Nidaamka samafalka
Nidaamka samafalka
Norway waxaa ka jira nidaam samafal oo ku salaysan fiikirka ah in la siman yahay. Taas oo micnaheedu yahay in uusan jirin qof, qofka kale ka muhiimsan - loona baahan yahay in qof walba fursad u helo in uu nolol fiican ku noolaado . Dawladda iyo degmooyinka ayay mas'uuliyad guud ka saaran tahay in ay dadweynaha u fidiyaan adeegyada samafalka. Norway waxaan ugu yeernaa dal samafal ka jiro.
Nidaamka samafalku iskama imaan. Nidaamyada samafalka Norway qarniyadii u danbeeyay ayaa marba mid la samaynayay. Lacag badan ayaa dawladda uga baxda nidaamyada. Siyaasiyiinta ayaa go'aamiya nidaamyada jiraya. Waana sababta keenta in ay nidaamyadu is beddelaan, taas oo ku xiran xisbiyada xukunka haya iyo dhaqaalaha bulshada.
Dalka uu samafal ka jiro wuxuu u baahan yahay in dadka ugu badan ee suuraggalka ah shaqeeyaan oo canshuur bixiyaan. Dadka badankoodu waxay ugu jecel yihiin in ay masruufkooda shaqaystaan oo ay isku filnaadaane. Laakiin dalka uu samafal ka jiro dawladda ayaa caawin dhaqaale siin karta dadka u baahan.
Nidaamyada samafalka waxaa ka mid ah:
- mushaar marka la jirran yahay
- lacagta shaqala'aanta
- lacagta caawinta ah ee inta lagu jiro waxbarashada marka dalka lagu cusub yahay
- iskool lacagla'aan ah
- isbataal lacagla'aan ah
- lacagta carruurta
Isticmaalka nidaamyada samafalka waa kuwo aad ugu dhisan kalsooni. Dawladda iyo dadweynuhu way isku kalsoon yihiin. Dadweynuhu waxay kalsooni ku qabaan in dawladdu caawin doonto marka ay u baahdaan, dawladduna waxay ku kalsoon tahay in aysan dadweynuhu si xun u isticmaali doonin nidaamyada samafalka.
Nav
Degmo kasta oo Norway ah waxaa ku yaalla xafiis Nav. Xafiiska Nav waxaa nagala caawin karaa marka aan u baahannahay sidii aan u wax u baran lahayn si aan shaqo u helno, ama haddii aan caawin dhaqaale u baahannahay marka aan jirranno ama ku sugannahay xaalado nololeed oo adag. Waxaa kale oo ay Nav mas'uul ka tahay nidaamyada samafalka ee Norway oo dhan. Waxaa kale oo ay Nav mas'uul ka tahay waxyaalaha ay ka midka yihiin caawinta bulshada, lacagta yoomiyaha, lacagta jirrada, lacagta hawlgabka, lacagta carruurta iyo taageero lacageed oo carruurta lagu baxsho.
Nav waxay maammushaa qiyaastii saddex meelood miisaaniyadda dalka, waxaana ka shaqeeya shaqaale qiyaastii gaaraya labaatan iyo labo kun oo qof.
Bulshada samafalku ka jiro waxay abuurtaa goobo shaqo
Bulshada samafalku ka jiro waxay u baahan tahay shaqaale badan. Qiyaastii boqolkiiba soddon Norway dadka shaqeeya waxay ka shaqeeyaan hay'adaha dawladda. Dad badan oo xirfado kala duwan leh ayaa loo baahan yahay si ay u shaqayso bulshada samafalka ee norwiijigu.
Halkan ayaad ku arkaysaa qaar tusaale ahaan loo soo qaatay:
- macallimiin, shaqaalaha xafiisyada, shaqaalaha nadaafadda iyo shaqaalaha kale ee iskoolka
- dhakhaatiir, kalkaalisooyin caafimaad, shaqaalaha caafimaadka, shaqaalaha xafiisyada, shaqaalaha nadaafadda iyo shaqaalaha kale ee isbataalka iyo guryaha dadka waaweyn
- kiis-hayayaal, shaqaalaha xafiisyada iyo shaqaalaha kale ee Nav
Wada hadla
- Waa maxay sinnaan? Waa maxay samafal? Maxaa nolol fiican ah?
- Ka dooda nidaamyada samafalka ee bulshada norwiijiga.
- Ka wada hadla saamaynta ay Nav ku leedahay samafalka norwiijiga.
- Nav waxay maammushaa saddex dalool misaaniyadda dalka Norway. Maxay arrintani nooga sheegaysaa samafalka norwiijiga? Xaggee ayay lacagtu ka timaaddaa?
Dooro jawaabta saxda ah
Norway yay mas'uuliyadda guud ka saaran tahay inay dadweynaha u fidiyaan hawlaha samafalka?
Dooro jawaabta saxda ah
Kuwee ayaa tusaale nidaamyo samafal ah? Jawaabo badan ayaa sax ahaan kara.
Dooro jawaabta saxda ah
Waa maxay hawlaha Nav? Jawaabo badan ayaa sax ah.
Dooro sax ama khalad
Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?
Dooro sax ama khalad
Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?
Dooro sawirka saxda ah.
Xirfadahee inta badan laga helaa hay'adaha dawladda? Jawaabo badan ayaa sax ahaan kara.