Xuquuqda iyo waajibaadka dimoqoraaddiyadda
Xuquuqda iyo waajibaadka dimoqoraaddiyadda
Dadka ku nool dimoqoraaddiyad waxay leeyihiin xorriyad, mas'uuliyad, xuquuq iyo waajibaad. Waxaan marka hore eegaynaa xuquuqda ugu muhiimsan.
Xuquuqda aadanaha
Bayaanka xuquuqda aadanaha ee QM waxaa la go'aansaday 1948-kii waana mid ay leeyihiin dadka adduunka oo dhan.
Sinnaanta
Dhammaan dadku waa inay lahaadaan xuquuq iyo fursado isku mid ah ayadoon loo eegayn da', asalka ay ka soo jeedaan, awoodda waxa ay qaban karaan, jinsi, diin ama dhinaca ay galmada u janjeeraane.
Xorriyadda hadalka
Xorriyadda hadalka micnaheedu waa in qofku fikraddiisa si xor ah uga dhiiban karo siyaasadda iyo diinta, oo uu qofku si xor ah dadka kale ula doodi karo, oo uu qofku si xor ah u qori karo fikaradihiisa ayadoo aan kuwaas loo ciqaabayn. Waxaa jira xeerar xaddidaya xorriyadda hadalka. Tusaale ahaan lama oggola in lagu hadlo hadallo cunsuriyad ah ama hadallada kale ee nacaybka ah, lama oggola ayagoo afka ah iyo ayagoo qoraal ah midna. Xorriyadda hadalku qofka gaarka ah, raadiyaha, tv-ga iyo wargeysyada intaba way khusaysaa.
Xaqa codaynta
Dimoqoraadiyadda dadku waxay xaq u leeyihiin inay codkooda ku dhiibtaan doorashooyinka siyaasadda. Da'da cod dhiibashada Norway hadda waa 18 sano. Doorashadu waa sir. Taas oo loola jeedo inaysan dadka kale ogayn waxa uu qofka gaarka ahi u codeeyay. Si aad doorashada Storting codkaaga uga dhiibato waa inaad haysataa dhalashada norwiijiga. Si aad codkaaga uga dhiibato doorashada golaha deegaanka gobollada iyo hoggaanka degmooyinka waa inaad Norway ku noolayd saddexdii sano ee u danbeeyay doorashada ka hor.
Ammaanka sharciga
Ammaanka sharciga waxaa loolaa jeedaa inaan tusaale ahaan cidna xabsi lagu xukumi karin ayadoon marka hore maxkamad la saarin. Maxkamadda waddanka dimoqoraaddiga ah waa inay xaakimiin madaxbannaan go'aamiyaan in dacweysanuhu denbiga galay iyo in kale, iyo in xaakimiin madaxbannaan ciqaabta go'aamiyaan haddii dacweysanaha denbiga lagu helo. Dacweysane kasta wuxuu xaq u leeyahay qareen.
Xorriyadda diinta- iyo caqiidada
Xorriyadda diinta iyo caqiidadu waa in dadku ay xor u dooran karaan diinta ama caqiidada ay doonaan, islamarkaana ay si xor ah u gudan karaan diintooda ama caqiidadooda. Taas oo micnaheedu yahay inaysan cidina qof ku khasbi karin inuu diin galo ama ka baxo. Cidna looma dabageli karo ama looma ciqaabo karo diinteeda awgeed. Laga billaabo marka 15 sano la gaarana wuxuu qofku xaq u leeyahay inuu iskiis diin u galo ama uga baxo, ayadoon loo eegayn sida ay dadka kale la tahay. Sida uu qof walba xor ugu yahay inuu iskiis u doorto diintiisa, si la mid ah ayuu qofku xor ugu yahay inuusan haysan diin ama aragti nololeed.
Xorriyadda ururrada
Xorriyadda ururradu waa waxyaalo badan: Kuwa soo socda ayaana ugu muhiimsan:
- Qofku wuxuu xaq u leeyahay inuu xubin ka noqdo xisbiyo siyaasadeed ama ururro dano gaar ah u halgama asagoo aan halis ugu jirin dabaggal ama ciqaab midna.
- Qofku wuxuu xaq u leeyahay inuu xubin ka noqdo ururrada shaqaalaha asagoo aan halis ugu jirin dabaggal ama ciqaab midna. Mararka qaarna wuxuu xataa qofku xaq u leeayahay shaqajoojin muddaharaad ah.
- Qofku wuxuu xaq u leeyahay inuu fikradihiisa ku soo gudbiyo muddaharaadyada sharciga ah.
Mas'uuliyad iyo waajibaad
Sida aan aragnaba, dadka dimoqoraaddiyadda ku nool xuquuq badan ayay leeyihiin. Xorriyadda iyo xuquuqda, waxaa la socda mas'uuliyad iyo waajibaad. Waa inaan u hoggaansannaa shuruucda iyo xeerarka ay go'aamiyeen dadka intooda tirada badan. Xaq ayaan u leennahay inaan isku dayno inaan beddelno waxyaalaha aynaan jeclayn ee bulshada ka jira, laakiin taas waa inaan u marnaa habraaca xeerarka dimoqoraaddiga. Bulshada norwiijigu waxay inta badan ku salaysan tahay is-aamminaad. Taas oo laga wado in mas'uuliyiintu aaminaad ku qabaan inay dadweynuhu dhiibaan warbixin sax ah oo ay u hoggaansamaan shuruucda iyo xeerarka, iyo in dadweynuhuna aamminaad ku qabaan in si sax ah loola dhaqmo - oo ay tusaale ahaan booliska iyo maadinta carruurtu si sax ah ula dhaqmaan.
Maxaa khatar ku noqon kara dimoqoraaddiyadda?
Waxyaalaha soo socda ayaa khatar ku noqon kara dimoqoraaddiyadda:
Ka-qaybqaadashada doorashooyinka oo hoosaysa.
Kalsoonida lagu qabo siyaasiyiinta oo yaraata.
Wararka beenta ah iyo hadallada nacaybka xambaarsan oo hor istaaga doodaha furan ee bulshada.
Dhibaatooyin waaweyn oo waddanka ka dhaca kuwaas oo keena in la dhinac maro hannaankii dimoqoraaddiyadda.
Xeerarka iyo shuruucda waddammo badan oo laga hormariyo xeerarkii waddan ee sida dimoqoraaddiga ah lagu go'aamiyay.
Wada hadla
- Waa sidee ku noolaashada waddan dimoqoraaddi ah?
- Waa sidee ku noolaashada waddan aan dimoqoraaddi ahayn?
- Ka wada hadla waajibaadka aad u aragtaan inay la socdaan xaqa ay dimoqoraaddiyaddu qofka siinayso.
- Sheeg xuquuqda iyo waajibaadka dimoqoraaddiyadda ee aad horay u taqaannay.
- Ka dooda sababta ay, ka-qaybqaadashada doorashooyinka oo hoosaysa iyo kalsoonida lagu qabo siyaasiyiinta oo yaraata, khatar ugu yihiin dimoqoraaddiyadda.
- Sidee ayaa kalsoonidu astaan muhiim ah ugu tahay bulshada norwiijiga? Ma haysaan tusaalayaal taas muujinaya?
Dooro jawaabta saxda ah
Xorriyad hadal oo buuxda miyaa Norway ka jirta?
Dooro jawaabta saxda ah
Norway waa immisa da'da codeyntu?
Dooro jawaabta saxda ah
Yaa qareen xaq u leh haddii dacwo lagu soo oogo?
Dooro sax ama khalad
Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?
Dooro sax ama khalad
Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?