Qorshaynta qoyska, uurka iyo la socoshada carruurta

Lærerinnhold

Tips til undervisningen

Mer om helsesstasjonene

  • Helsestasjonene gir tilbud til barn mellom null og fem år, og deres foresatte.
  • På helsestasjonen sjekker man hvordan barnet utvikler seg, om det vokser som det skal og legger på seg som normalt, om syn og hørsel fungerer bra, og om barnet lærer å forstå og snakke. Hvis det er problemer med barnets utvikling, vil helsestasjonen sørge for hjelp og veiledning.
  • Babyer blir oftere innkalt til helsestasjonen enn eldre barn.
  • Dersom et barn er sykt, går man til fastlegen, ikke til helsestasjonen.

Mer om skolehelsetjenesten

  • Skolehelsetjenesten er et tilbud til barn og ungdom i skolealder.
  • Skolehelsetjenesten samarbeider med hjemmene og skolen. De foretar helseundersøkelser, gir vaksiner og henviser videre i helsesystemet ved behov.
  • Barna kan snakke med helsesykepleieren i skolehelsetjenesten hvis det er noe de lurer på om helse.
  • På samme måte som på helsestasjonen, blir barna kalt inn til skolehelsetjenesten med jevne mellomrom.
  • Mange kommuner har egne helsestasjoner for ungdom.

Mer om vaksiner

  • Alle barn og unge som bor i Norge, får tilbud om vaksinasjon mot alvorlige sykdommer. Vaksinene beskytter mot sykdommene på en enkel, effektiv og ufarlig måte.
  • Vaksinasjon er frivillig, men myndighetene i Norge anbefaler sterkt at foreldre sier ja til å vaksinere barna. Helsepersonell kan ikke vaksinere barna uten foreldrenes samtykke.
  • Vaksinene i barnevaksinasjonsprogrammet er gratis.

Tips til undervisninga

Meir om helsestasjonane

  • Helsestasjonane gjev helsetilbod til barn opp til fem år og deira føresette.
  • På helsestasjonen blir det sjekka korleis barnet utviklar seg, om det veks som det skal og legg på seg normalt, om det ser og høyrer godt, og om barnet lærer seg å forstå og snakke. Helsestasjonen vil sørgje for hjelp og rettleiing i tilfelle problem med barnet si utvikling.
  • Babyar blir kalla inn til helsestasjonen oftare enn eldre barn.
  • Dersom eit barn er sjukt, går ein til fastlegen, ikkje til helsestasjonen.

Meir om skulehelsetenesta

  • Skulehelsetenesta er eit tilbod til barn og ungdom i skulealder.
  • Skulehelsetenesta samarbeider med heimen og skulen. Dei gjer helseundersøkingar, gjev vaksinar og viser elevane vidare i helsesystemet når det trengst.
  • Barna kan snakke med helsesjukepleiaren i skulehelsetenesta dersom dei lurer på noko som har med helse å gjere.
  • På same måten som helsestasjonane kallar skulehelsetenesta inn barna med jamne mellomrom.
  • Mange kommunar har eigne helsestasjonar for ungdom.

Meir om vaksinar

  • Alle barn og unge som bur i Noreg, får tilbod om å bli vaksinerte mot alvorlege sjukdomar. Vaksinane vernar dei mot sjukdomane på ein enkel, effektiv og ufarleg måte.
  • Vaksinasjon er frivillig, men styresmaktene i Noreg tilrår sterkt at foreldra seier ja til å vaksinere barna. Helsepersonell kan ikkje vaksinere barn utan samtykke frå foreldra.
  • Vaksinane i barnevaksinasjonsprogrammet er gratis.

