Waxbarashada af-norwiijiga
Waxbarashada af-norwiijiga
Hadafku waa in ay af-norwiijiga yaqaannaan dadka Norway ku nool oo dhan. Luuqadda oo la wadaago waxay keentaa midnaan iyo in ay fududayso is-dhexgalka dadka. Ajnebiga Norway dega waxay helayaan deeq kala duwan oo ay af-norwiijiga ku bartaan taas oo ku xiran oggolaashada joogitaan ee ay Norway ku haystaan. Qaar ayaa xaq u leh in ay afka bilaash ku bartaan, ayna barashada afku waajib ku tahay. Qaar kalena waajib ayay ku tahay in ay af-norwiijiga bartaan, laakiin waa in ay ayagu iska bixiyaan.
Qofka barashada afka xaqa u leh islamarkaana ay waajibka ku tahay muddada uu afka baranayo waxay ku xiran tahay heerka loogu tala galay in qofkaasi luuqadda ka gaaro. Heerarka waxaa loo kala qaybiyaa A1, A2, B1 iyo B2 ayada oo la raacayo heerarka luuqadda ee Yurub.
Hadafka waxaa lagu saleeyaa heerka waxbarashada ee markii qofku Norway yimid. Marka qofku waxbarasho sare leeyahay, hadafkuna wuxuu noqonayaa mid sare. Marka la arko horummarka qofku samaynayo ayaa wax laga beddeli karaa hadafka qofka. Waxbarashada af-norwiijiga waa in gebi ahaanba la soo gabagabeeyaa saddex sano gudahood. Dadka soo dhigtay dugsi sare ama waxbarasho ka sarreysa waxaa ayaga loo qabanayaa 18 bilood. Waxbarashada waxaa lagu soo gabagabaynayaa imtixaan af-norwiiji ah si loo caddeeyo heerka aqoonta luuqadda ee qofka.
Sidee ayaa loo bartaa af-norwiiji?
Luuqadda siyaalo iyo meelo kala duwan ayaa lagu bartaa. Dadka badankoodu waxay dhigtaan koorso af-norwiijiga lagu barto si ay u helaan waxbarasho nidaamsan. Dadka Norway deggan, luuqadda norwiijiga ayaa had iyo jeer ku hareeraysan. Wuxuu qofku maqlayaa dadka oo af-norwiiji ku hadlaya baska iyo dukaanka, wuxuu qofku luuqadda ka maqlayaa tv-ga, raadiyaha, wargeysyada iyo saxaafadda bulshada. Dadka carruurta leh na waxay maqlayaan carruurta oo saaxiibbadood af-norwiiji kula hadlaya - marka ay la kulmayaan shaqaalaha xannaanada carruurta iyo macallimiintana waa in ay af-norwiiji ku hadlaan.
Qofkii firfircoon oo xiise u haya wuxuu helayaa fursado badan oo uu maalin walba ku barto af-norwiijiga. Haddii uu qofku tago meel luuqadda lagu tababbarto wuxuu markaas helayaa fursad aad u wanaagsan oo uu qofku luuqadda ku baranayo bey'ad dabiici ah.
Xigasho: IMDi
Wada hadla
- "Ka wada hadla fursadaha aad haysataan ee aad maalin walba ku isticmaali kartaan luuqadda norwiijiga.
- Waa maxay sababta ay muhiim u tahay in dadka Norway ku nool oo dhan ay fahmi karaan oo ku hadli karaan af-norwiijiga?
- Sidee ayuu qofku si firfircoon luuqadda ugu baran karaa?"
Dooro jawaabta saxda ah
Sidee ayaa heerka luuqadaha loogu cabbiraa heerarka luuqadaha ee Yurub?
Jumladda dhammaystir
Dhammaan waxbarashada af-norwiijiga waa in lagu gabagabeeyaa saddex sano gudahood. Dadka soo dhigtay dugsi sare ama waxbarasho ka sarreysa waa inay ku dhammeeyaan ...
Dooro jawaabta saxda ah
Hadafka waxaa lagu saleeyaa heerka waxbarashada ee markii qofku Norway yimid. Maxaa taas loola jeedaa?
Dooro sax ama khalad
Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?
Dooro sax ama khalad
Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?