Bey'adda iyo khayraadka dabiiciga ah
Filinka daawo
Bey'adda iyo khayraadka dabiiciga ah
Qarniyadii ugu danbeeyay Norway waxay noqotay mid ka mid ah waddammada adduunka ugu qanisan. Qaninimadaas waxaa gundhig u ah khayraadka qaniga ah ee bey'adda iyo sidii ay dadka norwiijigu u barteen isticmaalkooda. Khayraadka dabiiciga ah ee Norway waxaa ugu horreeya kalluunka, kaymaha iyo saliidda. Waxaa kale oo waddanka ku badan webiyaal iyo biya-dhac kuwaas oo biyahooda laga dhaliyo quwad tamar. Sanadihii danbena waxaa la billaabay in quwad koronto laga dhaliyo matoorro ku shaqeeya quwadda dabaysha.
Saliiddii ugu horreysay ee Norway laga helay waxaa dabayaaqadii sanadihii 1960-yadii laga helay Nordsjøen. Saliiddu si weyn ayay u saamaysay dhaqaalaha norwiijiga.
Norway waxay dhoofisaa badeeco badan oo ka timid khayraadka dabiiciga ah. Biraha ayaa ah badeeco aad loo dhoofiyo, weliba aluminiyamka. Warshadaha birtu waxay u baahan yihiin tamar koronto oo badan, quwadda biyaha ayaana suurtaggal ka dhigtay in la soo saaro caddad badan oo bir ah. Kalluunka ayaa asaguna Norway ka ah khayraad dabiici ah oo muhiim ah. Waddammo badan ayaan kalluun u dhoofinnaa, kalluunka la dhoofinayana waa sii kordhayaa sanad walba. Norway kaynta ayaa ku badan. Alwaaxda qaar ayaa la sii warshadeeyaa. Waxaana tusaale ahaan alwaaxda loo isticmaalaa in laga sameeyo xaashi iyo qalab dhismo. Alwaaxda laftigeeda waa la dhoofiyaa.
Bey'adda iyo wakhtiga lagu qaato guriga dibeddiisa
Bey'addu ayadaa iskeed khayraad u ah. Dalxiisayaal ayaa ka yimaada adduunka oo dhan si ay u daawadaan gacammada biyaha iyo qorraxda aan dhicin. Dad badan oo Norway ku nool ayaa jecel inay bey'adda u baxaan oo halkaas ku soo nastaan oo tamar cusub ka soo helaan. Meel kasta oo qofku Norway kaga nool yahay, bey'addu kama dheera - qofkana waa loo oggol yahay inuu tago meeshuu rabo. Waxaana taas loogu yeeraa xaqa guud. Dhulka aan beeraha ahayn (xeebaha, meelaha qoyan, kaynta iyo buuraha) sidaan doonno ayaan ugu dhex lugayn karnaa oo shii ku ciyaari karnaa oo meeshan doonno fadhiisan karnaa. Bannaanka ayaan seexan karnaa ama teendho ayaan dhisan karnaa, laakiin lama oggola in 150 mitir looga soo dhowaado guryaha ama guri-fasaxeedyada. Haddaan doonayno inaan isku hal meel joogno wax laba maalin ka badan, markaas waa inaan oggolaasho weydiisannaa mulkiilaha dhulkaas.
Marka aan isticmaalayno xaqa guud, waajibaad ayaa sidoo kale na saaran. Waa inaan xayawaanka iyo bey'adda midna dhaawac loo geysan. Waa inaan qashinkannaga aruurinnaa oo aynaan qashin ka tegin. Sidoo kale waa inaan ka taxaddarnaa dabka. Waa mamnuuc in kaynta iyo agagaarkeeda dab lagu shito muddada u dhexaysa 15-ka abriil ilaa 15-ka sibteembar. Waa la oggol yahay in la isticmaalo dabka wax lagu sosho ee halka mar la isticmaalo, laakiin waa inaan taxaddar muujinnaa.
Meelaha badankooda waa la oggol yahay in laga soo gurto miraha, boqoshaaga iyo ubaxa. Dad badan oo norwiiji ah ayaa markay fasaxa yihiin waxay aadaan kalluumaysi ama ugaarsi. Haddii aad doonayso inaad ka kalluumaysato webiyaasha ama biyaha sida caadiga ah waa inaad iibsataa kaar kalluumaysi.
Wada hadla
- Sheeg khayraadka dabiiciga ah ee laga helo waddankaagi, sideese loo isticmaalaa?
- Ka wada hadla faa'iidooyinka iyo khasaaraha soo saaridda saliidda iyo quwadda dabaysha.
- Ka wada hadla xaqa guud. Xeerar kaas la mid ah ma ka jiraan waddammada aad taqaanno?
Dooro jawaabta saxda ah
Norway maxay in badan ka dhoofisaa?
Dooro jawaabta saxda ah
Maxaa loogu yeeraa xaqa qofku u leeyahay inuu tago bey'adda meeshuu rabo?
Dooro jawaabta saxda ah
Waajib sidee ah ayaa saaran qofka bey'adda jooga?
Dooro sax ama khalad
Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?
Dooro sax ama khalad
Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?
Riix sawirka
Riix meesha saxda ah ee sawirka. Maxaa mamnuuc ah in kaynta iyo agagaarkeeda lagu sameeyo muddada u dhexaysa 15-ka abriil ilaa 15-ka sibteembar.