Norwayda casriga ah

Lærerinnhold

Tips til undervisningen

Bruk det interaktive kartet til å snakke om hvilke land som er medlemmer av EU/EØS.

Utforskning

Snakk sammen

Trekk paralleller til deltakernes hjemland.

Norges distriktspolitikk har som målsetting at folk skal ha samme levekår uansett hvor i landet de bor. Samtidig ser vi at det er en fordel for ressursutnytting og effektivitet at folk bor tettere sammen. Kommunesammenslåinger er et eksempel på dette.

Stikkord til arbeiderbevegelsens og kvinnebevegelsens betydning: lover og regler som beskytter enkeltindividet, menneskers selvstendighet, muligheten til å leve i økonomisk trygghet, endringer i familiestruktur og familieliv

Norge er er ikke medlem av EU, men vi er medlem av EØS. Dette betyr i praksis at vi er en del av EU-systemet når det gjelder mange EU-lover og -avtaler.
Det er fremdeles en debatt i Norge om vi bør gå inn i EU og om vi bør trekke oss ut av EØS-samarbeidet. Ved to folkeavstemninger (1972 og 1994) stemte et knapt flertall av det norske folk nei til medlemsskap i EU.

Tips til undervisninga

Bruk det interaktive kartet til å snakke om kva for land som er medlemar av EU/EØS.

Utforsking

Snakk saman

Dra parallellar til deltakarane sine heimland.

Distriktspolitikken i Noreg har som målsetjing at folk skal ha dei same levekåra uansett kvar i landet dei bur. Samstundes ser vi at det er ein fordel for ressursutnytting og effektivitet om folk bur tettare saman. Kommunesamanslåingar er eit døme på dette.

Stikkord til arbeidarrørsla og kvinnerørsla og kva desse rørslene har hatt å seie: lover og reglar som vernar einskildindividet, menneske sitt sjølvstende, moglegheita til å leve i økonomisk tryggleik, endringar i familiestruktur og familieliv

Noreg er ikkje medlem av EU, men vi er medlem av EØS. I praksis tyder dette at mange lover og avtalar i EU-systemet òg gjeld for oss.
Det blir framleis debattert i Noreg om vi bør gå inn i EU og om vi bør trekkje oss ut av EØS-samarbeidet. Vi har hatt to folkerøystingar om EU-medlemskap (i 1972 og 1994), og begge gongane stemde eit knapt fleirtal av det norske folket nei.

Læreplan

Grunnleggende ferdigheter

Digitale ferdigheter
Muntlige ferdigheter

Tverrfaglige tema

Demokrati og medborgerskap

Læreplan i samfunnskunnskap for voksne innvandrere etter integreringsloven

gi eksempler på noen av de viktigste historiske hendelsene og prosessene som har dannet grunnlaget for framveksten av demokratiet i Norge  

Kjerneelement

Demokratiforståelse og deltakelse

Læringsaktivitet

Muntlig aktivitet

Norwayda casriga ah

Illustrasjonsfoto.
GettyImages

Norway maanta waa waddan casri ah oo dhaqammo badan leh. Heerka noloshu waa sarreeyaa, tignoolajiyad casri ah ayaana bulshadu adeegsataa. Waxay Norway ka qaybqaadataa wadashaqayn caalami ah oo saamayn ku leh siyaasadda norwiijiga sida QM, NATO iyo EØS.

Haddii aan qof caadi ah weydiinno waxyaalaha qiimaha leh ee maanta bulshada norwiijiga muhiimka u ah kuwa ay yihiin, sida ay u badan tahay waxaa qofkaasi dhihi doonaa waxyaalaha qiimaha leh kuwa ugu muhiimsan waxaa ka mid ah in qiime isku mid ah la leeyahay iyo xorriyadda qofku u leeyahay inuu u madaxbannaanaado go'aammada noloshiisa.

