Xeerarka oggolaashada joogitaanka

Lærerinnhold

Tips til undervisningen

Snakk sammen

Hvem som får bo i et land er et politisk spørsmål. Innvandring og mottak av flyktninger er et av de mest debatterte temaene i norsk politikk, med mange sprikende og sterke meninger. Meningene kan for eksempel være basert på økonomi, kulturspørsmål, redsel for det ukjente, rettferdighet eller integreringsspørsmål. Norge er i tillegg bundet av internasjonale avtaler og traktater som handler om innvandring.

Når et land tar imot flyktninger, sier man også ja til ansvar og forpliktelse. I Norge får flyktninger tilbud om introduksjonsprogram. Gjennom introduksjonsprogrammet får flyktningen mulighet til å kvalifisere seg for arbeid og mottar også en introduksjonsstøtte i en periode. Til gjengjeld forventes det at flyktningene selv skal gjøre en innsats blant annet for å lære seg språket, tilpasse seg kulturen og komme i arbeid.

Tips til undervisninga

Snakk saman

Kven som får bu i eit land, er eit politisk spørsmål. Innvandring og kor mange flyktningar vi skal ta imot er eit av temaa det er mest debatt om i norsk politikk, og her er mange sprikande og sterke meiningar. Meiningane kan til dømes vere baserte på økonomi, kulturspørsmål, redsle for det ukjende, rettvise eller integreringsspørsmål. Noreg er dessutan bunde av internasjonale avtalar og traktatar som handlar om innvandring.

Når eit land tek imot flyktningar, seier ein òg ja til ansvar og plikter. Flyktningar som kjem til Noreg, får tilbod om eit introduksjonsprogram. Dette introduksjonsprogrammet gjev flyktningar ei moglegheit til å kvalifisere seg for arbeid, og dei får òg introduksjonsstønad i ein periode. Til gjengjeld blir det venta av flyktningane at dei sjølve skal gjere ein innsats, mellom anna for å lære seg språket, tilpasse seg til kulturen og kome i arbeid.

Læreplan

Grunnleggende ferdigheter

Digitale ferdigheter
Muntlige ferdigheter

Tverrfaglige tema

Demokrati og medborgerskap

Læreplan i samfunnskunnskap for voksne innvandrere etter integreringsloven

bruke kunnskap om sentrale rettigheter, plikter og muligheter som nyankommen innvandrer i Norge

Kjerneelement

Individ og fellesskap

Læringsaktivitet

Muntlig aktivitet

Xeerarka oggolaashada joogitaanka

NTB

Soo galooti waa qof Norway ku nool oo dibedda ku dhashay. Soo galootiga Norway waxay haystaan oggolaashooyin joogitaan oo kala duwan iyo xuquuq kala duwan.

  • Dadka u dhashay waddammada EU/EØS way ka shaqayn karaan Norway ayaga oo aan codsan oggolaasho joogitaan, laakiin waa in ay booliska iska diiwaangeliyaan. Hab dhigitaal ah ayaa taas loo sameeyaa.
  • Qaxootiga la soo qaatay waxay Norway ku yimaadaan heshiis lala galay UNHCR (QM). Oggolaasho joogitaan oo ku meelgaar ah ayaa la siiyaa marka ay waddanka yimaadaan.
  • Qofka waddankiisii gooni dabaggalka loogu geystay ayada oo lagu dabagelayo jinsigiisa, diintiisa, dhalashadiisa, galmo ahaan dhanka uu u janjeero ama hawlo siyaasadeed awgood magangelyo ayaa laga siin karaa Norway. Magangelyadoonayaashu ayagaa Norway yimaada oo magangelyo ka codsada. Diidmo ayaa la siin karaa ama waxaa la siin karaa magangelyo/oggolaasho joogitaan arrimo bani'aadminimo oo xooggan awgood.
  • Xubnaha qoyska ee dadka oggolaashada joogitaan ku haysta Norway waxay soo codsan karaan qoys isu keenid.

Dadka la siiyay magangelyada/oggolaasho joogitaan arrimo bani'aadminimo oo xooggan awgood, qaxootiga la soo qaatay, intaba waxaa caadiyan loogu yeeraa qaxooti.

Saddexda ama shanta sano ee hore ee Norway waxaa qofka la siiyaa oggolaasho joogitaan oo ku meelgaar ah. Caadiyan waa in sanad walba la cusboonaysiiyaa. Saddex ama shan sano kaddib ayuu qofku codsan karaa oggolaasho joogitaan oo rasmi ah. Lix, toddoba ama siddeed sano kaddibna wuxuu qofku codsan karaa dhalashada norwiijiga.

Xigasho: www.udi.no

Bogga internetka ee UDI ayaad ku buuxbuuxin kartaa warbixintaada oo aad heli kartaa hagis kugu habboon. Wixii codsi ahna halkaas ayaad uga xarayn kartaa hab dhigitaal ah. Bogoggu waxay ku qoran yihiin af-norwiiji iyo af-ingiriis.

Wada hadla

  • Yaa go'aamiya cidda loo oggolaanayo in ay waddan ku noolaato?
  • Qofkii doona ma u guuri karaa waddankaaga?
  • Waa maxay sababta aysan dadka doonaya oo dhan oggolaasho joogitaan Norway uga helin?
  • Mas'uuliyad sidee ah ayaa saaran waddanka qaxooti qaata, qofka qaxootiga ahna mas'uuliyad sidee ah ayaa saaran?

Dooro jawaabta saxda ah

Maxaa loola jeedaa ereyga soo galooti?

Dooro jawaabta saxda ah

Dadka u dhashay waddammada EU/EØS ma ka shaqayn karaan Norway ayaga oo aan codsan oggolaasho joogitaan?

Dooro jawaabta saxda ah

Sheeg bogga internetka ee qofku ku buuxin karo warbixin kaddibna la helayo hagista kiisaska oggolaashada joogitaanka?

Dooro jawaabta saxda ah

Maxay codsan karaan xubnaha qoyska ee qofka oggolaasho joogitaan Norway ku haysta?

Dooro sax ama khalad

Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?

Soo galootiga Norway waxay haystaan oggolaasho joogitaan iyo xuquuq isku mid ah.
Magangelyadoonayaasha waxaa loo diidi karaa ama la siin karaan magangelyo/oggolaasho joogitaan oo ku salaysan xaalado aadane oo adag.
Saddexda ama shanta sano ee hore ee Norway la joogo waxaa qofka la siiyaa oggolaasho joogitaan oo ku meelgaar ah oo sida caadiga ah sanad walba la cusboonaysiiyo.
Dadka u dhashay waddammada EU/EØS waa inay oggolaasho joogitaan codsadaan si ay Norway uga shaqeeyaan.
Qofka waddankiisii gooni dabaggalka loogu geystay ayada oo lagu dabagelayo jinsigiisa, diintiisa, dhalashadiisa, galmo ahaan dhanka uu u janjeero ama hawlo siyaasadeed awgood magangelyo ayaa laga siin karaa Norway.