Læreplan

Grunnleggende ferdigheter

Digitale ferdigheter
Muntlige ferdigheter

Tverrfaglige tema

Folkehelse og livsmestring

Læreplan i samfunnskunnskap for voksne innvandrere etter integreringsloven

bruke kunnskap om det norske helsevesenet til å få tilgang til ulike helsetjenester
samtale om familieplanlegging, prevensjonsmidler og abort, forståelse og respekt knyttet til seksuell identitet og kjønnsuttrykk, samt grensesetting og lovverk knyttet til dette

Kjerneelement

Individ og fellesskap

Læringsaktivitet

Muntlig aktivitet

Qorshaynta qoyska

En kvinne sjekker resultatet på graviditetstesten hun har tatt. Foto
GettyImages

Qorshaynta qoyska

Siyaasiyiinta norwiijigu waxay ka doodaan sidii ay lammaanaha ugu boorrin lahaayeen in ay carruur badan dhalaan. Waddammo kale ayay dumarku mas'uuliyiinta kala kulmaan xaddidaad adag oo ay ku soo rogaan inta ilmood ee loo oggol yahay in ay dhalaan. Meesha waddammo kalena ay dumarka middiiba celcelis ahaan dhasho shan ilmood.

Qorshaynta qoyska waxaa loolaa jeedaa in lammaanuhu qorshayn karo marka ay haweenaydu uur yeelanayso, waxayna qorsheeyaan inta ilmood ee ay dhalayaan. Qorshaynta qoysku dhab ahaantii waa ka hortegidda uurka aan la doonayn. Aalado uurka looga hortago oo kala duwan ayaa arrintaas suurtaggal ka dhiga.

Qaar ka mid ah aaladaha ka hortagga uurka ee caadiga ah:

  • Kaniinka P waa kaniin ay ku jiraan hormoonnada østrogen iyo gestagen/progesteron. Kaniinku wuxuu ka hortagaa soo dhicidda ukumaha.
  • Caagga P waa caag yar oo balaastig ah oo maqaarka la geliyo. Waxaa ku jira hormoonka gestagen, maalin walbana in yar ayuu sii daayaa. Hormoonku wuxuu ka hortagaa soo dhicidda ukumaha. Caagga P waa in uu dhakhtar geliyaa oo bixiyaa.
  • Galoolku waa aalad uu dhakhtarku geliyo ilmagaleenka haweenayda. Galoolku wuxuu celiyaa socodka unugyada shahwada taas oo keenta in ukumaha la bacrimiyay ay qabsan waayaan derbiga ilmagaleenka.
  • Salbatiibadu waa aallada ka hortagga uurka ee keliya ee difaacda cudurrada galmada lagu kala qaado. Sidoo kale waa aaladda ka horatagga uurka ee keliya ee raggu gashadaan. Waxaa lagu taliyaa in salbatiibada lala isticmaalo kareemka dila unugyada shahwada si loo kordhiyo fursadaha ka hortagga uurka aan la doonayn. Kareemka dila unugyada shahwada keligiis layskuma hallayn karo.

Koontaroolka uurka iyo dhalmada

Dumarka uurka leh ee Norway waxay xaq u leeyihiin koontarool uur oo bilaash ah. Rugta caafimaadka ama dhakhtarka joogtada ah ayaa koontaroolka fuliya. Koontaroollada xor ayaa loo yahay. Ujeeddadu waa in lala socdo caafimaadka hooyada iyo midka ilmaha inta ay hooyadu uurka leedahay, dhalmada iyo dhalmada kaddib. Norway waxaa lagu taliyaa in koontarool la tago siddeed ilaa laba iyo toban jeer inta uurka la leeyahay. Dumarka badankoodu waxay ku dhalaan isbataal, waana bilaash.

Koontaroolka caafimaadka iyo tallaalka

Dhammaan carruurta iyo dhallinyarada Norway ku nool waxaa loo fidiyaa in si joogto ah caafimaadkooda loo koontaroolo. Laga billaabo marka ay ilmuhu saqiirka yihiin ilaa iyo marka ay iskoollada billaabayaan waxaa lagu koontaroolaa rugta caafimaadka. Marka uu ilmuhu iskoolka billaabo, waxaa koontaroola adeegga caafimaadka ee iskoolka. Degmooyinka badankoodu waxay leeyihiin rugo caafimaad oo dhallinyarada loogu talagalay. Dhammaan carruurta iyo dhallinyarada Norway ku nool, waxaa loo fidiyaa tallaal ka hortaga cudurrada halista ah. Tallaalladu waxay cudurrada u difaacaan si fudud, waxtar ah oo aan dhib lahayn. Adeegyada rugaha caafimaadka iyo kuwa adeegga caafimaadka iskoolku waa bilaash.