Sida waddammada kale iyo bulshooyinka kaleba waxaa Norway ka jira xeerar badan. Xeerarku waxay aad ugu salaysan yihiin mabda'a ah in dadku isku qiime yahay, xuquuq badan ayayna xeerarku dadweynaha siiyaan. Hoos waxaan ku eegaynaa dhawr waxyaalood oo gacan ka geystay in Norway noqoto sida ay maanta tahay. Dhaqdhaqaaqyadii waaweynaa ee shacabka ayaa saamayn weyn ku lahaa samaysanka Norwaydaan casriga ah. Waxaa arrintaas kaalin muhiim ah uga jirey dhaqdhaqaaqii shaqaalaha iyo dhaqdhaqaaqii dumarka.

Dhaqdhaqaaqii shaqaalaha

folkemengde og faner på Youngstorget 1. mai. Foto
NTB/Fredrik Hagen

Dhaqdhaqaaqa shaqaalaha ee Norway wuxuu soo billowday qarnigii 17-aad, laakiin wuxuu mid abaabulan noqday wixii ka billowday sanadihii 1880-yadii markii la abuuray goobo shaqo oo badan oo warshadaha laga shaqaynayo. Dhaqdhaqaaqii shaqaaluhu wuxuu u halgamay in xaaladaha shaqo ee shaqaalaha la wanaajiyo sida in la gaabiyo maalmaha shaqada, ammaanka goobaha shaqada oo la wanaajiyo, caymis jirro iyo in caawin dhaqaale xaq loo yeesho haddii la jirrado. Maanta qiyaasti kala bar dadka shaqaalaha ah waxay ku jiraan urur shaqaale.

Dhaqdhaqaaqii dumarka

Dhaqdhaqaaqa dumarku wuxuu u soo halgamay xuquuqda ay dumarku ku leeyihiin bulshada dhexdeeda, iyo in ay ragga iyo dumarku isku fursado helaan. Dhaqdhaqaaqa dumarka ee Norway waxay firfircoonaayeen laga billaabo sanadihii 1880-yadii, 1913-kiina Norway waxay dumarku xaq u yeesheen inay codayn karaan.

1970-yadii ayuu halgankii dumarku mar kale xawaareeyay. 1978-dii waxaa soo baxay xeerkii joojinta uurka (xeerka dhicinta). Xeerku wuxuu haweenayda xaq u siinayaa inay dhicin karto wixii ka horreeya toddabaadka 13-aad ee uurka. Xaqa furriinka, xaqa ka hortagga uurka, dhicinta inay qofka dumarka ah ayadu go'aansan karto iyo xaqa ay dumarku u leeyihiin inay jirkooda xor u yihiin ayaa ahaa arrimo muhiim u ah dhaqdhaqaaqa dumarka.

Tog 8. mars med paroler. Foto
NTB/Lise Åserud

Maanta ragga iyo dumarku xaq isku mid ah ayay u leeyihiin waxbarashada iyo shaqada, hantida iyo dhaxalka, daawada iyo caafimaad wanaagsan. Jinsiga qofka kuma xirna xaqa iyo fursadaha uu qofku leeyahay. Laakiin waxaa la oran karaa meelaha qaarkood weli waxbaa dhimman oo lama oran karo sinnaan buuxda ayaa ka jirta.

Saliid

En oljerigg i havet. Foto.
GettyImages

Sanadihii 1960-yadii shirkado badan ayaa doonayay inay saliid iyo gaas ka baaraan xeebaha Norway. 1967-kii ayaa markii u horreysay saliid laga helay badda Waqooyi, laga billaabo xilligaasna Norway waxay noqotay waddan saliid soo saara. Taas oo saamayn weyn ku yeelatay dhaqaalaha norwiijiga. Sidii quwaddii biyaha oo kale konton sano ka hor, ayay dawladdu u yeelatay mulkida saliidda. Shirkado gaar loo leeyahay ayaa loo oggolaaday inay gataan xuquuqda raadinta, qodista iyo soo saaridda saliidda ayaga oo ka soo saarayay meelo xaddidan wakhti asaguna xaddidan gudihiis. Maanta waxaa bulshada ka socota dood ku saabsan ganacsiga saliidda. Layskuma raacsana cawaaqibka uu ganacsigani u keenayo bey'adda iyo cimilada.

