mas'uuliyad ka saaran tahay inay difaacdo oo ka taxaddarto dhammaan dadka gacanqaadka loo geysto, oo la hubiyo inay bulsha-weynta ka qaybqaadan karaan oo dhex geli karaan.

«Gacanqaadka qoyska dhexdiisu waa denbi weyn, waa weerar lagu qaaday xuquuqda aadanaha ee aasaasiga ah - waana dhibaato caafimaad oo bulsho.»


Xigasho: Nolol bilaa gacanqaad ah, Qorshaha ka hortagga gacanqaadka qoyska dhexdiisa 2014–2017, Wasaaradda caddaaladda- iyo heeganka

En bekymret og alvorspreget kvinne holder telefonen til øret. Bildet illustrerer en kvinne som oppsøker hjelp etter å ha blitt utsatt for vold i hjemmet. Foto
GettyImages

Wada hadla

  • Ka dooda farqiga u dhexeeya gacanqaadka qoyska dhexdiisa iyo gacanqaadyada kale.
  • Maxay noqon kartaa sababta uu qofi ugu gacanqaado xubnaha kale ee qoyskiisa?
  • Maxay noqon kartaa sababta uu qofi ula sii noolaado qof ay is qabaan oo u gacanqaada?
  • Ma laga yaabaa in gacanqaadka siyaalo kala duwan looga arko dhaqammada kala duwan?
  • Waa sidee xaaladda xubnaha qoyska ee qoys uu gacanqaad ka jiro?

Dooro jawaabta saxda ah

Xeerarka Norway maxay ka sheegayaan gacanqaadka?

Dooro jawaabta saxda ah

Gacanqaadyo noocee ah ayaa jira? Jawaabo badan ayaa sax ah.

Jumladda dhammaystir

Bulshadu ma aqbali karto gacanqaad noocuu doono ha ahaadee ...

Jumladda dhammaystir

Gacanqaadka ka dhex dhaca dadka isu dhow ...

Dooro sax ama khalad

Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?

Carruurtu inay arkaan gacanqaad dhaawaca ka soo gaaraya, markuu ugu yaraado, wuxuu la mid yahay midka haddii ayaga loo gacan qaadi lahaa.
Guurka khasabka ah iyo gudniinka dumarku waa gacanqaad lamana aqbali karo
Qofka loo geysto gacanqaad iyo xadgudub waa la caawin karaa.
Gacanqaadku ma noqon karo mid nafsiyan ah ee wuxuu noqon karaa mid jireed oo keliya.
Xeerarka Norway marna ma oggolaanayaan gacanqaadka ka dhex dhaca dadka isu dhow.