Haddii uu ilmuhu xanuunsado waxaa baaraya oo daaweynaya dhakhtarka joogtada ah.

Gravid på ultralydundersøkelse. Foto
Spedbarn på helsestasjonen. Foto
GettyImages

Dhicinta

Xeerka joojinta uurka (Xeerka dhicinta) ee Norway wuxuu dhigayaa inay haweenaydu go'aansan karto in ay uurka joojiso haddii ay go'aanka gaarto 12-ka toddobaad ee uurka ugu horreeya. Haweenaydu waa inay buuxisaa foom halkaas oo ay saxiixayso inay doonayso dhicin islamarkaana loo sheegay arrimaha dhinaca caafimaadka ee dhicinta la xiriira iyo in la siin karo warbixinno ku saabsan waxyaalo kale oo dhicinta lagu beddeli karo. Xeerka dhicinta ayaa sidoo kale ka hadlaya waxa dhacaya haddii ay haweenaydu dhicin doonayso ayada oo dhaaftay toddobaadkii 12-aad ee uurka.

Wada hadla

  • Waddammada aad aqoonta u leedahay sidee ayaa looga arkaa qorshaynta qoyska? Caadi miyaa in la isticmaalo aaladaha ka hortagga uurka?
  • Waa maxay sababta koontaroolka uurka loogu arko inuu muhiim aad ah yahay oo dumarka bilaash looga dhigay?
  • Maxay muhiim u tahay in ay waalidku aqbalaan deeqaha ay rugaha caafimaadku u fidiyaan?
  • Sideed u aragtaa in carruurta Norway badankooda laga tallaalo cudurro badan?
  • Waa maxay sababta uu barnaamijka tallaalka carruurtu bilaashka u yahay?

Ka dooda weerahan:

  • Xeerka dhicintu waa mid meel dhexe isugu keenaya xaqa dumarku u leeyihiin inay go'aammadooda gaaraan iyo ilaalinta xaqa ilmaha caloosha ku jira.
GettyImages
GettyImages

Dooro jawaabta saxda ah

Meeqa ilmood ayay dumarka Norway middiiba celcelis ahaan dhashaa?

Dooro jawaabta saxda ah

Maxaa loola jeedaa qorshaynta qoyska? Jawaabo badan ayaa sax ah.

Dooro jawaabta saxda ah

Waa maxay hawlaha rugta caafimaadka?

Dooro sax ama khalad

Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?

Kaniinka P waa caag yar oo balaastig ah oo maqaarka la geliyo.
Galoolku waa aalad uu dhakhtarku geliyo ilmagaleenka haweenayda.
Salbatiibadu waa aallada ka hortagga uurka ee keliya ee difaacda cudurrada galmada lagu kala qaado
Koontaroolka uurka waxaa halkii koontarool ba lagu baxshaa inta u dhexaysa 100 karoon iyo 300 oo karoon.
Norway waxaa lagu taliyaa in koontarool la tago inta u dhexaysa 8 iyo 12 jeer inta uurka la leeyahay.

Dooro sax ama khalad

Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?

Carruurta iyo dhallinyarada Norway ku nool waxaa loo fidiyaa in si joogto ah caafimaadkooda loo koontaroolo.
Dhammaan carruurta iyo dhallinyarada waxaa loo fidiyaa tallaal bilaash ah oo looga hortagayo cudurrada halista ah.
Xor ayaa loo yahay qaadashada tallaalka, laakiin aad ayaa loogu taliyaa in la qaato.
Koontaroollada uurku waa khasab.
Carruurtu kalkaalisada caafimaadka ee adeegga caafimaadka ee iskoolka ayay la hadli karaan haddii ay wax su'aal ah qabaan.