Wada hadla

  • Wixii ka horreeyay 1850-kii dadka boqolkiiba shan iyo toban ayaa magaalooyinka ku noolaa. Qiyaastii sanadkii 1900 waxaa magaalooyinka ku noolaa dadka boqolkiiba 35, maantana waxaa magaalooyinka ku nool qiyaastii boqolkiiba siddeetan. Waddammada aad taqaanno is-beddel sidaas oo kale ah ma ka socdaa?
  • Ka dooda waxyaalaha ay ku fiican tahay iyo kuwa ay ku xun tahay in dadku tuulooyinka ka soo guuraan oo magaalooyinka u soo guuraan.
  • Ka wada hadla saamayntii uu dhaqdhaqaaqa shaqaaluhu ku lahaa sidii lagu soo gaaray Norwaydan casriga ah. Is-beddel sidaas oo kale ah ma ka dhacay waddammo kale oo aad taqaanno?
  • Ka wada hadla saamayntii uu dhaqdhaqaaqa dumarku ku lahaa sidii lagu soo gaaray Norwaydan casriga ah. Is-beddel sidaas oo kale ah ma ka dhacay waddammo kale oo aad taqaanno?
  • Ka wada hadla xuquuqda dumarka ee Norway iyo meelaha kale ee adduunka berigii hore iyo hadda.
  • Micne miyay Norway u samaynaysaa in aynaan ku jirin Midowga Yurub?
  • Saliiddii iyo gaaskii laga helay badda Waqooyi dabayaaqadii 1960-yadii ayaa Norway ka dhigay waddan qani ah. Laakiin xaqa loo leeyahay iskool bilaash ah, caawin caafimaad oo bilaash ah ama la kabayo, maalmo shaqo oo gaaban, caymis jirro iwm. waxay jireen intaan saliidda la helin ka hor. Ka wada hadla waxyaalaha qiimaha leh ee go'aammadaan lagu saleeyay.
Kvinner i demonstrasjonstog. Foto.
GettyImages

Dooro jawaabta saxda ah

Shaqaalaha norwiijiga maanta qayb intee le'eg ayaa ku jira urur shaqaale?

Dooro jawaabta saxda ah

Goorma ayaa saliid laga helay badda Waqooyi?

Dooro jawaabta saxda ah

Xeerka dhicinta ee soo baxay 1978 muxuu qofka xaq u siinayaa?

Dooro sax ama khalad

Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?

Norway maanta waa waddan casri ah oo dhaqammo badan leh, heerka noloshuna sarreeyo.
Xeerarka norwiijigu waxay aad ugu salaysan yihiin mabda'a ah in dadku isku qiime yahay.
Dhaqdhaqaaqa shaqaaluhu wuxuu mid abaabulan noqday markii la abuuray goobo shaqo oo badan oo warshadaha laga shaqaynayo.
Dhaqdhaqaaqa shaqaaluhu wuxuu u halgamaa xuquuqda shaqa-bixiyayaasha.
Dhaqdhaqaaqa shaqaaluhu wuxuu u soo halgamay in maalinta shaqada la dheereeyo si shaqaaluhu mushaar badan u helaan.

Dooro sax ama khalad

Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?

1950-yadii ayuu halgankii dumarku xawaareeyay.
Arrimihii muhiimka u ahaa dhaqdhaqaaqa dumarka waxaa ka mid ahaa xaqa furriinka, xaqa ka hortagga uurka iyo dhicinta inay qofka dumarka ah ayadu go'aansan karto.
Maanta ragga iyo dumarku xaq isku mid ah ayay u leeyihiin waxbarashada iyo dhaxalka.
Dadka badankoodu waa isku raacsan yihiin ganacsiga saliidda iyo sida loo maammulayo.
Saliiddu saamayn weyn ayay ku yeelatay dhaqaalaha norwiijiga.