Xaqiiqda Norway
Filinka daawo
Xaqiiqda Norway
- Norway waa boqortooyo. Waxaa boqor ka ah boqor Harald. Jagada boqornimadu waa dhaxal.
- Norway waxaa ku nool 5,5 milyan oo qof (01.01.2024). Qiyaastii shan iyo toddobaatan dadweynuhu waxay ku teedsan yihiin xeebaha. Dadka kala bar waxay deggan yihiin Bariga dalka.
- Laba luuqadood oo rasmi ah ayay Norway leedahay, waa af-norwiiji iyo af-saami. Af-norwiijigu wuxuu leeyahay laba af oo qoran, waa bokmål iyo nynorsk.
- Bedka Norway waa 385 178 kiilomitir oo laba jibbaaran. Hindiya ayaa ku dhowaad toban jeer ka weyn.
- Norway waxay xudduud la leedahay Iswiidhan, Finland iyo Ruushka.
- Caasimadda waxaa la dhahaa Oslo. Oslo waa magaalada Norway ugu weyn, waxaana ku nool qiyaastii toddoba boqol oo kun oo qof (2024).
- Afarta magaalo ee ugu waaweyn waa Oslo, Bergen, Trondheim iyo Stavanger.
- Cirifka Norway koonfur ugu xiga waxaa la dhahaa Lindesnes.
- Cirifka Norway waqooyiga ugu xigana waa Knivskjelodden oo ku taalla Nordkapp.
- Svalbard waa koox jasiirado ah oo Norway leedahay.
- Norway waxay ka kooban tahay 15 gobol.
- Norway waxay ka kooban tahay 356 degmo.
Xigasho: www.ssb.no, www.fn.no, www.oslo.kommune.no
Qaabka dhulka
Norway waxay leedahay buuro badan, kaymuhuna waa ku badan yihiin. Aagag badan oo kayn- iyo buuraley ah ayaa cidlo ah oo aan la degganayn. Buuraha qaarkoodna waxaa yaalla buuro baraf ah aan barafku weligood ka dhalaalin.
Haddii aan fidinno xeebta Norway wuxuu dhererkeedu noqonayaa 25 148 kiilomitir. Waa in ka dheer Cirifka Waqooyi ilaa Cirif Koonfureed! Bey'adda xeebaha ee koonfur iyo waqooyi way kala duwan yihiin. Meelo badan ayay faro iyo gacanno biyo ah oo qaar yar-yar iyo kuwo waaweyn isugu jira gudaha berriga u galaan. Xeebaha waxaa ku teedsan qiyaastii konton kun oo jasiiradood, laakiin qaar aad u yar oo keli ah ayay dadi ku nool yihiin. Jasiiradaha qaar baa leh buundo- ama tunneello berriga ku xira, meesha jasiiradaha qaar doomo keliya lagu tegi karo.
Way fududdahay in Norway lagu dhex socdaalo. Isgaarsiinta gaadiidka dadweynaha ayaa fiican. Waxaa lagu safri karaa gaari, bas, tareen, doon ama diyaarad.
Xigasho: SSB
Baro qaabka dhulka Norway
Cimilada
Norway waxay leedahay afar xilli: jiilaal, gu', xagaa iyo dayr.
Norway waxay ku dhacdaa waqooyiga fog. Laakiin haddana cimiladu way ka debecsan tahay intii la filiyay. Taas oo ay keeneen hirarka Gacanka. Hirarka Gacanka ayaa badweynta Atlaantikada koonfureed ka soo qaadda biyo badan oo kulul oo keena xeebaha Norway. Taas oo keenta in heerkulka meelahaas uu ka sarreeyo intii laga filayay loolka ay ku dhacaan.
Cimilada waddanku way kala duwan tahay. Xeebaha iyo dhulka gudaha ahna cimiladoodu way kala duwan tahay. Waqooyiga Norway jiilaalku waa dheer yahay, qabow yahay oo mugdi badan yahay. Xagaagu waa gaaban yahay, laakiin qorraxda oo aan dhicin darteed ayaa xagaaga ka dhigta mid fiican oo iftiin miiran ah. Koonfurta Norway dhulka gudaha ah waxaa jiilaalka ku badan barafka, meesha uu barafku ku yar yahay xeebaha. Koonfurta iyo Bariga waxaa caadiyan ka jira xagaa kulul oo fiican. Galbeedku xilli hore ayuu gu'ga galaa. Galbeedka ayaa ka roob badan Bariga. Dayrtana dabaylo xooggan ayaa ka dhaca xeebaha oo dhan laga billaabo Galbeedka ilaa Waqooyiga.
Norway waxaan niraahnaa waa kulayl haddii uu heerkulku gaaro 25 digrii sentigaraydh oo kulayl ah. Heerkulkii ugu badnaa ee Norway la cabbiro wuxuu ahaa 35,6 digrii sentigaraydh oo kulayl ah. Waxaa 20-kii juun 1970-kii lagu cabbiray Nesbyen oo ku taalla Bariga. Heerkulkii ugu qaboobaa ee Norway lagu cabbiro wuxuu ahaa 51,4 digrii sentigaraydh oo qabow ah. Waxaa 1-dii jannaayo 1886-kii lagu cabbiray Karasjok oo ku taalla Waqooyiga Norway.
Wada hadla
- Ka sheekee waddan aad si fiican u taqaano: Waa sidee cimiladu? Xaggee ayay dadku deggan yihiin? Halkaas sidee bey'adda iyo cimiladu u saameeyaan sida ay dadku u nool yihiin?
- Ka dooda in ay waddan cimiladiisu wax saamayn ah ku leedahay shaqada iyo horummarka bulshada ee waddankaas.
- Waa sidee cimilada iyo heerkulka meesha aad Norway uga nooshahay?
- Fursado iyo xaddidaado sidee ah ayay cimilada Norway nolosha u yeeshaa?
Ayeeyo: Maya, dhawr maalmood ayuu hadda roob da'ayay. Intee buu sii di'i doonaa bay kula tahay?
Hooyo: Lama garan karo. Laakiin saadaasha hawada ee raadiyaha waxaa lagu sheegay in hawadu fiicnaan doonto sabtida iyo axadda.
Gabadha: Had iyo jeer hawada uun baad ka hadashaan - labadiinnu!
Hooyo: Norwiijiga oo dhan baa jecel inay hawada ka sheekeeyaan.
Waa maxay sababta ay norwiijigu u jecel yihiin inay hawada ka sheekeeyaan?
Dooro jawaabta saxda ah
Immisa luuqadood oo luuqado qaran oo rasmi ah ayay Norway leedahay?
Dooro jawaabta saxda ah
Sheeg magaca webiga Norway ugu dheer?
Dooro jawaabta saxda ah
Muxuu ahaa heerkulkii ugu qaboobaa ee Norway lagu cabbiro?
Dooro sax ama khalad
Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?
Dooro sax ama khalad
Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?
Dooro sawirka saxda ah
Sawirkee tusaya dayr?